Sign in to follow this  
Saxardiid

Baidao temporary seat for the new administration

Recommended Posts

Jumatatu   

It will entirely depend on the approach and tact President C/llahi makes and chooses as the seat of his government and parliament. I hope his tact is as good as the one he used to win the presidency. His speech yesterday at the Kenya State House in the presence of President Kibaki and others who vied with him the position, President C/llahi was very reconcialiatory. And it was good. Cause if anyone, it is him who does not want his government to face the same as those previous than him.he obviously does not want his government to be supported in some corners and not others.Hence in his speech he reached out to all and that is the approach he will take. There is nothing called 'pay-back' or revenge I assume. The government is one of reconciliation, am sure he is capable of fulfilling the task with the enormus experience he has.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Why Mogadishu is the Xudun of Somalia?

 

Maadaama Dawlad inoo dhalatay, Soomali ayaan kucaano maali.

 

Xamar Caasimad waxay u aheyd Soomali oo idil; caasimadnimadeedu ma aanay ku kasban xamar ahaan, laakiin waxa ey kutimi kadib markii ey noqotey mambaca soomali oo idil. Haatan, Xamar hal qabiil baa isugu harey, dadkii kalena kasoo xeershey, marka Maxaa xamar kaduwaya Beydhabo, LasCanod, Hargeisa, ama Kismaayo?

 

Xamar bahalo galeen ayey noqotey, ilaa bahalahaasna laga saaro oo Soomali oo idil ey dareento in ninkastiyi uu dego karo, markaas ayey kusoo noqon doontaa Caasimad nimadeedii hore--- waa hadii wax isbedelaan.

 

Sida loo beeniyey, in hal qabiil xaq uleeyahay in Soomaliya Madaxweyne kanoqdaan, ayaa loo bushinayaa in Xamar sida ey haatan tahay aanay kunoqon doonin magaalo madax. Xeerka wadankana waxaa kuyaala in hadii Xamar ey bahalo galeennimada ey kusii socoto in meel kale lageyn doono Magaalo madaxda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Kolley aniga shaqsi Ahaan Cabdullaahi Yusuf uma codeeyeen Haddii la dhihi lahaa Qof walba Codeyntiisa ha dhiibto. Not every Somali was represented in the vote.

 

Magaalo kasta ee Soomaaliyeedna Qabiilaa ku badan sida Awalba Xamar Qabiilka hadda Deggan uu ugu badnaa. It became the Capital because it was the base of the Colonial power where they built the major institutions of government. Somalinimadaa ka muhiimsaneyd Qabiilka hoose sidaasaana qof walboo soomaaliyeed meeshu doono ugu noolaa. Hadda dadka magaalada deggan iyagaa isu keeney wax walboo ku dhaca ama loogu taliyo. Gaar ahaan nimanka ay taageeri jireen ayaa badey dullinimada magaaladiina ka dhigey meel laga kala cararo. Haddaadan adiga isu fakarin soomaliyada maanta, berrito markii lagaa il helo, waa laguu talinayaa si fiican. Awalba dad ul booc ah kuugu taagsanaayey wax axsaan oo ay kuu sameyn lahaayeen baa iska yar.

 

One thing I am sure, If this is a victory of a tribe, A lot of somalis including myself have no business in supporting this coming adminstration. Perhaps they should take it where people feel their tribe has won if that is the case. Maxaa war badan keeney. Ama Qabiil ama Qaran ayey ahaaneysaa. Haddey Qabiil noqotana, nin nin u talin doono ma jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Sophist,

 

Waa mida koowaade Muqdishu waa caasimadii Soomaaliyeed. Su’aasha caasimada halkee u noqoneysa waa la xaliyey oo waxaa looga haray in Muqdishu loo daayo. Annigu shaqsiyan ma ogolaadeen in meel kale laga dhigo sababohan soo socda daraadood:

 

1. Hanti lixaad leh oo hanti ma guurto ah oo dadka ka dhaxeysa baa taal Muqdishu. Ninba hantidiisii yuu dalban doonaa hadii la heshiiyo. Inta qof hantidiisii qof kale booli u heysto hadde lamaba heshiin dee.

 

2. Hadii la yiraahdo Muqdishu ha laga bedelo waxay noqoneysaa in lagu heshiin waayo meesha kale ee laga dhigayo oo si fudud lagu kala dhinto oo markaa arrimo ka waaweeyn oo sal u qaranimada Somaaliya ay ku dayacmaan.

