Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: security improving why?

Recommended Posts

Kooxdii weerarada ku haysey Dawladda Somalia oo la jebiyey

Last Updated::2007-09-04 19:33:11

 

Muqdisho-Saraakiisha dhinaca ammaanka iyo kuwa nabadsugidda qaranka ayaa shaaca ka qaaday in kooxdii weerarada gaadmada ah

ku haysey farriisimada dawladda federaalka Soomaaliya la jebiyey lana soo afjaray.

 

Jabitaanka kooxdii weerarada joogtada ah ku hayey dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maalintii Khamiistii ee la soo dhaafay horay u sii shaacisay wakaaladda wararka dalka Ethiopia u faafisa ee ENA oo soo xiganeysey saraakiil Soomaali iyo Ethiopian isugu jira oo ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa hawlgallo xoog leh oo ay toddobaadkii la soo dhaafay ka fuliyeen meelo kala duwan oo ku yaal magaalada Muqdisho ku qabqabtay dadka ka dambeeya ama kooxo faraha kula jira rabshadaha ka dhaca magaalada Muqdisho iyadoo tiro dadkaas ka mid ah toogasho lagu diley.

 

Maalintii Sabtidii saraakiil ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in hawlgalladii amni sugidda ee ay ciidamadu ka fuliyeen isgoysyada muhiika ah ee magaalada Muqdisho iyo baaritaannadii ay natiijo wax ku ool ah oo dhinaca ammaanka ah ay keeneen.

 

Maanta oo Salaasa ah ilaa iyo habeenimadii xalay magaalada Muqdisho waa ay xasilooneyd waxana ay ka nasatay weeraradii iyo qaraxyaddii natiijadoodu ay noqon jirtey geerida dadka rayidka ah.

 

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ciidamada DFKMGS oo gaaray guushii nabada Muqdisho.

4. september 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Amaanka Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa nabadgalyo ku soo laabtay mana jirin 6 maalmood wax qaraxyo ah oo ka dhacay.

 

Ciidamada Jamhuuriyada Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jiray ku guuleysiga amaanka caasumada Soomaaliya ayaa gacan bir ah ku qabtay amaanka magaalada ,taasna waxa ay sababtay in magaaladu noqoto meel nabdoon lix maalmood oo dhan.

 

Dowlada faderaalka ee Soomaaliya ayaa horaantii todobaadkan sheegtay in ay guulo ka gaartay howlgaladii aan kala joogisiga laheyn ee ay ka wadeen magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Bishii laga soo gudbay ee August ayaa magaaladu noqotay meel ay qaraxyadu ku soo noqdeen todobaadyo markii hoos loo dhigay howlgalada ciidamada dowlada Soomaaliya ,balse mar kale ayaa la bilaabay khamiistii markii la soo xirayay shirweynihii beelaha Soomaaliyeed.

 

Sababaha amaanka magaalada loogu guuleystay ayaa dadku iska weydiinayaan su'aalo kala duwan ,dadka qaar ayaa leh waxaa loogu guuleystay ciidamo fara badan oo magaalada Muqdisho lasoo dhigay kuwaasoo soo qaatay tababaro ka duwan kuwii ay qabeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

 

Halka dad qaarna leeyihiin talaabadan waxa ay ka danbeysay markii qorshaha amni sugida magaalada Muqdisho si toos ah loo howlgaliyay ayadoo ciidamo gaaraya 1000 askari magaalada xaafadaheeda lageeyey si amniga kor ugu qaadaan.

 

Shalay ayaa magaalada lugu dilay 3 qof ,waxaana la sheegay in dadkii dilay qaar ka mid ah ciidamadu qabteen ayadoo qabshada dadkan ay soo dhaweeyeen dadweynaha Soomaaliya ee nabada jecel ee dagan magaalada Muqdisho.

 

Isku soo wada duuboo markaad aragto ciidamada dowlada Soomaaliya sida ay ugu diyaarsan yihiin nabada soo celinta dalka Soomaaliya oo dhan gaar ahaan tan magaalada Muqdisho waxa ay noqoneysaa in aysan kooxaha qaraxyada ka fulinayey Muqdisho ku hunguumeen in ay guulo gaareen.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Has it really....?????Forget about a general trend...This is within the past 24 hours...Ilahayse though afkaaga waa noogu soo qaban karaa Duke...

