Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UN Delegation In Laascaanood

Recommended Posts

Wefdi Ka Socda Hay’adaha Qaramada Midoobay Oo Socdaal Ku Tagay Laascaanood

 

 

 

Laascaanood (Qaran)- Madaxa Xafiiska hay’adda [uNDSS] ee Hargeysa u qaabilsan Amniga Mr Gabriel Mattie iyo Saddex xubnood Qaramada Midoobay xidhiidhka Biniaadanimo , ayaa manta socdaal ku tagay Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool , halkaasi oo ay ugu kuur galayeen xaalada Nabad gelyo ee deegaankaasi.

 

 

 

Wefdiga Madaxa hay’ada UNDSS waxa magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay wefdiga Xukuumada ee ku sugan magaaladaasi iyo maamulka Gobolka Sool.

 

 

 

Gudoomiyaha gobolka Sool Cali Maxamed Axmed oo wefdigaasi kula kulmay xafiiskiisa ayaa hay’adaha qaramada Midoobay ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan horumarinta Mashaariicda gobolkaasi oo uu xusay in qoysaskii ku baro kacay dagaalkii ka dhacay Magaalada Laascaanood ay hada dib ugu soo noqonayaan guryahoodii.

 

 

 

“qoyskii ka baro kacay magaalada oo sodon tuulo u baro kacay , ay dib ugu soo noqonayaan guryahoodii , markii xaaladii Nabad gelyo ee Magaaladu ay xasishay’’ ayuu yidhi Badhasaabka Sool.

 

 

 

Gudoomiyuhu wuxuu hay’adaha Qaramada Midoobay warbixin ka siiyay baahiyaha gobolkaasi ka jira ee dhinacyada adeegyada Bulshada.

 

 

 

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud Md Siciid Sulub Maxamed iyo Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Md Axmed xaashi Cabdi,ayaa wefdigaasi u sheegay in xukuumada Somaliland ay kaalintii ay ka qaadan karaysay gar gaarka gobolkaasi ay fulisay , iyadoo raashin gaadhsisay qoysaskii baro kacay , isla markaana ay dawooyin gaadhsiisay cisbitaalka Laascaanood.

 

 

 

Madaxa wefdigaasi Gabriel Mattie , ayaa socdaalkiisa ku micneeyay mid uu ugu kuur galayo Nabad gelyada gobolka Sool iyo sidii gar gaar bini;aadnimado loo gaadhsiin lahaa deegaanadaasi , waxana ay muddo dhawr saacadood ah oo ay joogeen halkaasi ay booqdeen cisbitaalka Laascaanood, iyagoo ku soo wareegay wadada Badhtamaha Magaaladaasi.

 

Sarkaalkaasi iyo wefdigiisu waxa kale oo ay kulan la yeesheen odayaasha , Waxgaradka iyo Aqoonyahanka gobolkaasi , kuwaasi oo ay iska warayseen xaalada Nabad gelyo , waxana ay maantaba ka soo ambo baxeen Magaalada laascaanood.

 

Waana Weftigii u horeeyay ee ka socda qaramada Midoobay,ee socdaal ku yimaada magaalada Laascaanood,tan iyo markii gobolka Sool laga sifeeyay maamulkii Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxa UN Security oo soo gaadhay Laascaanood shirna ku qabtay Dawlada hoose (Doowo Sawiro)

 

 

Waxaa saaka soo gaadhay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood madaxa UN Security iyo qaar kamid ah shaqaalaha kale ee hadaha UN ka oo indha indhayn ku samaynayay amaanka Gobolka iyo xaaladiisa wafdidan ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay markii ay yimaadeen xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

 

 

Soo dhawaynta wafdidan oo ka koobnaa afar xubnood oo kala ah Gabrial Matei,C/kariim Xuseen Cali,Cabdi Faarax iyo Maxamed Faarax ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiinta Somaliland ee ku sugan Gobolka ayna horkacayeen masuuliyiinta Gobolka iyo kuwa Degmada ee Cali Sandule iyo Canbaashe aw Daahir.

 

 

 

Kadib imaashiyaha wafdidan ee magaalada ayaa waxa ay masuuliyiinta maamulka Somaliland ee ku sugan Gobolka waxa ay kulan kula yeesheen xarunta Gobolka Sool iyagoo ka wada hadlay socdaalkooda warbixinana kala qaatay waxaana kulankaasi kadib wafdida lagu soo wareejiyay magalaada Laascaanood iyo waliba xarumaha Dawlada iyo kuwa Dadwaynaha ka dhexeeya Sida Hospital ka.

 

 

 

Kadib markii masuuliyiinta Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool oo uu horkacayay Gudoomiyaha Gobolku ay soo dhameeyeen socdaalkoodii ku aadanaa indha indhaynta Gobolka oo ay masuuliyiinta UN ka ay tusayeen in magaaladu ay amaan tahay ayaa waxaa shir lagu qabtay hoolka Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood.

 

 

 

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen dad aad ufara badan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta UN Security,Masuuliyiinta Somaliland ee ku sugan Gobolka iyo shacab wayne aad ufara badan oo si wayn udanaynayay inay mar uun helaan Ha’adaha UN ka oo Gobolka ka hawlgala.

 

 

 

Waxaa hadaba shirkii furay Gudoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe aw Daahir isagoo halkaasi dadka uga war bixiyay masuuliyiinta ka socda UN ka ee soo gaadhay Gobolka si ay u eegaan xaalada amaan ee Gobolka dadkana ka codsaday inay usheegaan waxa ka jira Gobolka.

