Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SOMALILAND WAA HOOYADII QARANNIMADA SOMALIA

Recommended Posts

Hordhac Waxaa dhowaan la wareegey gacan ku haynta gobolka Sool, gaar ahaan magaalaada muhiimka ah ee Laascaanood Maamulka Somaliland. Haddaba, waxaa muhiim ah in aay fahmaan dadku mamulka hirgalay gobalka in aay ka danbeeyeen Shacabka Gobolka Sool iyo Ciidan uu dhashay Gobalka oo fahmey siyaasadda Puntland oo aan qabiil dhaafsiisneyn khatarna ku noqotey jiritaanka Ummada Soomaaliya, waxeyna shacabku Taageero ka heleen maamulka Somaliland oo isna muddo ku Taamayey Waqooyisam iyo Mamul ka Hirgala Gobalada SSC iyo dhamaan Gobolada kale ee waqooyi Haddaba,Mamulka ka hirgalay Laascaanood ayaa dadka qaarba si u arkaa.

 

 

Waxaan anigu ka mid ahey dadka u arka, in ay arrintani soo dhoweyneyso xal u helidda mashaakilka Somalia ee adduunka oo dhammi xal u waayey. (Taariikhdu waa mudan, waajira markhaati leh, marbay ahayd adduunyadu, mugdi lagu halaaboo, mahdhooyin badanoo, dadku aayda magansado) Waxaan qormadan si kooban ugu eegayaa Xilligii gumeysiga, Xilligii dowladdanimada, iyo Xaaladda hadda taaagan (sida mustaqbalku iila muuqdo).

 

Xilligii Gumeysiga iyo Halgankii Xornimodoonka

 

Waxaynu wada ogsoonahay in xilligii gumeysigu dalka heystey uu halgankii ugu adkaa uguna Taariikhda dheeraa ahaa kii Daraawiishta ee 1900-1921 uuna ka bilowdey Gobolada Somaliland. Waxaynu kale oo ogsoonahay, in halgankii siyaasadeed ee lala galey gumeysiga Ingriiska laguna doonayey in Somalia ka xorowdo gumeysiga lana mideeyo goboladii soomaalyeed ee gumeysigu heystey uu ka bilowdey ugu horeyntiina ka najaxey Somaliland.

 

Waxaa markhaati ma doonto ah in calankii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey lagana taago ciid Soomaaliyeed laga taagey magaalada Hargeysa oo aheyd haddana ah caasimadda Somaliland (Sareeyoow ma nusqaamoow aan siduu yahay eegnee kanna siib kanna saar).

 

Xilligii dowlanimada Somalia

 

Ka dib markii calanka la saarey 26,June 1960kii, ayaa sidii ay ku ballansanaayeen waddaniyiintii Somaliland oo ay hoggaaminyeen alla ha u naxariistee Maxamed Ibraahin Cigaal iyo Garaad Cali Garaad Jaamac waxay isla markiiba u amba baxeen magaalada Muqdisho si ay ula midoobaan walaalahooda kale uguna cadaadiyaan gumeysigii Talyaaniga siduu usoo dedejin lahaa xornimadooda taasoo nasiib wanaag timi 1 July 1960 halkaas oo ay ku dhalatey dowladdii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaliya.

 

Waxaase nasiib darro noqtey, in isla markiiba ay siyaasiyiintii kaafurta Somalia bilaabeen cadaadis iyo musumaasuq xad-gudub ku jiro oo ay ku sameeyeen goboladii Somaliland. Waxaase xaaladdii ka sii dartey markii xukunkii militeriga ahaa uu waddankii la wareegey.

 

Ka dib markii shacabkii gobolada waqooyi gaar ahaan gobolada waqooyi galbeed, togdheer iyo sanaag ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinkii lagu hayey ayey bilaabeen kacdoon ay ku doonayeen in ay xuquuqdooda ku helaan jawaabtii dowladduna waxay moqotey in ay bilowdey xasuuq aan loo aabayeelin. Taasina waxey dhalisay kacdoonkii hubeysnaa ee SNM. Waxaase la yaab noqotey, in dowladdii Soomaaliyeed aay Adeegsato Qabyalad lagu kala Qaybinayo dadka uu dhashay Somaliland Wayna ku guulaysatay in muda ah mishinki, Waxayna Gaadhay Heer aay duqayso magaalooyinka Hargeisa iyo Burco iyadoo isticmaalaysa madaafiicdii, Taagiyadii iyo dayuuradihii dagalka ee Qarankii Soomaliyeed halkaasna lagu gumaadey shacab aan la tirinkarin,

