Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf back in Jowhar......

Recommended Posts

Jowhar: Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa hadda kasoo dagay magaalada Jowhar.

- Tuesday, September 20, 2005 at 16:17

 

Jowhar(AllPuntland)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee fariisinka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha DFKGS ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

 

 

 

Md: C/laahi Yuusuf ayaa waxaa socdaalkisia ku weheliya wasiiradii u raacay dalka Maraykanka ee kala qayb qaatay shirkii qaramada midoobay ee ka dhacay New York.

 

 

 

Dadwayne aad u farabadan oo boqolaal gaaraya oo caleemo qoyan wata ayaa waxay tubnaayeen garoonka diyaaradaha illaa bartamaha magaalada Jowhar.

 

 

 

Madaxwayne Yuusuf ayaa gacan qaaday madaxda labada gole ee dawladdiisa ka mid ah ee soo dhaweeyay ,waxaana soo dhawaynta madaxwaynaha horkacayay raysulwasaaraha Soomaaliya Prof; Cali Maxamed Geeddi.

 

 

 

Wafdiga madaxwaynaha ayaa loo sii galbiyay xarunta ay ka daggan yihiin magaalada Jowhar .

 

 

 

Wafdiga madaxwaynaha ayaa waxa ka yimaaddeen dalka Maraykanka ayagoo soo maray dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

 

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this