Sign in to follow this  
Liibaan

54 Caruurtii Mudaharaaday Ee Laascaanood Oo Sanad Xadhig Ah Loo Gooyey

Recommended Posts

Liibaan   

Caruurtii Mudaharaaday Ee Reer Laascaanood Oo Sanad Xadhig Ah Loo Gooyey-

Lasanod Online. Sunday, May 23, 2010

 

 

 

 

Laascaanood,(Lasanod Online)- Wakiilada maamulka labaxay Somaliland u jooga Laascaanood, ayaa xukun ku riday caruurtii habeen hore laga qabtay magaalada.

 

maleeshiyada maamulkaas ayaa habeen hore saldhigyada Laascaanood ka buuxiyey dhalinyaro sodon ka badan.

 

Dhalinyaradan oo ka gilgalatay dagaalkii xabashidu ku qaaday shacabka Buhoodle, ayaa jidadka magaalada imudaharaad ka dhigay dhawr saacadood ka socday.

 

Warku wuxuu intaa ku daray, in xabsiga la dhigay ilaa 50 dhalinyaro ah oo Dhagxaan iyo taayiro ku gooyey jidadka Laascaanood, ka dib markii ay sameeyeen mudaharaad ay ku muujinayeen siday uga soo horjeedaan dad ciidamo Itoobiyaan ahi doraad ku dileen degmada Buuhoodle .

 

“Ilaa 54 dhalinyaro ah baa loo xidhay mudaharaadkaas, maantana waxa la xukumay 20 ka mid ah, qaarkoodna waa la sii daayay,” sidaa waxa yidhi weriye ku sugan Laascaanood. “Dhalinyaradan oo da’doodu u dhexayso 15-20 jir, una badan ardayda dugsiga hoose/dhexe ee Laascaanood, waxa midkiiba lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah,” ayuu raaciyay.

 

Maaha markii ugu horeeysaey ee Maleeshiyada maamulka la baxay Somlailand ee xooga ku haysata magaalada Laascaanood ay cabudhis iyo caddadis saarto shacabka magaaalada. Hore ayaa dad shacab looga kaxaystey oo Mandheera dil iyo xadhig loogu xukumay.

 

Dhinaca kale xiisadii dagaalka ee gobolka Cayn ayaa weli taagan, iyadoo dagaalo shalay ka dhacay degmada WidhWidh cashar lama ilaawaan ah loogu dhigay Maleeshiyada Hargeysa.

Wariye: Abdiqadir M. Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

ma aha in buuhodle iyo magalooyinkeena lugu laayo caruur, hawayn iyo wayeel.

 

20 sano ee somalia dagalada ku jirtay ssc peaceful bay aheed marka ninka maanta beenta ku shekenaya ee leh horumar ayaan ssc u keenaya wa kee?? dhib iyo qaxar iyo umad la laynayo moyee wax ay nagu so birinaya ma leh iyo danahooda in ay egaan...

 

Ka kaca mesha dadyahow fundraise for your people if that is the least u can do...hadal mesha ma yaal...hadal haan madhan ma buuxsho ayeey somali ku maahmaahda.

 

mana aha in naxriis aan muujino sababto ah anago ma anaga leh dad masaakin ah dila, wa dad askar ah xabadoo soo gurtey say masaakin caruur iyo wayeel u layaan.. waa dad dan ka laheen dadkeena..oo dadkoodi oo nabad ah ayaa magaloyinkooda u jooga? ninki ilma yar iyo haweyn dilaya? miyuusan talow ka fakarin dadkiisi hadii asaga laga layo suu yeeli laha?..

 

marka waa xaqeena in aan dadka meel iska marino oo magaloyinkeena xoreeno wayeelkeena caruurta iyo haweenka loo gurmado....

 

waxaan joogna maalin ay tahay in reer SSC intuu midoobo magaloyinkooda xoreeyaan. Runti hada la tabtay..

 

Askarta SSC ilaaahy hala qabto hawsha wayn ee gacanta ku hayaan. Waxay mujiyaan geesinimo iyo dacad iyo inay dadkooda naftooda u hurayaan. Waxan leenahay halka kasii wada...anaguna hadan nahay reer SSC wa ni daba taganahay. Wixi tamarteena oo cawimo noockasta ha noqdo...

 

Somalia hanolaato....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

so much for democracy and freedoms in Somaliland...

Naxar you never believed this to begin with-come now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

^^^^ do not cry markay magaalyiinkiina gubtaan, caruurtiinana qaxdo, because ma dhacayso inaad dadka caruurtooda laysaan kuwiinana nabad ahaadaan, qofkii nabada diida isagay u daran tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^^^^ do not cry markay magaalyiinkiina gubtaan, caruurtiinana qaxdo, because ma dhacayso inaad dadka caruurtooda laysaan kuwiinana nabad ahaadaan, qofkii nabada diida isagay u daran tahay.

You are absolutely right bilan.

 

Ma dhacayso taasi...ma umaleenayo hadii magaloyinkeena aan xoreeno in aan sadexdoda magalood u dhaafano?

 

imisa lalaha na dhaafa..

 

Mesha hadal ma yaalo..gacmaheena ayaa sharci no noqonaya.Somali waxay ku maahmaahda nin shantaada farood aan kaa celin, sharci kaama celiyo ...

 

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

booto.com, if they had the might to do anything they could have done something when they were fleeing the whole sanaag and northern sool in the 1990's.

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

Dhallinyarada yayryarka ah ee gardarrada lagu xidhay, faysal baa soo deyn doona oo weliba shaqo u samayn doona ee faysal doorta :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

Carruurtaan la xidhxidhay horta Kaadhadhkii Faysal sheegayay ma haysteen?

 

Haddii ay haystaan shaqo ma waayayaan laakiin haddii ay iibsadaan halsi bay ku jiraan

 

Dadka laga iibsanayo Kaadhadhka waxaanu leenahay, Kaadhadhka la iibsanayaa waa Kaadhkii dhalashada ee maaha Kaadhkii codaynta. Qofka Kaadhka iska iibiyow waxaad ogaataa in aan lagu dawaynayn, in aan Shaqo lagu siinayn oo ay Kaadhkaa kaaga xidhmayso oo qofka reer Somaliland ahi kaadhka ayuu ku kala baxayaa. Anigu ujeedo ay ka leeyihiin Kaadh-urursiga ma garanayo, laakiin waxaan idin leeyahay waxaad iibsanaysaan maaha Kaadhkii codaynta ee waa Kaadhkii dhalashada.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Aliyah iyo Dalmar, aniga ee coodeeya ee musharaxa madaxweynaha somaliland - 2012 aniga joojiinaya dagaalka buhoodle iyo widhwidh ka socda remember isku reer SSC baanu nahay. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this