Sign in to follow this  
Che -Guevara

Ceyrow oo ku goodiyay dagaal

Recommended Posts

Macalin Aadan Xaashi Ceyroow oo ahaa taliyihii ciidamada Maxkamadaha Islaamiga isla markaana lagu tiriyo inuu yahay nin aad u mayal adag ayaa cajal maqal ah soo duubay markii ugu horeysay tan iyo markii Maxkamadaha ay iskaga baxeen inta badan Somalia.

 

Aadan Ceyroow waxuu sheegay inuu nool yahay isla markaana maalinta uu dhimanayo la qoray intii uu ku jiray uurka hooyadiisa, isagoo beeniyay wararka sheegay in lagu dilay duqeynta diyaaradaha America ay ka geysteen Koonfurta Somalia.

 

"Waxaan la dagaalamayaa ciidamada cadowga Diinta oo dalka Somalia kusoo duulay dhulkeyga, waana ogahay inaan xoog ugu bixin doono dhawaan," ayuu yiri Ceyroow.

 

Ceyroow ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa kale ee Afrikanka ah ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan dalka Somalia.

 

Aadan Ceyroow waxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada inay hubkooda qaataan isla markaana ay ka qeyb galaan dagaal uu ugu yeeray Jihaad oo dalka loogu xoreynayo ciidamada uu ku tilmaamay inay kusoo duuleen Somalia.

 

Macalin Aadan Ceyroow waxuu sheegay inaysan ciidamada Maxkamadaha ka bixin Somalia, ayna joogaan gudaha magaalooyinka dalka ugu waa weyn dhawaana ay dalka ka saari doonaan ciidamada Ethiopian-ka.

 

Aadan ayaa wacad ku maray inuu u dhimanayo sidii dalka Somalia ugu bixin lahaa ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa kale ee Afrikanka ah, isagoo beeniyay inay Maxkamadaha ka dambeeyaan weerarada Dowlada lagu qaadayo.

 

"Maxkamadaha kama dambeeyaan weeraradaasi, hoobiyaasha magaalada Muqdisho lagu garaacayo waxaa tuuraya ciidamada Ethiopian-ka,Dowlada KMG ahna wey ogtahay," ayuu yiri Ceyroow.

 

Ceyroow cajalkiisa maqal ah kuma uusan sheegin halka uu joogo laakin waxuu sheegay inuu ku sugan yahay gudaha dalka Somalia , isla markaana uu ka qaban qaabinayo dagaalo uu ku sheegay in dalka loogu saarayo cadowga.

 

Waa markii ugu horeysay oo Ceyroow codkiisa warbaahinta uu soo gaaro tan iyo markii la sheegay inuu ku dhintay duqeynta diyaarada America ay ka geysteen koonfurta Somalia.

 

 

Fiiro Gaar Ah: Akhrisyaasha waxaan la socodsiineynaa inaan dhawaan bogeena Garoweonline.com usoo galin doono codka Aadan Ceyroow oo dhameystiran.

 

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I am not saying nor wish for his death, but the fact that he was so media shy, might have a negetive impact on the message hitting home.

 

Xasan Dahir, Khalaf, Abu Mnasuur, IndaCade all were media lovers he was media shy and thus, many people have nothing to compare this new message with. Thus the authenticity of it can not be proven.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Does the guy even exist?If he does they are just blowing him out of proportions to link Somalia to Alqaeda.

 

Duke,the media is always not a good thing.Remember Zarqawi and the misfiring blunder?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Che-Guevara:

Does anybody know how this guy actually look like?

What's the relevance of how he looks like?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by General Duke:

How do we know its him? Has anyone ever heard his voice or even seen a picture of him?

So are you trying to tell us that he is dead? What would you give someone who saw him? or you beleive he is a myth?@lol.....I wouldn't want inaan buunbuuniyo Cayroow, but obviously he is a threat to your so-called Adeer's government? heh.

 

Ha kugu taagnaato!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Che-Guevara:

Does anybody know how this guy actually look like?

I think that needs to remain secret...heh!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che-Guevara:

quote:Originally posted by Taliban:

What's the relevance of how he looks like?

He is in the shortlist of the GQ man of the year. [/QB]
Shortlist? YOu mean blacklisted in the U.S. terror hunt programs?

 

Good to see you, awoowe, that you are speaking for the U.S. You are doing good since you share alot with America than Ceyrow who is another clan!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this