 

3. Sidoo kale hadii la bedelo hadde markaa waxa la xalaaleystey oo la sii hirgalinayaa qabyaalada. Awalbeyba habowsaneyd hadde ma qumane in la sii didiyo.

 

Hadaba waxaan qabaa oo ay annigu ila tahay in si ku meel gaar ah Beydhabo looga dhigo hadaaney reer Beydhabo ogol yihiin. Dantu waa in Muqdishu si xeel ah oo aan dhiig ku daadan amaankeeda loo sugo deetana markii howlaha nabada laga hirgaliyo dib loogu laabto. Hantidii dowlada, hey’adihii, and iyo dhamaan hekalkii dowladeed Muqdishu yaalaa. Dhaqaale kuwo kale lagu abuuro lama hayo marka waxaa lagu qasban yahay in kuweenii hore aan dib inta u hagaagsano aan halkaa deeto ka ambaqaadno.

 

Waxaan u qaatey in aad leedahay inta nabada la sugayo ha la tago meeshii nabad ah ileyn dalku waa isla dalkiiyee. Waan kugu raacsanahey qodobkaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi

Hadaba waxaan qabaa oo ay annigu ila tahay in si ku meel gaar ah Beydhabo looga dhigo hadaaney reer Beydhabo ogol yihiin. Dantu waa in Muqdishu si xeel ah oo aan dhiig ku daadan amaankeeda loo sugo deetana markii howlaha nabada laga hirgaliyo dib loogu laabto.

Taasi waa tii aan soo jeediyey laakiin Baashi uun baa sikaxarago badan udhigay.

 

Awalba dad ul booc ah kuugu taagsanaayey wax axsaan oo ay kuu sameyn lahaayeen baa iska yar.

:confused:

Maanan arag wax asxaan ah oo ay reer muqdisho (waa hadaan raaco sida aad magacaas u isticmaashaye) naxariis ay dad u galayaan, dadka xamar ladagan iyo kuwa dagan koonfurta xamar. Sidaas daraadeed emotion aan xaq aheynbaad noosooo bandigeysaa. Kii waxdilaayey ayuun baad xaqiina siineysaa.

 

Midda kale shirkii carto gudigii loo xilsaaray in ay kasoo warbixiyaan xaalada caasimada ayaa soo jeediyey in Baydhabo la sii dajiyo dowlada inta xamar xasilooni lagu soo celinaayo. Balantaasna waxaa kabaxay c/qasim oo sidii laga baqaayey dhexgalay qabqablayaal dagaa oo aad u xoogbadan faa'iidadeedana waanwada heynaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Saxardiid, Ramadan Kariim Bro and nothing personal. Wixii kheyr leh Soomalida Ilaahay ha siiyo. Dadka dhibaatada geystey waa niman kooban iyo inta taageerta ee Qoryaha u sidda ee ha oran dadka Xamar. Dadka Xamar are like you and Me.

 

Middeeda kale, any hint, action, or a deed that can be interpretted as favouratism or disregard by others can invite problems. Ulajeeddada aan adiga gaar ahaan kuula hadley waxa waaye, wax abaal marin la yiraahdo ma jirto ee waa duruufo waxa looga caraaraayo magaalo ee magaalo kalena loo tagaayo. Adiga waxaad ka dhigtey markii hore kasbasho ku saleysan codeyn. Xataa haddii arrinta sidaa loo gartey, waa laga fiican yahay in si muuqaal ahaan loo baahiyo. Caqliyaa loo baahan yahay. Dadka waxa keeni kara inuu ficil ku beermo waa laga ilaaliyaa. Gaar ahaan waqtiyadaan oo kale oo qof waliba mar marsiiyo raadinaayo uu Qofka kale u Khilaafo kana ciishoon yahay waayitaanka uu wax heli waayey.

 

Degganaasho, feker iyo wada shaqeyn aa dowlad lagu heli karaa. Digasho, Dagaal iyo dhega ku hadal waxba laguma keeni karo. And I don't mean to say you did it or someone else did it AS OF YET. Just in general. I noticed though both off-line and online some people forgetting themselves in the Euphoria and making silly comments. Inta wax ka meelmaraan, iska hadalka dhibkiisuu leeyahay. It is just too early to forget yesterday's problems and the reasons behind the failures.

