Sign in to follow this  
General Duke

Secessionist excuses for the worst set back in their history..

Recommended Posts

The blame game has begun for what Somaliland.org has termed the worst defeat in history.

 

Here are the top excuses

1. It is Riyaale fault he made the order to send the troops back.

2. It was the fault of the defene minister he gave the order for the retreat.

3. It was the fault of both Riyaale & the defence minisetr they gave mixed signals which confused our forces.

4. It was the "Tigrays" fault they gave the order for our SNM forces to retreat.

5. It was the fault of Puntland they attacked us while not giving us a warning in advanced.

 

What I liked the most was the fact that they claimed a millitary victory by retreating

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fadeexaddii Ugu Weynayd Ee Lasoo Darista Qaranka Somaliland: Yaa Lahaa Amarka Lagaga Soo Baxay Dhahar, Yaase Dhabar Jebinta Ku Sameyey Ciid

 

Somaliland.Org — London, UK — 16 April, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

London (Somaliland.Org) Xogo Iyo Tafaasiil dheerad ah ayaa kasoo baxaya sababihii dhaliyey xilka qaadista Wasiirka Warfaafinta iyo isku daba wareegi iyo kala hadalkii xukuumadda Md Rayale. Sidoo kale waxa soo shaac baxay fadeexad baaxad weyn oo iftiiminaysa khilaaf iyo khiyaamo qaran, taasoo kaliftay fadeexadii ugu weynayd ee soo marta qaranka Somaliland tan iyo markii cagaha loo taagay sanadkii 1991.

 

 

Ilo xog ogaal ah oo dhuun daloola hawlaha ciidamadda qaranka iyo xukuumadda Somaliland oo xalay ilaa shalay shebekadda Somaliland.Org xidhiidho kala duwan dhex maray ayaa iftiiminaya dhacdooyin foolxun oo waxyeelo weyn u geestay qaranimadda Somaliland, taasoo ay masuuliyadeeda dusha uga ridayaan xukuumadda Madaxweyne Dahir Rayale Kaahiin.

 

 

Dagaalki Koowaad:

 

 

Sagaalki bishan April ayaa waxa uu socdaalay gobolka Sanaag wefti Wasiiro iyo xildhibaano Somaliland isugu jira kuwaas oo ujeedadodu ahayd xog raadin iyo gogol xaadhis mashaaric hayaddaha deeqda bixiyaa ka fulinayeen gobolkaas oo ka mid ah deeqo iyo mashaaric la xidhiidha mashruuca JNA. Waftigaas waxa weerar gaadmo ah kusoo qaaday maleeshiyo beeledka Puntland. Iska cabin iyo dagaal culus oo dhex maray ciidanka qaranka Somaliland iyo maleeshiyadas kadib waxa laga adkaaday maleeshiyo beeleedkii dagaalka sooqaaday. Hase yeeshee, Xukuumadda Somaliiland ayaa iyada oo ciidanka Somaliland ku gacan sareeyey dagaalkii haddana amar ku bixisay in ciidanka qaranku kasoo baxo Dhahar oo dib ugu ruqaansado xerooyinkodi iyo Shimbiraale.

 

 

Tobankii April kadib markii ciidamadda iyo Wasiiradda Somaliland dib uga soo baxeen degaanka Dhahar ayaa waxa gebi ahaan gacan ku hayntii maamulka Dhahar la wareegay maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo warbaahinta adduunka u sheegay in ay maamul u sameeyen degaanka Dhahar, ciidamadii Somaliland ka saaren degaanka.

 

 

Doodii Rayale iyo Waqaf:

 

 

Iyada oo waftdigii Wasiiradda iyo Xildhibaanadda Somaliland ku sugan yahay magaaladda Ceerigabo ayaa waxa xidhiidh dhinaca khadka telefonka ah dhex maray Madaxweyne Rayale iyo Wasiirka Gashandhiga Waqaf. Nuxurka xidhiidhkan iyo wada hadalka ayaa ah in ciidamaddu dib ugu laabtaan degaanka Dhahar iyo inay ku ekaadaan xeroyinkoda. Madaxweyne Rayale waxa uu ku doodayay in ciidamaddu aanay ku noqon Dhahar ee ku sugnaadan xerooyinkoda halka Wasiir Waqaf ku doodayay in fursad qaali ah lasoo gudbonatay qaranka Somaliland, awood ciidana haystan, sidaas darted ay ay tahay in ciidamaddu dib ugu noqdaan Dhahar. Madaxweyne Rayale marki in badan hadal la isku cel celiyey waxa uu Wasiirka gaashandiga la qaatay in ay dib ugu noqdaan Dhahar oo uu isagu go'aanka kama danbaysta ah qaato Wasiir ahaan oo yeelo waxii uu ka fursan waayo.