 

Mustaqbalka Ganacsi ee Suuqa Bakaaraha oo Mugdi sii gelaya

http://www.hiiraan.com/news/2007/sept/wararka_maanta4-1860.htm

 

Fresh fighting rocks Mogadishu

http://www.hiiraan.com/news2/2007/sept/fresh_fighting_rocks_mogadishu.aspx

 

Prof. Maxamed Axmed Xuseen (Dhoobaale) oo maanta Muqdisho lagu dilay

http://www.hiiraan.com/news/2007/sept/wararka_maanta3-1856.htm

 

Wadada isku xirta Degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo qarka u saaran in ay xiranto

http://www.hiiraan.com/news/2007/sept/wararka_maanta3-1851.htm

 

Dagaal xaley ka dhacey Muqdisho

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Xaladii_ugu_dambeysay_Muqdisho.shtml

 

Somalia: Gun Battle Breaks Out in Capital

http://allafrica.com/stories/200709041359.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boliska Oo Ku Dhawaaqay Jabka Kooxaha Kasoo Horjeeda

 

Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 05-Sebtember-2007

 

Gudiga Amniga Qaranka iyo taliska ciidamada boliska gobolka Banaadir ayaa isku si uga hadlay guulaha ey ka gaareen howlgaladii balaarnaa ee ey ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, halkaasoo ey ku bateen mudooyinkii danbe amni darada isla markaana ku sugnaayeen kooxaha qaska ka wada caasimadda kana soo horjeeda dowladda.

 

Saraakiisha ciidamada dowladda oo soo gabagabeeyay howlgaladoodii la dagaalanka kooxahan maalinkii Axada ayaa ku sheegay kuwa ey jab xoog leh ugu geysteen kooxahan mudadii labada todobaad kadib markii ey gacanka kusoo dhigeen intooda badan qaar kalena ku dhinteen sida ey sheegeen iska hor-imaadyo ey la galeen ciidamada dowladda.

 

Jabkan loo geystay kooxahan oo ah mid cad oo waliba muuqdo ayaa waxaa daliil u ah xaafadihi ey ka howl gali jireen ee qaraxyada joogtadu ka ahaayen oo iminka xasilay iyadoo aanan laga maqlin wax xabad ah iskaba daa qarax iyo miino wadada lasoo dhigo.

 

Mar ey ka war bixinayeen boolisku qasaarooyinka ey u geysteen kooxahan ayaa waxa ey ku sheegeen in uu ahaa mid aad u badnaa kaasoo intiisa badan ahaa maxaabiis xabsiga ey u taxaabeen, waxeyna intaa raaciyeen in tiro kale ey ku dileen iska hor imaadyo iyo weeraro ey soo qaadayeen mudooyinkuu ugu danbeeyay.

 

Caasimadda Muqdisho oo aheyd meel amaankeedu wanaagsanyahay tan iyo intii lasoo afjaray dagaaladii sagaalka maalin socday ee lagu hoobtay barakicinta badana dhaliyay, inkastoo ey soo ifbexeen weeraro dhuumaaleysi ah oo ey ka fulinayeen xaafadaha qaar kooxahan dowladdu kaga awooda roonaatay dagaaladii foolka-foolka ahaa.

 

Si kastaba ha ahaatee cuuryaaminta loo geystay kooxahan labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ayaa u muuqda kuwa ku qasbaya in ey si qarsoodi ah isaga huleelaan caasimadda walow intooda badan eyba goor hore ka carareen Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo idil.

 

Ciidamada boliska ayaa dhankooda sheegay in ey sii wadi doonaan ugaarsiga kooxahan ilaa iyo intooda firxadka ah kasoo qabqabanayaan hadii ey kusii sugan yihiin dalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tahliil.

 

1. The Bakara market was the cashcow for the opposition groups, thus the crocodile tears is a sign of progress.

 

2. The latest gun battles are instigated by the Police in their mop up job of the trouble makers, they can not hide, nor plan as easily as they used to. Since today the NSS,POLICE and other armed forces can hunt them more openly.

 

3. The good prof who was killed, is a reflection of how low these criminal networks have sunk in order to make headlines for the likes of yourself to parrot.

 

4. Balcad-Jowhar road is open, adeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Is it really? I must b reading the wrong headlines from the wrong sources reuters and VOA then....takin place Sep 5th...just hours ago!!!!

 

Several killed in Somali clashes as U.S. vows help Wed 5 Sep 2007, 14:34 GMT

http://africa.reuters.com/wire/news/usnL05583832.html

 

Gunbattles in Somalia Kill 8 By VOA News 05 September 2007

http://www.voanews.com/english/2007-09-05-voa54.cfm

 

Somalia: Heavy Fighting Erupts in Capital

http://allafrica.com/stories/200709050220.html

 

Somalia: Seven Killed inside Bakara Market in Mogadishu

http://allafrica.com/stories/200709050650.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this