Sign in to follow this  
General Duke

Thug in Barava [Dhuxulow] says he will not handover to locals.

Recommended Posts

BARAAWE: Guddoomiyaha Degmada Baraawe oo ka hadlay maanta sababtii uu u soo xaadiri waayay xafladdii wareejinta Maamulka Gobolka Sh/hoose

Posted to the Web Oct 04, 11:58

 

 

Baraawe (PP) – C/llaahi Xaashi Dhuxuloow oo ah Guddoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka hadlay maanta markii ugu horreysay sababtii uu uga baaqsaday ka qaybgalka xafladdii lagu wareejiyay maamulka Shabeellada Hoose.

 

Guddoomiyaha haysta Degmada Baraawe ee Shabeellada Hoose ayaa wuxuu sheegay in xafladdaas uu ka soo qaybgeli lahaa balse uu ku mashquulay dil ka dhacay deegaannada uu madaxda ka yahay, waxaana uu sheegay in xafladda wareejinta ay ahayd mid uu isagu abaabulkeeda wax ku lahaa.

 

 

Dhuxuloow wuxuu si dhab ah u caddeyn waayay inuu ku qancay wareejinta lagu wareejiyay Maxkamadaha gobolka Shabeellada hoose, waxaana uu sheegay in wareejinta Gobolka ay tahay mid aan hadda dhicin, balse ahayd mid horay u dhacday oo ay raacsanaayeen Maxkamadaha iyo maamulkooda.

 

 

Mar wax laga weydiiyay in isaga iyo kooxaha haysta deegaanka Wanlaweyn oo ay isku haybta yihiin ay diideen inay wareejiyaan deegaannadooda ayaa sheegay inaysan diidin, balse ay ogol yihiin, wuxuuna sheegay inuu isagu weli ka yahay Degmada Baraawe Guddoomiyaha oo aan weli laga wareejin, wuxuuna inkiray in laga wareejin doono dhawaan.

 

 

"Siyaasiyiinta Gobolkaan u dhashay ayaa wada qorsha ah in la iga wareejiyo maamulka Degmada Baraawe, kuwaasna waa kuwo aan islam ahayn oo aan islaamnimada waxba ka aqoon, waxayna inta badan ka shaqeeyaan howlo aan wanaagsanayn oo ay ka mid tahay inay dacaayado naga sameeyaan haddii aan nahay maamulka Gobolka Shabeellada Hoose iyo degmooyinkiisaba" ayuu yiri C/llaahi Xaashi Dhuxuloow oo ka jawaabay su'aal ahayd inuu ka biyo diiday ra'yigii dadka deegaanka ay ugu soo jeediyeen inuu ku wareejiyo maamulka Deegaannadooda oo ay ka mid tahay Baraawe.

 

Maxamed Xuseen Jatiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Man, why are you inundating the site with these political news/screeds? So much ado about nothing. THere are 10 other threads open dealing with same subject.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this