 

 

Waxa masuul sare oo ka tirsan xukuumadda Rayale tibaaxay in Md Rayale cadadis badan kaga imanayay dhinaca Ethiopia in ay ka baxaan degaanka Dhahar.

 

 

Puntland Oo Ka Baxday Dhahar

 

 

Markii arrin halkas marayay ayaa maleeshiyo beeledki Puntland ay habeenimadii 11.04.07 kala baxeen ciidamadodi gebi ahaan degaanka Dhahar. Isla Maalinimadii xigtay waxa uu Wasiirka Gaashandhigu ka kaxaystay magaaldda Ceerigaabo Guuto ka mid ah ciidamadda qaranka Somaliland, guutadaas oo isaga marki hore kasii raacday magaaladda Hargeysa. Wasiirka oo guutadaas wata ayaa u ruqaansaday dhinaca degaanka Dhahar. Habeenimadii 12.04.07 ayaa waxa degaanka Dhahar galay Wasiirka Gashandiga Somaliland, Wasiirka Isbortiga iyo Ciyaraha Somaliland oo kaso jeeda deganka Dhahar iyo ciidankii ay wateen.

 

 

Shirar iyo kulamo kala duwan ayaa 13.04.07 ka bilowday magaaladda Dhahar kuwaas oo dhex marayay waftiga Wasiiradda Somaliland iyo odayaasha iyo cuqaasha degaanka oo si fiican usoo dhoweyey wefdiga Somaliland. Hase yeeshee markay taarikhdu ahayd 14.04.07 ayaa waxa weerar gaadmo ah sadex dhinac kaga soo qaaday ciidanka Somaliland maleeshiyo beeledka Puntland. Ciidanka Somaliland si wanaagsan ayuu isaga caabiyey ciidankas iyo weerarkas, waanu ka gacan sareeyay maleeshiyadii soo weerartay. Nasiib darro'se waxay dhacday in ciidankii Soomaliland ee dagaalku ku qabsaday Dhahar kadib markii ay gurmadka ka dalbadeen ciidanki SL ee fadhiyey Ceerigabo ay heli waayan gurmadkii ay dalbadeem. Tasina waxa ay kalliftay in Wasiiraddii Somaliland iyo ciidankodiba dib uga soo baxaan magaaladda Dhahar halkaasna maamul beeledka Puntland kula wareego gacan ku haynta Dhahar.

 

Isla wakhtiga ciidanka Somaliland lagu amrayo inay ka baxaan Dhahar waxa ciidamadda Somaliland u jireen magaaladda Boosaso wax ka yar 60km. Dhinaca kale waxa ciidamadda Somaliland u jireen xadka Somaliland iyo Somaliya wax ka yar 20km.

 

Haddaba waxa xusid mudan in fursadii ugu fiicnaynd ee Somaliland xuduudaheda ku sugi lahayd ay xukuumadda Madaxweyne Rayale fashilisay. Waxa xusid mudan in qarankii Somaliland noqday wax lagu qoslo oo u ekaado in maleeshiyo beeleed ka guulaysatay. Waxaa suaashu tahay waxyeelo intee le'eg iyo saameyn intee le'eg ayay ku yeelan doonta dhabar jebintani qaramimada Somaliland.

 

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Rayale waxa uu xilki Wasirnimo ka qaaday Wasiirka Gashandhiga. Waxa yadu is weydiin mudan Yaa la xisaabtami kara Oo Madaxweyne Rayale isna xil ka xayuubin ku sameyn kara?