 

Xilligii dagaalada sokeeye

 

Dagaalka aan kor ku soo sheegey ee dhexmarey Jabhaddii SNM iyo dowladdii Soomaaliyeed wuxuu sabab u noqdey in dowladdii isticmaasho qabiil iyo in qabiilooyinkii kale sameystaan jabahado qabiil ku dhisan sida USC iyo SPM kuwaas oo iyaguna dagaal hubeysan ku qaadey Taliskii macangagga ahaa ee Siyaad Barre taasoo keentay in ay dowladdii Somaaliyeed si fudud ku burburto.

 

Dhibaatooyinkaas naxdinta lihi waxey dhiliyeen in dagaalkii qabiilku sii xumaado oo ay cidana cid bixin weydo dadkii Soomaaliyeedna cadow isu wada noqdo. Waxaase ammaan mudan maamulka Somaliland oo intii itaalkiisa ah ku dadaaley kuna guuleystey in shacabkeedu nabad kuwada noolaado nidaam iyo kala danbayna ka abuurey degaanada xukunkooda hoos yimaada.

 

Xaaladda hadda taagan

 

Sida aan hordhaca qoraalkan ku xusan, waxaan aaminsanahey Mamulka Somaliland ee ku fiday Gobolka Sool ay soo dhoweyneyso xal u helidda dhibaatada Somaaliya. Taasoo aan sabab uga dhigayo arrimaha hoos ku xusan:

 

Waxaa laga gudbayaa siyaasaddii qabiilka ku dhisneyd, waxaana khasab noqoneysa in qabiilooyinka koofurta Soomaaliya fahmaan in ay isu baahan yihiin ayna ku khasban yihiin in ay heshiiyaan, haddii kale sida muuqata waxey noqon doonaan gobol Itoobiya ka mid ah.

Waxaa sahlanaan doonta wada hadalka mustaqbalka oo intii toban qabiil oo midba dan gaara wato wada hadli lahaayeen, waxaa wada hadli doona Somaliland iyo Somalia(Koonfur).

Haddii koonfuri sidan kusii jirto, waxey Somaliland ka badbaadeysaa gumeysiga Itoobiya la damacsan tahay Soomaaliya oo dhan.

Arrimaha aan kor ku soo sheegey haddey tahay mid Taariikheed iyo haddey tahay xaaladda hadda taaganba waxey muujinayaan in ay Soomaaliland horena u isticmaashey haddana isticmaaleyso Siyaasad caqli gal ah marka loo eego Soomaalida koonfureed, waxaadna moodaa meesha dadka qaar leeyihiin Soomaalibaa la kala goynayaa iyagoo aan u fiirsan iskana indha tiraya waxa ay dalkooda iyo dadkoodaba ku sameynayaan, in ay Somaliland noqon doonta furaha xal u helidda dhibaatada raagtey ee Soomaliya.

 

(History is repeeting itself) Somaliland waa HOOYADII XORNIMDA SOMALIA, Mamulka Somaliland ee ka Hirgalay Gobolka Sool gaar ahaan magaalada muhiimka ah ee Laascaanoodna waxey soo dhoweynaysaa joojinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed ee daadanaya........

 

 

 

LA SOCO QORMADA LABAD EE AH SOMALILAND WAA HOOYADII XORNIMDA SOMALIA

 

 

Jamal Ali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaranka Soomaaliya iyadaa hooyo iyo aabo isku ah. Waqooyi Galbeedna, along with other gobolo, waa ilmaheeda.

 

And also, as usual, many points in this article can be refuted. Many facts are distorted, some omitted outright. Let me just mention a few without going into details.

 

Koow: Calanka Soomaaliya ciid ama dhul Soomaaliyeed ugu horeysay Xamar ahayd, though it wasn't meel weyn la isku yimid, like the independence day since Koonfurta, along with Waqooyi, still ku jirtay gumeysidoonkii. That was 1954. If the author meant publically, on a public square, yes then, taas Hargeysa ka dhacday in 1960.

 

Laba: Jabhad Soomaaliyeed qabiil ku dhisan SNM ma ugu horeynin, oo SDF [sSDF later] ka horeysay.