 

I wrote the way I did to make you understand the interpretation of others. You know now how things can be personalized and used. Take care Bro.

 

Btw, I mentioned some omitted reasons behind the previously failed attempts doesn't mean I am in support of anyone in particular. I was merely stating some facts. I don't support men for the heck of it or they are related to me, but they have to earn it. If I can defend their actions, then I can support them, if not, I would have failed everything including my faith Saxib. You made the wrong assumptions smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xoogsade:

Saxardiid, Ramadan Kariim Bro and nothing personal. Wixii kheyr leh Soomalida Ilaahay ha siiyo.

Amiin bro and Ramadaan Kariim too. Waana Ramadaanoo qalbiga walaalaha muslimiinta waa in la ilaaliyaa.

 

Dadka dhibaatada geystey waa niman kooban iyo inta taageerta ee Qoryaha u sidda ee ha oran dadka Xamar. Dadka Xamar are like you and Me.

waa runtaa waana kugu raacsanahay laakiin for the sake of the discussion uu baan u isticmaalay xamar. sidoo kale marar badan waxaan isticmaalnaa gobolo magacyadooda si loo fahmo u jeedada dooda.

 

Ulajeeddada aan adiga gaar ahaan kuula hadley waxa waaye, wax abaal marin la yiraahdo ma jirto ee waa duruufo waxa looga caraaraayo magaalo ee magaalo kalena loo tagaayo.

Waxaan sxb isku dayaayey news aan wali la xaqiijin in aan discussion ah ka sameyno laakiin uma aan maleyneynin in ay heerkaan ila gaarayso. Mida hore neceyb aan u qabo xamar majiro oo waa magaaladii aan ku dhashay oo wali waxaa dagan reerkeena sidoo kale beydhabo waa meeshii aan ku soo koray oo hooyaday ayaaba ka timid wax ay iguu kala duwan yihiina majiraan laakiin maadaama xamar ay joogaan qolooyinkii aan horey u soo sheegay oo aadka u xoogbadnaa ayaan rabay in meel kale ay macquultahay laga wada hadlo.

 

Adiga waxaad ka dhigtey markii hore kasbasho ku saleysan codeyn. Xataa haddii arrinta sidaa loo gartey, waa laga fiican yahay in si muuqaal ahaan loo baahiyo.

Mida kale A/Y iyo sida uu codka ku heley iyo balanqaadyada uu sameeyey in aan iska qiyaaso mooyee sideen ku ogaanayaa.

 

Caqliyaa loo baahan yahay. Dadka waxa keeni kara inuu ficil ku beermo waa laga ilaaliyaa. Gaar ahaan waqtiyadaan oo kale oo qof waliba mar marsiiyo raadinaayo uu Qofka kale u Khilaafo kana ciishoon yahay waayitaanka uu wax heli waayey.

waa talo fiican oo nalooga wada baahan yahay sidaas daraadeed waad ku mahadsantahay sxb.

 

I don't support men for the heck of it or they are related to me, but they have to earn it.

SO DO I

 

I think we understant each other now so Allow kheyrka nawaafaji

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

Xoogsade,

 

Me change on the accounts of some peoples views- never :D .

 

I've being called just about everything and to be honest, it worried me not.

 

Personally what i dislike is propaganda and unfairness. Many folks on these forums excell in these two departments ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu soo dhisay shirkii Kenya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta u waramayay idaacadda Shabeele ayaa wuxuu sheegay in Muqidsho ay tahay caasimadii dalka hooyo isla markaana dowalddiisu caga dhigan doonto isagoo sheegay inaysan jirin gobol kale oo ay ka degi doonaan, wuxuuna tibaaxay in reer Muqdisho ay gacan ka gesytaan nabadgelyda deegaanka maadaama caasimadu tahay muraayadii dalka hooyo.

 

 

Si kastana ha ahaatee Hadalka Madaxweynaha ayaa meesha ka sareyso in dowlada la geyndoonin magaalada Baydahbo.

 

 

Wabillaahi Towfiiq:

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   
Why is only Baidoa being considered? I suggest Lascaanod; folks there would be very welcoming... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Why is only Baidoa being considered? I suggest Lascaanod; folks there would be very welcoming...

If that's the case then, might I suggest Bardhere? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this