 

 

© Somaliland.Org Newsdesk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soo bixitaanka:

 

In ka badan Toban wasiir oo ka socdey xukuumadda Somaliland ayaa ku sugnaa magaalada Dhahar shalay markii dagaalku dhacay, kuwaas oo la sheegay inay wadahadalo la lahaayeen odayaasha iyo waxgaradka degaanka Dhahar. Wasiirradaas intooda shalay gaadhey Dhahar-na waxay ku hirteen Wasiirka Gaashaandhigga iyo ciidamo laxaad leh oo uu horkacayo oo kaga sii horreeyey degmada Dhahar.

 

Warar aanu xalay ka helay degmada Dhahar ayaa sheegay in wasiirrada Somaliland u hoydeen Degmada Dhahar. Hase yeeshee, saaka subaxnimadii hore ayay ka soo jarmaadeen Degmadaas, iyaga oo u soo kolanyaystay dhinaca Ceerigaabo. Sidoo kale, ciidanka Qaranka ayaa isaguna ka soo guurey goobihii ay ka fadhiyeen deegaanka Dhahar.

 

Lama garanayo sababta keentay in ciidamada iyo wasiirrada Somaliland dib uga soo baxaan degmadaas, iyada oo ay wararku sheegayaan in ciidamada Somaliland ay ku gacan sarreeyeen dagaalkii shalay, isla markaana ciidanka laxaadkiisa iyo taageerada ay ka haystaan dadka deegaanku ay ahayd mid dhiirrigelin leh.

 

Wararka ilaa iyo hadda laga helay geeddiga ciidanka iyo socdaalka Weftiga ku soo aaddan Ceerigaabo ayaa sheegaya in ciidanka Qaranku uu degey meel 170 Km dhinaca Galbeed ka xigta degmada Dhahar, halkaas oo la filayo inay tahay fadhiisinkii hore ee ciidankani ka ruqaansaday ee Shimbiraale. Waxayna wararkaasi ku tilmaameen dib u gurashada ciidanka xeel-dagaal oo ciidanku dib isugu habaynayo.

 

Warar kale ayaa sheegaya in ciidan laxaad leh Somaliland u dirtay deegaankaas, balse dabeecadda deegaanka oo ah mid kulul oo oomane ah iyo gurmadka oo aad uga fog aanay u suuragelinayn ciidankaas dagaal muddo socda iyo sidoo kale iyada oo lagu jiro xilli Gu' ah oo roobabku xidhi karaan waddooyinka, sababtaas darteedna dib loogu soo raray. Warar kale oo la isla dhexmarayo magaalada Hargeysa ayaa sheegay in soo bixitaanka ciidanku uu ka dambeeyey hawl diblomaasiyadeed oo ay dowladda Itoobiya labada dhinacba ku cadaadinaysey inay joojiyaan dagaalka. Wararkaasi waxay sheegayaan in dhaqaaqan wasiirrada iyo ciidamada Somaliland ku tageen Dhahar uu yimi, iyada oo Itoobiya ku khasabtay maamulka Puntland inay dib uga noqdaan Degmada Dhahar, taasina ay ka cadhaysiisay dowladda Itoobiya oo xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtinimo la wadaagta labada dhinacba. Waxayna wararku sheegayaan in sababtaas darteed, xukuumadda Somaliland amartay in ciidanku dib uga soo guuro degmada Dhahar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hiyikac iyo Hungo:

 

Tallaabadan Somaliland kaga soo baxday deegaanka Dhahar ayaa ah mid lama filaan ku noqotay shacabka Somaliland oo filayey in aanay jirin dib u noqosho dambe, balse la joogo wakhtigii la sugi lahaa xuduudda Somaliland.

 

Tallaabadani waxa ay beeninaysaa warar is daba joog ah oo uu soo saarayey Wasiirka Warfaafinta Somaliland, kaas oo uu ku sheegayay in Somaliland uu ka dhammaaday dulqaadkii, ayna ka difaaci doonaan xuduudahooda gardarrada iyo faragelinta Puntland. Hadalkaas waxa ay xukuumaddu taageero kaga heshay xisbiyada Mucaaridka ah iyo shacbiweynaha Somaliland. Hase yeeshee, waxa yididiiladaas barbar taalley shakiga ay dad badani ka qabeen in xukuumaddu ay ka dhabaynayso hanjabaaddaas, iyaga oo xasuusan in ciidamada Somaliland ay weli fadhiyaan Adhicaddeeye oo qiyaastii 50km u jirta magaalada Laascaanood, kadib dagaal kulul oo ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhexmaray jiiddaasi Okt. 2004 iyo tallaabadii Madaxweyne Riyaale kaga soo raray ciidanka iyo maamulka Somaliland magaalada Laascaanood, kadib weerarkii isaga laftiisa ciidamada Puntland ku soo qaadeen mar uu booqday magaaladaas 7 Dec. 2002. Waxayna dad badani ka werwersanaayeen in Madaxweyne Riyaale amri doono in ciidamadu ka soo baxaan deegaankaas.

