Sign in to follow this  
Che -Guevara

Prisoners Exchanged

Recommended Posts

Maamulka Degmada Buuhoodle iyo Saraakiil Itoobiyaan ah oo Maanta isku wareejiyay Maxaabiis ay kala Qabsadeen

Sabti, May 22, 2010 (HOL) − Wararka ka imaanaya degmada Buuhoodle ee Gobolka cayn ayaa sheegaya in 9 askari oo itoobiyaan ah lagu wareejiyay Saraakiil ka tirsan Dowlada Itoobiya ,ka dib wada hadal dhex maray Dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

 

Waxaa la sheegay in Maxaabiistan la wareejiyay lagu qabsaday dagaalkii shalay oo ahaa Mid khasaarooyin badan Gaystay,kaasi oo u dhaxeeyay dadka Deegaanka Buuhoodle iyo Ciidamo itoobiyaan ah.

 

Ciidamada itoobiyaanka ah ee maanta soo gaaray Buuhoodle ayaa dhinacooda sii daayay dad shacab oo ay ku qabsadeen rabshadihii shalay halkaasi ka dhacay ,Waxaana Fariisin Cusub ay ka samaysteen Meel aan wax badan u jirin Degmada.

 

Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Ceyn Maxamuud Sheikh Cumar Xassan oo la soo xiriiray warbaahinta Bosaaso ayaa sheegay in xaalada degaanka Buuhoodle ay maanta dagantahay,isla markaana si nabadgalyo ah labada dhinac ay isugu wareejiyeen Maxaabiistii la kala haystay.

 

Waxaa kaloo uu sheegay Godoomiyaha in lagu heshiiyay Sidii loo dhamayn lahaa khilaafaadka ka taagan degmada Buuhoodle ee u dhaxeeyay dadka deegaankaasi iyo Itoobiyaanka

 

Dhinaca kale Khasaaraha dhimasho ee dagaalkii shalay ka dhashay ayaa la sheegay in uu gaaray 11 ruux Waxaana ku dhaawacmay 36 Qof oo dadka deegaanka ah.

 

Ugu danbayntii Xiisada ka taagan degaanka Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa lagu wadaa in la soo gabgabeeyo Maalmaha soo socda ,Waxaana jirta Cabsi dagaal oo halkaasi laga dareemayo

 

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Bosaaso,Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Reality hit the ethiopians that Somalis can't accept humiliation and occupation. Shacabka Buuhoodle waxay u dhinteen sharafta Somaliyeed.. Ethiopians and their dhabadhil!f have a great lessons learnt from Buuhoodle..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this