Sign in to follow this  
Meiji

Military officer assasinated in Puntland

Recommended Posts

Meiji   

Sargaal ka tirsan ciidamada Maamul goboleedka Puntalnd oo xalay lagu dilay Magaalada Qardho ee gobolka Bari

 

Shabelle: QARDHO

Waxaa habeenkii xalay dil toogasho ah loogu geystay gudaha magaalada Qardho ee gobolka Bari Sargaal sare oo ka tirsan ciidamad boliiska ee Maamul goboleedka Puntland.

 

 

 

Sargaalka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabayay Haykal Cali hiiraat waxaana dilkiisa geystay sida la sheegay rag afafka ay u duubnaayeen kuna hubeysnaa bastoolado.

 

 

 

Kadib markii uu dhacay falkaasi dilka ah ayaa Idaacada Shabelle waxaa ay xariir la samaysay wariye madaxbanaan oo ku sugan magaalada Qardho isagoona xaqiijiyay in sargaalkaasi toogasho loo geystay islamarkaana ilaa iyo hadda aan lagu guuleysan in gacanta lagu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay dilkaasi.

 

 

 

Dhowr habeen ka hor ayey aheeyd markii saldhiga ugu weyn magaalada Boosaaso lagu weeraray bamgacmeed iyadoo falkaana uu daba joogo falal amni xumo ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay laga dareemayay gobolada Bari iyo waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Inna Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun

 

I knew Haykal very well, I met him on all of my trips and spent a lot of time with him in Gaalkayo in the summer of 06. He was a small guy but fearless. He help me out a lot and I owed him a lot. Sad to hear this is what happened to him.

 

Allaha u naxariisto

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this