 

Tallaabadani waxa kale oo ay dhirbaaxo xun ku tahay dadka deegaanka Dhahar ee taageersan ama soo dhoweeyey maamulka iyo ciidanka Somaliland, iyada oo la rumaysan yahay in dadka deegaankaasi ay aad uga soo horjeedaan maamulka Puntland sababo la xidhiidha khilaafaad dhinaca deegaanka ah oo u dhexeeya beelaha Boosaaso iyo Dhahar, kuwaas oo u hiyikacay ciidamada iyo xoogga Somaliland ku tagtay, balse hadda ku hungoobey.

 

Waxa kale oo ay tallaabadani sababaysaa in dhaqaaq kasta oo ay xukuumaddu samayso oo ku wajahan sugitaanka xuduuduhu ay noqoto mid la iska hubsado.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wargeyska Haatuf & Somaliland oo isku weeraray xaaladda gobolka Sanaag

 

War saxaafadeed maanta ka soo baxay madaxtooyada maamulka Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa si kulul loogu weeraray warar uu wargeyska Haatuf ka qoray dagaalkii dhowaan dhex maray ciidamada Puntland iyo Somaliland dagaalkaas oo ku dhex maray nawaaxiga magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

 

Wargeyska Haatuf ayaa sheegay in go'aankii ahaa in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada Dhahar uu amarkeeda lahaa madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, arrintaas oo ay hadal haynteedu ku badatay gudaha magaalada Hargeysa.

 

Warsaxaafadeed lagu beeninayo in Daahir Riyaale Kaahin uu amray in ciidanku ay ka noqdaan Sanaag Bari ayaa maanta soo baxay waxana hadalka ka soo baxay madaxtooyadu uu ku tilmaamay warka wargeyska Haatuf mid isku *** iyo been abuur ah oo shacabka lagu marin habaabinayo.

 

Si kastaba ah ahaatee, ka bixidii ciidanka maamulka Somaliland ee Sanaag Bari iyo shaqo ka eryidii wasiirkii gaashaandhigga ayaa dadku ay ka muujiyeen dareen ah fadeexad soo food saartay siyaasadda maamulka Somaliland ee dhinaca Sanaag Bari.

 

Sucaad Mire

 

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

2856.jpg

The man of the moment

WARAR XOG-OGAAL AH OO NAGA SOO GAADHAY GOOBAHA DAGAALKA

 

 

 

 

 

Warar aanu hadda ka helnay aaga hore ee uu ku sugan yahay ciidanka Somaliland ayaa sheegaya in ay arimaha murugsan ee sababay in xilka laga qaado Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane Adan Mire Waqaf ay u dhacday sidan hoose.

 

 

 

 

 

Ka dib markii qorshihii ugu horeeyey ee lagu tegey aaga Dhahar ay ahayd in ay booqdaan koox wasiiro ahi aagan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Qorshaynta, Ciyaaraha iyo Gaashaandhiggu, ayaa waxa ka war helay maleeshiyada Puntland, oo weerar la soo beegsaday madaxda Somaliland eek u sugnayd Dhahar.

 

 

 

 

 

Markii laga war helay in lagu soo maqan yahay oo ifafaalo colaadeed ay qabsadeen kooxdan wasiirada ah ayuu wasiirka gaashaandhigu codsaday in lagu soo taakuleeyo gaadiidka Tiknikada loo yaqaano oo joogay Ceerigaabo, kadib waxa loo soo diray 17 gaadhi oo tikniko ah.

