Sign in to follow this  
General Duke

Laascaanood: Another bomb attack targeting secessionist network causes havoc

Recommended Posts

Laascaanood: Gudoomiyaha gobalka Sool ee Maamulka la baxay Somaliland oo ka badbaaday Qarax iyo Wasiiro walaac soo wajahay.

 

Laascaanood(AllPuntland)- Gudoomiyaha gobalka Sool ee Maamulka la baxay Somaliland Faarax Askar ayaa ka badbaaday Miino lugu aasay wadada dhinaceeda, lana doonayay in lugu khaarajiyo, markii maanta lugu qarxiyey gaarigiisa oo marayay meesha qaraxu uu ka dhacay.

 

Gaariga Gudoomiyahaas ayaa la xaqiijiyey in uu gubtey, iyadoo la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen 3 ka mid ah Ilaalada gudoomiyahaas, oo qaraxu saameynta weyn ku yeeshay.

 

Ciidamo ka socda Maamulka la baxay Somaliland oo ilaa shalay soo buux-dhaafiyey magaalada Laascaanood, ayaa xiray agaaga wadada uu saameynta ku yeeshay qaraxan, waxa ayna rideen rasaas awood badan lahayd oo waxyeelo gaarsiisay shacab isku xoomay goobta qaraxan.

 

Faarax Askar oo ninka la weeraray ayaa warar hoosaadyo la helay ay sheegayaan in ay dhaawacyo soo gaareen, inkastoo ay taasi ka biyo diideen qaar ka mid ah Madaxda Maamulka la baxay Somaliland iyo rag ka jawaabayay Telfoonkiisa gacanta.

 

Dhinaca kalena Wasiiro badan oo ka socda Maamulka Daahir Rayaale Kaahin ayay soo wajahday walaac baaxad weyn leh, markii ay qaraxyada iyo dilalka maalmihii ugu danbeeyey, waxaa magaalada hada jooga Wasiirada, arrimaha gudaha, Gaashaandhiga, Cadaalada, Wasiiru dowlayaal iyo Shaqsiyaad la dhacsan siyaasada Somaliland oo uu ka mid yahay Axmed Cabdi Xaabsade oo Somaliland taabacsan Siyaasadeeda.

 

Cabsida ah ayaa ah in ay la kulmaan miinooyin loogu diyaariyey wadooyinka, taasoo keentay cabsi awooda badan leh oo ah in ay ka leexdaan wadooyinka caadiga ah ee ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ciidamada, waxaana ay warar Madax banaan sheegayaan in ay hada qaban-qaabinayaan sidii ay usameyn lahaayeen baritaano.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Gudoomiyihii Soomaliland ee gobolka Sool oo lala beegsaday Qarax miino

 

January 28, 2010Gudoomiyihii gobolka Sool ee maamulka Somaliland ayaa waxaa goor dhow lala beegsaday qarax miino gudaha magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, Faarax Askar Xuseen ayuu gaarigiisa burbur xoogleh kasoo gaaray qaraxan.

 

Sida ay ku waramayaan dad goobjoogeyaal ah oo ay Horseed Media la xiriirtay, qaraxa ayaa waxaa uu ahaa miinadda dhulka lagu aaso, waxaana lala beegsaday xilli uu ku si jeeday gurigiisa.

 

Waxaana uu Guddoomiyaha saarnaa gaarigiisa oo lala haleelay qaraxa miinada, waxaaana aan la aqoon cida geysatay qaraxaas.

 

Magaaladda Laascaanood ayaa waxaa laga wada maqlay qaraxa, waxaana Ciidanka Somaliland ay iminka wadaan baaritaano goobto uu qaraxu ka dhacay oo ay soo gaareen.

 

Waxaana xaaladda magaaladda uu yahay mid aad uu kacsan, ayadoo qaraxaan uu daba joogay qaraxyo hore oo lala beegsaday Saraakiisha maamulka Somaliland ee gobolka Sool.

 

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya xaalada uu guddoomiyaha Faarax Askar uu ku sugan yahay ayadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu Dhaawac culus yahay, halka ay jiraan dad ku waramaya inuu Guddoomiyaha u dhintay dhaawacii soo gaaray.

 

Magaalada Laascaanood ayaa horey weeraro bambaano oo noocaan ah loogu dilay Taliyihii Qaybta gobalada Bari ee Ciidanka Somaliland Col.Cismaan Yuusuf Nuur, waxaa sidoo kale magaalada lagu khaarajiyey Talihii Hawlgalinta Ciidanka Booliska Gobolka Sool Cismaan Suxufi, waxaana t0dobaadkii lasoo dhaafay weeraro bambaano oo ka dhacay magaalada lagu dilay 3 askari oo ka tirsan Somaliland.

 

Wixii dhacdadan kusoo kordha gadaal baan idiinka soo gudbin doonaa haduu eebo idmo.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax sababay Dhimasho oo Laascaano lagula eegtay Gudoomiayaha Gobolkaas

 

Mid ka mid ah ilaalada gudoomiayaha gobolka Sool ee maamulka Soomaaliland ayaa waxaa uu maanta ku geeriyooday Qarax xoogan oo ka dhacay gudaha Magaalada Laascaano Xarunta Gobolka Sool

 

Waxaa sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxan lala eegtay gaadiid uu saarnaa gudoomiyaha Gobolka Sool ee dhanka maamulka Soomaaliland waxana wararku sheegayaan in gudoomiyaha uu halkaasi ka soo gaaray dhaawac xoogan halka wararkalena ay sheegayan in uu u geeriyooday balse ma jirto faah faahin xaqiijinaya Arintaas.

