Sign in to follow this  
QabiilDiid

GUUXA DADWEYNAHA

Recommended Posts

Do not rush. Take your time. You will like it...

 

“Shacabka Digil iyo Mirifle beerahooda Masagada, galeyda iyo khudrada ka soo baxday cunayaane munaafaqiinta meesha dowlad shisheeye kalkaalku ku heysa cunaqabateyn ha la saaro, xitaa haaddii wax lagu fududeynayo yaan shidaal na lagu dilo u gudbin” sidaa waxaa yiri guuxa mujaahidiinta furinta hore ee dagaalka.

 

“Taakuleyn shidaal iyo cunto ka timaada dowladda taagta darran ee Tigreega, soona marta masaafo ka badan dhowr boqol oo Km waxay keeneysaa fashil dhinaca taakuleynta ah” sidaa waxaa yiri sarkaal muddo dhinaca taakuleynta ka soo shaqeynayey oo u waramay guuxa.

 

Kalkaaliye dhinaca caafimaadka ah ayaa isna waxaa uu yiri “Haddii culeyska dagaal uu mid dhaqaale uga kordho odayaasha Makriga gebi ahaantood dhiig kar baa ku kacaya”

 

“Nimankii isku dayey iney tabar siyaasadeed ka raadiyaan ninkii Kenya u socda, inaga ha ina weydiiyo Fiiso in maanta cunaha lagu dhegaa waa xaq soo daahiray” sidaasi waxaa yiri ganacsatada Soomaalida ee Kenya ka shaqeysata.

 

********ta ciidanka u ahi haddii ay waayaan Shaah ay qaadka ku cunaan markaasaa hub ka dhigis lagu sameyn.

 

Maahmaah baa aheyd (Ninkaad nin ku tahay nin looma noqdo) Xamar oo quudinayey baa dagaal loo abaabuli ilaa dowlad ma fadaano ay ka dhacdo cunaqabateynta ha lagu wado” sidaana waxaa qaba sarkaal arrimaha bulshada ku taqasusay.

 

DHARBAAXYADII BU'AALE (FASHILKII TABCANAYAASHA)

 

Diin-diin baa laga sheegay inuu yiri “Meeshii la iigu tashanayey sow ALLE ma joogin” hadda shaxda khayaaliga ah ee tabcanayaasha iyo tigreegu qorsheeyeen waxaa uu ahaa si nuurka ALLE umadda siiyey loo demiyo in afar meelood isku mar dagaal ka dhaco, unugta Cabdi Qeybdiid ku hayo Bandiiradley oo kaashanaya Puntland iney soo weeraraan Gelinsoor, unug kale oo Maxamed dheere ku hayo mustaxiilnna ay soo weeraraan B/weyne, Raxan Itoobiyaan ah iyo daydayda reer Puntland-na ay soo weeraraan Buur hakaba, laakiin runtu tahay in Barre dagaalka xoogiiisa galo kana gudbo Bu'aale oo uu maalin iska xaadiriyo Kismaayo.

 

Boqorka tiisaa socone sida wax u dhaceen habeenkii weerarka la qorsheynayey maalintii ka horeysay ayaa muhaajidiinta aaga Bu'aale dagaal lama yiraa kaasuye hub ka dhigis ku sameeyeen ninkii loo hanweynaa ee Barre (Dersi adag ma kuu dhigay oo aad ka sheekeeyso) ka dib maxaa dhacay? Cabdi Qeybdiid iyo Puntland korontadii baa ka tagtay waxayna go'aan ku gaareen in reer Caabud-waaq iyagoo Beer laxawsanaya waxa Barre Hiiraale gaarey ay dhinacooda colka u soo wareejiyaan, waxayna ileyn inta nabada jecel wax uma sheegi karaane dhanka nimankii dhihi jiray (HAWADAAN KU SOO TUKANAA.. Timoweyn), Maxamed dheere wiilashii baa ka soo baxsadey, Buur hakabana barqey ka dubur jeediyeen.. ALLAAHU AKBAR.. taas ciidateyn dheh.

 

Nin aad u daacad badnaa baa 95-kii yiri “Dalkan waxaa ka socda xikmad ALLE, maalin baana nasri la heli” hadda nasrigii waa kan, in cudud kasta oo diinta iyo dalka cadow ku ah si fudud ILAAH u jebiyo, sarkaalkii 16-sano Jaalle Sadde ku dhaaran jireen (Timadheere BARRE) baa 3 wiil dilay 30 gaarina laga qabsaday, xikmad ALLAA ku jirtee howlgal caadi ah maahan, Maxamed dheerihii jiray markuu wiilasha dagaal gelinayo, ma aniga iga gaaban baa ku jira ciidanka, istaag baan ku dagaal geli, xabadna igu dhici meyso baa barqo sidii loo ceyriyey far taagi la' boqorkaa rucbi ku riday, Cabdi Qeybdiidkii xoogagii Caydiid 6 mitir kula dagaalamayey baa Bandiiradley banooni ku ciyaaraya hamisaa ku dhacday.

 

C/llaahi Yuusufkii qofkii waxaan rabaa diida Badduu ka cabayaa dhihi jiray maanta GEDO ka cab ayaa arini la mari ( Bay ka guur, Gedo u guur iyo meel amxaaro ka dhowdahay)googorada Tigreega ka cab.

 

Xigasho wargeyska Xog-ogaal

 

 

 

 

 

Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

this is rubbish Newspaper, wehen the defeated warlordS were in Mogadishu they were praising them directly/indirectlty espicially their last days and when the new rulers come to power they directed their criticisim on the TFG.

 

It's just like Dayniile or as Somalis say:

NINKII HOOYADAY QABA AYAA ADEERKAY AH

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

waa hadba dabeeshu dhankey u rogoto wargeysyada xamar ama websiteyada soomalida qaarkood, meeshii loo bata un weeyaan.

 

 

Qoraalkan ma ahan qoraal naxweysan ama laga dhadhansan karo ula jeda muuqata oo guud, nin dhowr todobaad ka qatanaa qaadka ayaa qorey oo maskaxdiisu qaadka aad u tabtey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this