 

 

 

Sidoo kale waxaa ku xigay Gudoomiyaha Gobolka oo ka warbixayay socdaalka masuuliyiintan iyo inay doonayaan inay Gobolka wax u qabtaan kaas oo Gobolku tabsanaa intii maamulka kale ka jiray hadana ay doonayaan in wax laga qabto.

 

 

 

Waxaa lagu soo dhaweeyay hadalkii madaxa UN Security Gabrial Matei oo sheegay inay usocdaan sidii ay u ogaan lahaayeen xaalada Gobolka iyo nabad galyadiisa isagoo sheegay inaysan maamulka Somaliland iyo ka Puntland midna hawlohooda fara galinayn oo aysan u ool laakiin ay halkan u yimaadeen sidii Gobolka wax loogu qaban lahaa waxaana uu dadka ka codsaday inay xaalada dhabta ah ee ka jirta Goboolka ay usheegaan iyo amaankiisu sida uu yahay waxaana sidoo kale halkaasi ka hadlay masuuliuyiintii kale ee la socday.

 

 

 

Dhanka kale waxaa hadalkii lagu wareejiyay Dadwaynihii halkaasi isugu yimi waxaana u hadlay shan qof oo kala ah Caaqil Maxamed X. Ibraahim Ducaale,Oday C/laahi Maxamed Maxamuud,Caaqil Maxamed X. Ismaaciil,aqoonyahan C/qaadir Ducaale Cali Kaarshe iyo gabadh u hadashay haweenkii halkaasi isugu yimi iyada oo ay dhamaan dadkii halkaasi isugu yimi ay u xaqiijiyeen masuuliyiinta UN ka in Gobolku uu amni yahay laakiin ay jiraan warar been abuur ah oo laga fidiyay Gobolkaa taasina aysan waxba ka jirin kana sugayaan Hay’adaha UN ka in Gobolku waxa uu tabanay iyo baahiyihiisa wax ka qabtaan.

 

 

 

Hadaba ugu danbayntii ayaa shirkii maanta waxa uu ku dhamaaday jawi aad uwanaagsan iyadoo dadka shirkaasi kasoo qayb galayay ay si wayn udanaynayeen Hay’adaha UN ka si ay Gobolka waxa ugu qabtaan laakiin maaaha markii ugu horaysay ee Gobolka ay yimaadaan masuulyiin ka socda UN ka oo socdaal indhi indhayn ah ku yimaada laakiin waa markii ugu horaysay intii Somaliland ay la wareegtay gacan ku haynta Gobolka ay yimaadaan.

 

dawun10.JPG?0.01389320552443396

dawun11.JPG?0.168074302413719

dawun3.JPG?0.6519322661093594

dawun13.JPG?0.7310535450777273

 

 

MORE PICTURES HERE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhanka kale waxaa hadalkii lagu wareejiyay Dadwaynihii halkaasi isugu yimi waxaana u hadlay shan qof oo kala ah Caaqil Maxamed X. Ibraahim Ducaale,Oday C/laahi Maxamed Maxamuud,Caaqil Maxamed X. Ismaaciil,aqoonyahan C/qaadir Ducaale Cali Kaarshe iyo gabadh u hadashay haweenkii halkaasi isugu yimi iyada oo ay dhamaan dadkii halkaasi isugu yimi ay u xaqiijiyeen masuuliyiinta UN ka in Gobolku uu amni yahay laakiin ay jiraan warar been abuur ah oo laga fidiyay Gobolkaa taasina aysan waxba ka jirin kana sugayaan Hay’adaha UN ka in Gobolku waxa uu tabanay iyo baahiyihiisa wax ka qabtaan.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Konton kunka barakacay adeer sidee la yeelaa? Kuwaa xaqoodaa maqan, xaqooduna waxuu ku xiranyahay ciidan beeleedka soo duulay inuu xaduudiisa ku laabto. Anigu waxaan qabaa in wali faraha laysa saarin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

50,000 ?????????

 

 

It is good now that the UN realized the reality and it is going to take part of the long abandoned region of Sool. Good for the people and good for the country too.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Hadee hadalku halkee ayuu kaa maray? Jawaabtaaduna anigu aflagaado iyo magac dil baan u qaatay, gobol dhan dadu leeyahay degan yihiin oo bilicsan inaad maanta tiraahdid waa shay dayacan ee adigu aad wax u qaban karaysid eeyan dadkeedu u qaban karayn. War ninku isla hanwaynaa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

gobolku wuu dayacnaa 5 tii sanno ee ugu dambaysay qof walibana wuu arkayaa ,,,, may be not you ,,, Imikay dadku wax qabsanayaan oo ay gobolkoodii dib u dhisanayaan ,,,, This is just the beginning laakiin mashaariicdu are in the pipeline sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Marka waxaad i leedahay adigu UNta sida quud looga raadsado waad taqan balse reer Laascaanood wali maysan baran ee corso ayaad doonaysa inaad u dhigtid?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaahay baa quudka bixiya ee UN waxba ma hayso sxb ,,,, UN tuna markay aragtay dadka oo wax qabsanaya uun bay meesha yimaadeen ee dadkaa dhulkooda wax u qabsanaya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Anigu waxaan kaa dareemay inaad leedahay UNta baa bartay oo i quudiso, reer Laascaanood waxaan rabaa inaan baro sida UNta loola xiriiro. Marka maxaad kaloo tiri aanu ku maqalnee?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

so you were happy when sool slice was being used to build airstrips in bossaso and garowe, when laascanood didnt even have operation general hospital... empty pride gets you nowhere its time the children of lascanod got decent chance too.

 

 

we can fully understand people pride got bruised but i think its time to stop the colaad and move on and let reer sool and somaliland do their thing for their people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this