 

Dhinaca kale qaraxa maanta dhacay ayaa waxa sida ay sheegeen siyaasiyiin ku sugan Gobolka sool loola damacsnaa wafdi balaaran oo ka kooban wasiiro ka tirsan maamulka Somali land oo iman lahaa magaaladaas islaamrkaana maanta soo gaaray halkaas.

 

Si kastaba ha ahaatee faah faahin xaqiiqo ah laga hayo sida ay wax u dheceen waxase goobaha caafimaad ee magaaladaas la gaarsiiyay tiro dad ah oo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa waxii faah faahin ah kaga bogo wararkayaga dambe.

 

Cali Dhegjar

SBC International- Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG AH: - Qarax Lala Beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Sool Oo Ka Dhacay Laasacaanood

 

Faarax Askar oo ah ninka ugu magacaaban Maamulka Riyaale gobolka Sool oo qarax culus lagula beegsatay Magaalada Laascaanood.

 

Qaraxan oo ka dhacay goordhaweyd albaabka hore ee gurika Faarax askar oo la sheegay inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

Warar is khilaafsan ee nagasoo gaaray magaalada Laasacaano ayaa sheegaya in uu ku dhintay qaraxaas Faarax askar 5 ruux oo kalena dhaawac uu ka soo gaaray, warar kale ayaa iyaguna sheegaya in qofka geeriyooday uusan ahayn Faarax askar balse uu dhaawac culus soo gaaray.

 

Si kastaba ha ahaatee qaraxan ayaa ka mid ah weeraro banbaanooyin ah oo maalmihii ugu dambeeyey lagu ugaarsanahay dadyowga u adeega maamulka Riyaale; mana jiraan cid ka hadashay qaraxaan cida geysatay.

 

Wixii ka soo kordha kala soco BoocameOnline

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am disappointed lad, that was a weak response from you. The warning I gave about your simplistic clannish insult to the Garad’s has started to hit home I guess.

You have lost, but gloating seems the only thing you have on your mind.

 

Lets hope common sense prevails and Hargaysa-Burco-Berbera traingle lads return home safely. SOOL is not a land you can occupy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

SOOL is not a land you can occupy.

You went from "Las Anod is not a town you can occupy"

to

"SOOL is not a land you can occupy"

 

Progression ;)

 

Let's see where you're at in 6 months time...

Share this post


Link to post
Share on other sites
FIDHIN   

even if killed that governer, we will just replace him with another guy from sool, somaliland army will never leave., sool pple are responsible for the bombing, sool pple are dying.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Somaliland is land of law and order, we will over come these terrorist who will do anything to destabalise the region, they are nothing more than minority extremist but they will not prevail.

 

p.s pirateland is of little relevance they will co-operate like they did the other day otherwise they know the consequenses.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I like it when secessionist get all hot and bothered and line up to respond with weak insults.

My kinsmen from NW Somalia, lets be clear SOOL the whole region, including every single village is not a land that you can occupy nor do you have the means to keep hold of it. The little charade being played out now will not get you anywhere. Thus lets think about the little conscripts who have been stationed there to uphold the ambition of a few men and keep adeer Riyaale Mugging exercises going.

 

Now don’t insult our intelligence and stop the nonsense, your efforts are needed in Hargaysa to free your people from Riyaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyihii gobolka Sool ee maamulka Somaliland & saddex qof oo kale oo ku dhaawacmay qarax lala beegsaday.

 

Lascanod, Jan 28 – Guddoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Somaliland Faarax Askar Xuseen ayaa si xooggan ugu dhaawacmay qarax miino oo ah nooca ramuudka laga maamulo ah, kaasi oo lagu qarxiyey gaari uu saarnaa isaga iyo qaar ka mid ah illaaladiisu.

 

Qaraxaan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa lagu aaskay kadinka hore ee guriga guddoomiyuhu uu ka degganaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana la qarxiyey kadib markii gaara guddoomiyuhu uu soo is taagay ilinka guriga.

 

Mid ka mid ah illaada guddoomiyaha ayaa qaraxaasi ku dhintay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 3 qof oo kale oo labo ka mid ah ay ahaayeen dad shacab ah oo marayey meel ku dhaw goobta qaraxu uu ka dhacay.

 

Guddoomiyaha oo dhaawaciisu uu yahay mid aad u xooggan ayaa loola cararay cisbitaalka magaalada Laascaanood, waxaana dhakhaatiirka caafimaadka ee cisbitaalkaasi ay sheegeen xaaladdu guddoomiyuhu in ay tahay mid liidata.

 

Ugu yaraan 4 meelood oo kala duwan ayaa guddoomiyaha dhaawacyo ka soo gaareen oo uu ku jiro madaxa oo illaa labo meelood uu dhaawacmay, waxaana sidoo kale la tilmaamayaa 3-da qof ee kale ee qaraxa ku dhaawacantay iyana in ay qabaan dhaawacyo xooggaan, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo cisbitaalka guud ee magaaladaasi Laacaanood.

 

Muddooyinkii ugu danbeeyey qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa si is daba-joog ah uga dhacayey Laascaanood, kuwaasi oo lala bartilmaameedsanayey madaxda maamulka Somaliland ee ka hawlgasha Laacaanood.

 

C/fitaax Cumar Geeddi,

Idaacadda Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

defeated boy duky

 

sxb you have been reduce to less than revelant that you chearleading for alshabaab copy cats sxb so just chill out, when we need pirateboys we know when to come knocking....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this