Sign in to follow this  
General Duke

Courts bigger than Somalia...a new deadly conflict.

Recommended Posts

MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AH: 'Isku daygii dilka Madaxweynaha, Qabsashadii Kismaayo iyo Gubidii Calanka' W/Q: Cabdiraxman Xariri

Posted to the MOL September 25, 2006, 5:07 pm

 

 

Shacabka Muqdishu oo baahi weyn u qabey nabad iyo degnaasho anigu shakhsiyan waan jeclaa in nabad siday ku heli karaanba ay ku helaan oo mar uun xamar oo degan la arko, maanta sida muuqata taas waxaad moodaa in la yara helay oo ay Muqdishu yar qabowdey, laakiin qiimaha ay nabadaasi ku fadhido ayaad moodaa in shacabku yara dareemayaan marka la eego sida Maxkamaduhu u dhaqmayeen todobaadyadii la soo dhaafay.

 

Marka laga soo tago Xoriyad la'aanta iyo xukumadda lagu deg-degey ee la fulinayo iyo faragelinta dhaqan hoosaadka shakhsiyadeed ee ay gacan-togaalaynayaan max kamaduhu waxaa shacabka intiisa badan ka degi weydey sadex fariimood oo waaweyn Maxkamadaha awooda u oomani direen labadii usbuuc ee la soo dhaafay kuwaasoo muujinaya in Maxkamaduhu ka weyn yihiin wax Soomaali u gaar ah:-

 

Isku daygii dilka Madaxweynaha Qabsashadii Kismaayo Gubidii Calanka

 

 

Isku daygii dilka madaxweynaha

 

Cabdillahi Yuusuf oo cadowyo badan oo gudaha iyo dibadaba leh wax lala yaabo ma ahayn in la isku dayo in la khaarajiyo laakiin waxaa arin ugub noqotay in qof naftiisa miidaaminaya iyo gaari miinaysan la isticmaalo taasoo ah arin aan soomaali ku abtirsan oo ay dad dibada soomaaliya kaga yimi inagu soo biiriyeen.

 

Qabsigii Kismaayo

 

Kismaayo waxay ka midtahay meelaha uu inta badan ka dhaceen dagaaladii sokeeye ee qabiilka ku salaysnaa waxaadna moodaa in intii xiriirka isxulufaysiga ah ee Dooxada Jubba la oranjirey la sameeyey ay yaraatay xanaftii ka dhexaysey labada qabiil ee gobolkaas iyo Soomaaliya inteeda kaleba isku hayey. Waxaana shaki kujirin Gulufkan la geliyey Kismaayo iyo lasafashada ay maxkamaduhu la safteen isbahaysigii dooxada jubba garab ka mid ah inuu damqayo dhaawacyo bogsan rabey. Taasoo muujinaysa in weerarka Kismaayo ay qaaday cid aan xaalada soomaaliya aad ula socon oo dibada inagaga timid oo aan ka warhayn muhiimada kismaayo qabaailka qaar u leedahay.

 

Gubidaa Calanka

 

Marka laga saaro Waqooyi Galbeed weli muran in calanku inaga dhexeeya ahi ma dhicin maanta ka horow, si kastoo la isu laayo Calanka Buluuga ah ee Xidigta shanta geeska ah lihi wuxuu ahaa mid ka sareeyaa khilaaf iyo in qolo lagu riixo. Cadowga qura ee "Cawaale" lahaa waxuu ahaa wadamada deriska ah oo u arkayey inuu tilmaamayo shantii soomaaliya oo ay kala ilaalinayeen. Markaa hadii calankeenii la dejiyey oo la jeexjeexay ama "lagubay sida dadka qaar sheegeen" Soomaali waa la weheliyaa oo cid aan qiimaha uu inoogu fadhiyo aqoon baa falkaa gaysatey.

 

Marka intaasoo dhan la eego waxaa cadaatay in nabadii aan soomaaliya la damacsanayn ee aan is la hayn haday ugu dhowdahay ay noqotay dhaan-dabagaale iyo Dhedo roob noqon weydey. Gacmo shisheeye iyo dagaalo laynoo wakiishayna aynu hada kow nidhi

 

 

Walaahu Aclam

 

 

Cabdiraxman Xariri - Saudi Arabia

 

 

xariri@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

this calan isue is not a big thing u know its a marro like turki said it doesent have the shahaada on it or the name of allah so u can burn it the somali ppl where burning the past 16 years so why not

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

The ICU messed it up with me now. Burning our flag. They are not much better then the TFG's Am-XAAR-o.