 

 

 

 

 

Wasiirka iyo ciidankii uu watay waxay cagta mariyeen maleeshiyadii Puntland iyagoo gaadhay xuduuda Somaliland iyo Somalia.

 

Ka dib ayuu wasiirku codsaday in Saad, ciidan iyo tikniko kaleba lala soo gaadho si ay u sii joogaan xadka ay gaadheen.

Hadaba waxa dhacday in laga madax adaygay in xitaa Ceerigaabo oo uu ka codsaday in gurmad / saad looga soo diro loo diiday in loo diro.

 

Hadaba markii Gurmadkii uu shan cisho ka hor ka codsaday Galbeedna aanu weli soo gaadhin abaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland iyo Wasiir ka mid ah wasiirada la socday kooxda wasiirada ahna ay Wasiirka gaashaandhiga soo kala dhex gashay xurguf ka dhalatay inay been u sheegaan Madaxweynaha Somaliland.

 

Arintu markay halkaa maraysay ayuu wasiirka gaashaandhiggu la tashaday wasiiradii la socday oo badi la ogolaaday in ciidanka meesha laga soo saaro si dib la isugu soo abaabulo.

 

 

Hadaba wasiirka gaashaandhiga Mudane Aadan Mire Waqaf oo aan weli helin wax gurmad Saad, Ciidan iyo Tikniko ayaa go’aankii ay qaateen ee dibu gurashada qaatay.

 

Waxa dhacday in Wasiirku uu ugu jawaabay wasiir ka mid ah wasiiradii la socday oo ayidsanaa amarka ka imanaya maamulka sare oo odhanaya ha ka bixina aaga Dhahar ee aad joogtaan uu wasiirku ugu jawaabay anigu xataa hadii aan shaqadayda ku waayayo inamadan ku layn maayo meesha, waayo wuxuu ogaa waxay saad haystaan oo gabaabsi ahayd.

 

Hadaba waxa muuqata in meesha ay ka dhacday arin aan la fahmi Karin oo wax u dhintay sharaftii iyo sumcadii Ciidanka Somaliland iyadoo aan marnaba la maqlayn talada wasiirka gaashaandhiga oo ah ruuxa keliya ee ogaan kara khatarta ciidanku ku suganyahay oo xataa shidaalku uu gabaabsi ku ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^LOL, of all their claims this is the best

What I liked the most was the fact that they claimed a millitary victory by retreating

 

:D:D:D Outstanding, off the hook...

 

Xiin, I can see you haven't still changed your tone even at this gardarro, perhaps you think SL seccessionists are aiming to introduce Islamic Sharia law in Pland. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Whether it was miscalculation or what not another meaningless war and unneccessary loss of life was averted but then again will Duke and his likes ever give a fcuk about that.All they want is war and my qabiil is bigger and badder than yours....

Reminds one of that primary school taunt of my wanker is bigger than everyones blah blah blah.......

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

QOFKII SOMALILANDER AHAA EE RAJO KAQABAY DAWLADA INA RIYAALE WAXAN LEEYAHAY KUQUUSO QUDHAANJOOY

 

LOOOOOOOOOOOL

 

 

Source: Sooyaal.

 

 

The Geesiyaashii SNM are the first, the only heroes to identify, to you and me who our enemy is the Mujaahidin are the first organization among us with the courage to think back in past and realize we, the Somaliland people have been living in bondage all of our lives.

 

Source: Sooyaal

 

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

^^^Oh how I wonder haddi dagaal dhici lahaa in aad sidaa u qosli laheyd ma kula tahay...Caamir if I was you and if I claim Dhahar area caawa oo kale salad shukri kamaan baxeen for the simple fact....Where elephants trample ,its the grass that always suffers....Orod oo masjidka gal oo Alxudullililah dheh.

Remember Barre said it well "Adeer dagaal wiil kuma dhasho wiil ku dhinta mooyee."

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Waxaan ku qoslaya waa sida wayn ee uu buunbuuniniyaan dagaalkaan. They should take it easy and quit brewing up more troubles.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geediid & other secessionists I truly feel your pain, you so wanted this fantasy to come true, to further reinforce that SNM myth.

 

Dont blame us, we did not wnat this incident in the least, thus this event highlights only your weakness and not ours.

 

If we tried to invade Burco and then retreated to LA, what would you have said?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this