Sign in to follow this  
Che -Guevara

Xukuumada Puntland oo magacowday Gudi wax ka qabta sicir bararka Puntland iyo tahriib

Recommended Posts

Iyadoo waqtiyadoo lasoo dhaafay si wayn looga dareemay sicir babararka ka jira Gudaha Puntland ayna shacabku si wayn uga soo horjeesteen makiinado ka hawlgala gudaha Puntland soona saara lacagaha faalsada ah ee Puntland kuwaas oo loo tirinyo inay ka danbeeyeen sicir bararka.

 

 

Maamulka Puntland oo horey si wayn uga gaabiyay wax ka qabashada sicir bararka ka jira gudaha Puntland oo dadka qaarkii u arkaan inay xukuumadu waqtigaasi u arkaysay inay dan ugu jirin inay wax ka qabato sababo la xidhiidha soo saarista lacagta faalsadaha ah.

 

 

 

Hadaba shacabka Puntland oo khasaare lixaadlihi ay kasoo gaadhay sicir bararka ka jira Gudaha Puntland danyartiina xaaladaba kasaaray ayaa waxaa ay shacabku sameeyeen banaan baxyo ay kaga soo horjeedaan siyaasad xumada Puntland ee ku aadan sicir bararka ka jira gudaha Puntland ee ay wax ka qaban wayday.

 

 

 

Mar uu wasiiraka arimaha Gudaha Puntland ee Somalia C/rashiid Barkhadle uu tagay magaalada Boosaaso ayaa waxa uu wax badan ka qabtay hawlaha sicir bararka isagoo tixraacaya wareegtada uu kasoo saaray madaxwaynaha Puntland sicir bararka iyo gabi ahaanba in la xidho makiinada ka jira Gudaha Puntland waxaana uu halkaasi ku qabtay lacago badan oo faalso ah isaga oo la kaashanaya maamulka Gobolka Bari.

 

 

 

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa horay usoo saaray wareegto uu ku mamnuucayo makiinada ka jira Puntland taas oo timi kadib markii shacabwaynaha Puntland uu si wayn uga hor yimi xukuumada Puntland iyagoo tilmaamay inay wax ka qaban waayeen dhamaanba hawlihii loo igmaday.

 

 

 

Hadaba waxaa shalay kalfadhi ay yeesheen golaha wasiirada Puntland ee Somalia lagu magacaabay Gudo ka shaqaysa sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka,soo uruurinta makiinada iyo waliba tahriibta oo iyaduna waxyeelo wayn ku haysa xukuumada maamulka Puntland.

 

 

 

Gudida loo magacaabay wax ka qabashada sicir bararka iyo soo uruurinta makiinada:-

 

 

 

1.Maxamed Cali yuusuf W/maaliyada Guddoomiye

 

2 C/dillaahi Siciid Samatar W/amniga G/ku xigeen

 

3.C/risaaq Cabdulle Geesood W/cadaaladda xubin

 

4.C/rashiid barkhadle W/arrimaha gudaha xubin

 

5. Xasan Aadan Axmed G/hantidhowrka xubin

 

6. Xirsi Maxamed Cadaysey A/guud Bangiga Xubin

 

7. Jaamac Cismaan X/guud. xubin.

 

Hadaba magacaabistan ay hadda xukuumada Puntland magacowday Gudidan ayaa waxa ay ku doonaysaa inay dib usoo celiso kalsoonidii shacabka oo luntay kadib markii ay waayeen dhamaaba hawlihii loo doortay xukuumada ayna ku talaabsatay falalkan ay ku doonayso dhaqaalada kuna soo saartay lacagaha faalasada ah taas oo markii danbe noqotay wado furan qof kastaana la yimaado makiinad uu isagu lee yahay soona saarta lacaga faaalsada.

 

 

 

Isku soo wada duuboo gudidan ayaa shacabku waxa ay u hayaan kalsooni wayn iyadoo shacab waynaha Puntland ku abuurtay magacaabista gudan yididiilo horleh oo ay u arkaan in ay dib wax waliba caadi ku noqonayaan iyadoo gudani ay yihiin kuwo khibrad uleh jaan goynta hawlaha loo magacaabay laguna amray inay makiinada kusoo xareeyaan Bangiga dhexe ee Puntland ayna hawshooda wadan doonaan muddo laba todobaad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Laa xawla walaa quwah...

 

Is this a normal Hewlett-Packard Office Printer?? redface.gif

 

Whenever I heard that a "money making" factory exists in Bosaso I always thought of a big-bad-a$$ factory. Never a cheap Office Printer that can be found on every corner of the world.

 

-------

 

Lets calculate if this is worth doing:

 

 

A 1 thousand Somalia Shilling note currently has a value (in Bosaso Markets):

 

100USD = 2,500,000 shillings

1USD = 25,000 shillings

 

Hence, 1000 shillings = 1/25 USD or 0.04 cents of a US Dollar

 

A bundle of 500 RELEX A4 paper is probably worth around $5USD or (12,500,000 million shillings). Hence, each 1USD is worth around 100 sheets of plain A4 paper Or in Somali shilling terms: Every 25,000 shillings is worth 100 A4 sheets.

 

So, according to the picture you provided above, each A4 paper can have 3 notes of (1000 shillings). Which means, 100 A4 sheets of plain paper can theoritically have a maximam of 300 notes of 1000 shillings ( Or 30,000 shillings). Remember, 100A4 sheets is worth 25,000 shillings each!!!

 

From this calculations, printing Somalia shillings on A4 paper gives you a margin of 5,000 shillings for every 100A4.

 

If you add the electricity costs, HP colour print costs, labour costs, and transport costs, I am sure the person who is engaged in this business will be on a deficit.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this