 

Both these groups do not have the Somali peoples interest at heart.

 

Our flag unites us all, its not a factions flag, its not the flag of one region. Its the flag of the Somali people whereever they may be.

 

It symbolizes Unity under one sky, wherever we may be.

 

The 5 angled star symbolzing the 5 parts in which the Somalis where devided. And the hope that one day our lands will be united under one Somali state.

 

This is our flag and it does not deserve some wacked out wadaads burning it

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Xasan Turki oo sheegay in aanu ka warqabin meel calanka Soomaaliya lagu dajiyey.

 

September 25- 2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Sh. Xasan turki oo hogaaminaya ciidamada maxaakimta Islaamka ee la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ayaa isagana ka hadlay arrinka la sheegayo in maxkamadaha ciidamadooda ay ku dhaqaaqeen ee ah in hoos ay ugu dhigeen calankii Soomaaliya.

 

Sh. Xasan Turki oo HornAfrik ay maanta la xiriirtay isagoo ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in isaga aanu ka war qabin meel calanka Soomaaliya lagu dajiyey islamarkaana calan gaar ah maxkamadaha ay ku saarteen hase yeeshe waxa uu tilmaamay in maxkamadaha calanka aaney wax gooni ah u ogeyn islamarkaana calanka uu yahay maro oo ay tahay wax aan la qiimeyn.

 

Sh. Xasan Turki ayaa sheegay in calanka ay ka qiimo badan tahay Islaanimada sida uu warka u dhigay.

 

Sidoo kale, Sh. Xasan Turki mar uu ka hadlayey rabshadaha ka dhacay magaalada Kismaayo islamarkaana rasaas ay ku rideen ciidamada maxkamadaha dadka dibadbaxyada sameenayey ayaa sheegay inay ahaayeen sida warka uu u dhigay dumar iyo Carruur kuwaas oo ahaa kuwii qaadka iibin jiray islamarkaana maanta ay baaqdeen diyaaradihii qaadka keeni jiray garoonka magaalada Kismaayo sidaana dibadbaxa ku sameeyeen.

 

Sh. Xasan Turki ayaa intaa ku daray in ammaanka magaalada Kismaayo imminka uu yahay mid degan islamarkaana mas'uuliyiinta maxkamadaha ee halkaas ku sugan ee isaga uu hogaaminayo ay ka hadlayaan sidii nidaamka halkaas loo sameyn lahaa.

 

Sh. Xasan Turki ayaa mar la weydiiyey halka ay imminka ku jeedaan ayaa sheegay inay difaac ku jiraan islamarkaana uu sheegay inay jiraan abaabul dagaal oo dowladda Itoobiya ay wado inkasta oo uu ka gaabsaday in faahfaahin dheeraad ah uu arrimahaas ka bixiyo.

 

Sidoo kale, mar wax laga weydiiyey inuu xiriir uu la sameeyey mas'uuliyiita kale ee ka tirsan isbaheysiga dooxadda Jubba ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Raggaas maxkamadah ay soo dhaweeyeen islamarkaana xiriirkooda uu wanaagsan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Temujin   

what was the point of burning the somali flag? is it against the religion to have a flag now? how come their masters, the saudis, do not burn their flags?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

The flag incident was spread by Mogadishu based news site to deflect the attention away from the real reason why Kismaayo is in civil unrest. Let us see how long Kismaayo continues to stay in civil unrest and if a simple flag incident can the cause of all of that..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Horn, brother, nin caqli lahaa tahaye sheydaanka iska naar. How about the young men from your clan who went to Muqdisho to fight alongside the courts to evict the warlords from Xamar? kuwaasaa hadda ka tirsan ciidamada yimid Kismayo, taageer dadkaas saxib iyagaa kaa mudan. The loss of Barre should not be interpretted as the loss of an entire clan if that is the main reason some brothers are upset. The city still belongs to all somalis. Muran dambe ma jiri doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hahaaah somali flag doesent have any religouse letter on it like allah akbar the iraqi flag or the shahadaa on it like the somaliland flag

the folowing flags ppl cant burn

Somaliland flag

Iraqi flag

siriya

Saudi arabia

iran flag

 

so there for guyz its just a marro like turki said its the same flag somalis where murdering each other under fot the pas 16 years

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not realy becous i am not from there i dont get u say i love amxaaro but u suport this yusuf goverment who lick amxaaro *** 24/7 i am just a hard working Somalilander from Belgium

 

And these days there are no amxaar leading Ethiopian goverment waa nimman tigre la yidha u stuck in the time when Emeporor haille sellesie was Emperor off Abbesiniya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this