Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale to Djibouti

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-06-22 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa Safar aan hore loo shaacin lagu wadaa inuu ugu anbabaxo Maanta Magaalada Dalka Jabuuti.kaas oo qaadandoona muddo laba Cisho ah .

 

Safarkan oo ka danbeeyey martiqad uu ka helay Madaxweynaha Dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelee, ayaa waxa la sheegay inay Madaweynaha iyo weftigiisa ay diyaarad khaas ah u soo direyso Dawlada Jabuuti.

 

Weftigan oo ay Madaxweynaha ku wehelinayaan Sagaal xubnood oo ka mid ah Xukuummadiisa oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibada, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Maaliyada Xuseen Cali Ducaale iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Somaliland.

 

Inkasta oo aanu war rasmi ahi ka soo bixin qasriga Madaxtoioyada Somaliland, ayaa hadana la sheegay inuu safarka Madaxweynuhu u jeedadiisu tahay sidii Dawlada Somaliland iyo Dawlada Jabuuti u soo kala saxeexan la ahaayeen heshiisyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin inay labada dhinac Safaarado ka kala furtaan Hargeysa iyo Jabuuti.

 

Inkasta oo aanu beryihii ugu danbeeyey aanu wanaagsanayn Xidhiidhka u dhaxeeya dawladaha Jabuuti iyo Somaliland, hadana dhawaan dagaalkii u dhaxeeyey Dawladaha Jabuuti iyo Ereteria ayuu Madaxweyne Rayaale si weyn u canbaareeyey Weerarkii Dawlada Ereteria ku soo qaaday Dawlada Jabuuti,waana ta keentay inuu manta dib u soo noqdo Xidhiidhkii labada wadan oo ilaa sanadkii aynu soo dhaafnay 2007 aanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn, kadib markii labada Dawladood ay isku qabteen dhoofka xoolaha.

 

Sida ay tibaxyaan wararka naga soo gaadhaya Magaalo Madaxda Dawlada Jabuuti ayaa sheegaya in Safarka uu Madaxweyne Rayaale ku tagayo maanta aad looga sii hadal hayey, isla markaana laga dareemay, arrintan ayaa dadka Siyaasada falanqeeyaa ku tilmaameen talaabo uu Madaxweynaha Dawlada Jabuuti ku doonayo inuu ku kasbado Siyaasiyiinta Geeska Afrika oo dhan, iyada oo uu dagaal kula jiro Dawlada Ereteria.

 

Madaxweyne Geele waxa uu si sharaf leh u soo dhaweeyey todobaadyo ka hor Madaxweynaha Dawlada Embeghati Cabdilaahi Yuusuf oo aanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn, Md. Geele oo aanay dadka reer Somaliland uga baran inuu difaaco qadiyadooda, kana hadlo ayey dadku is-weydiinayaan waxa uu Rayaale kala soo noqondoono Madaxweyne Rayaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , oo hogaaminaya Wefdi balaadhan oo ka tirsan Xukuumada Somaliland, ayaa maanta u amba baxay Magaalo Madaxda Jamhuuriyada Jabuuti.

 

Socdaalka Madaxweynaha oo qaadan doona muddo laba maalmood ah , waxa uu marti qaad rasmi ah ka helay Jamhuuriyada Jabuuti , waxana la filayaa in wada hadalo rasmi ah la yeelan doono xukuumada Jamhuuriyada Jabuuti , oo ay ka wada hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah.

 

Wefdigaasi uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin hogaaminayo , waxa kale oo ka mid ahaa Marwada Koowaad ee Madaxweynaha , Wasiirada Arrimaha Dibada , Arrimaha Gudaha, Maaliyada , Wasiir xigeenka Warfaafinta , Madaxa Sirdoonka Qaranka iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

 

Alla Mahad leh,

 

 

 

Siciid Cadaani Mooge

 

Af-hayeenka Madaxtooyada

Share this post


Link to post
Share on other sites

jacayl baro sxb markii aad SOMALILAND FOREVER sooqoratay, somaliya waad kasamirtay baan uqaatay. Toloow awal qalbada ayaa wali kuhaysay miyaa. Somaalinimo in ay kugu dambaysay miyaad noo cadaysay.

 

Fartaada xun firig firig kaagama go'do miyaa laoran jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this