 

Sadex: Imaatinkii Cigaal iyo Garaad, Eebba ha u wada naxariistee, ay kusoo socdaaleen Xamar masoo "dedejin" xoriyadda Koonfurta, oo taas xili qoonteysan lasii ogaa, oo ahayd Kowda Luulyo, 1960. Tan lasiiye Waqooyi ayee Ingiriiska soo dedejiyeen, see ugu sahlanaato inay Koonfur, oo maalmo ugu harsanayd xoriyadeeda, ay ula midowdo walaalahooda Waqooyi.

 

Afar: Waqooyi kaliya u doonista xoriyada iyo shanta Soomaali midowdo kaliya kama jirin xagaas. In fact, it was auspiced by SYL, their tireless efforts made possible inay xarumo ka furtaan deegaan walba ee Soomaaliyeed -- from Gaarisa to Seylac. [Even Jabuuti xataa.]

 

It is not good to distort -- or rewrite -- actual, historical facts. Ma fiicno.

 

Walaalaheena Waqooyi waa halgameen, oo dadaaleen, walaaleheena Koonfureedna waa halgameen, oo dadaaleen. Both -- dad ama gobolba ha ahaadeen -- waa waa ilmihii qaranka Soomaaliya, not hooyo or aabo. Dadkii Soomaaliyeed soo halgamayna waa ku wada mahadsanyihiin.

 

Maanta marxaladda adag jirto sidii loogu bixi lahaa la rabaa, our mother country Soomaaliya needs us more than ever. Sidee aabiyaasheen gumeysidiidka ahaa ula dagaalameen gumeysdoonka, anaga leyli cusub oo culus noo yaalo. Let us not disappoint our forefathers u halgamay dalkeena iyo dadkeena, una huray dhiigooda iyo maalkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

^^^^^Let me guess sheekadan waxaa kuu soo sheegey your uncle or dad miyaa?

 

History especailly that of Somalis is a very tough topic to cover partly because its based on individuals with very distorted recollections of events leading up to the union of the 60's.If you ask a northerner what part contributed to the union of Somalis they will say the North was responsible for it and similarly the Southerns will lay claim to it with the SYL at the forefront of the union.Wax kasta been ha laga sheego but one thing is clear,it was the Somaliland politicians led by Cigaal who made several trips from Hargeysa to Mogadisho in 1959 that facilitated the eventual union between Italian Somaliland and British Somaliland.The rest in my book waa aabo yidhi iyo adeero igu yidhi.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gediid:

One thing oo qura aan sheegey and that is a fact no one denies.

Going along with that fact, so you are saying the southerners were simply passive actors,and did little or nothing to facilitate the formation of the union.

 

P.S. The union was borne out of desire of all Somali people. Northern and Southern politicians simply acted on that desire.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

^^^^^LOL unfortunately maya but one of your uncles ayaa ii sheegey.An honest and truthful man oo Somalinimo fahansan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The union was borne out of desire of all Somali people. Northern and Southern politicians simply acted on that desire.

This is closest thing to the truth.

 

And Saaxib, neither you or anyone else can claim to be the authority on true Soomaalinimo. The idea of northerners sacrifing while southerners were simply glory huggers is rubbish.It seems you like to throw that around everytime the Somali union is discussed.

 

P.S. Would it made more sense for Egal to go Xamer since it was going to be the seat of the Somali goverment. Besides, can you inform us what actually transpired during his meeting with the southern politicians.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Che

Bile ha daacin ee bal is yar deji sxb.I never said that nor do I intend to say that.There were some very young and bright nationalists on both sides who were hell bent on creating a viable and just union of the 2 parts but their intentions were derailed by oppurtunistic folks who twisted the whole union.The glory huggers in my book were those oppurtunistic folks who went on to lay claim to the noble union.Unfortunately the men who worked tirelessly to ensure that the union took place at any cost are never mentioned in any history book.Their sacrifice and patriotism goes without mention and yes they were both southern and northerner if that makes you happy.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

LooooooooL@makes you happy...It is not about me. I just don't care for people who present loopsided view of things or has skewed mentality while claiming to be guardian of true Somalinimo.Maybe we should leave history to the historians.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gediid:

History among somalis sxb depends on who writes it and as a result it will always be biased.

Agreed!

 

P.S. I guess you could write your own version and I write mine :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this