Sign in to follow this  
Siciid1986

Maxkamada Gobolka Nugaal oo maanta Rag Dharka Dumarka qaba xukuno ku riday(Sawirro).

Recommended Posts

Nimankaan maanta ay Ciidamada Booliska ay maxkamada keeneen ayaa waxaa lagu kala magacaaba Xuseen Maxamed Cali iyo C/weli Maxamed Daahir.

 

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa waxaa uu maxkamada ka hor akhriyey qoraal kaasoo ah eedeymaha labadaan nin,waxaana uu sheegay in eedeysanaha koowaad oo ah Xuseen Maxamed Cali uu ka tirsanyahay Xarakada Al-Shabaab uuna qaabilsanaa dhinaca kala gudbinta hubka iyo Sawir qaadida.

 

 

axaana uu sidoo kale sheegay in uu Xuseen uu kala gooshi jiray magaalooyinka Hargeysa,Muqdisho,Kismaayo iyo Beledweyne,isagoo inta badan magaaladda Hargeysa kasoo qaadi jira hubka,waxyaalaha qarxa iyo kiimikada laga sameeyo waxyaalaha wax lagu qarxiyo,lana qabtay isagoo gashan dharka dumarka.

 

Eedeysane Xuseen Maxamed oo ay maxkamadu wax ka weydiisay eedeymaha ayaa qirtay in uu ka mid ahaa Xarakada Al-Shabaab isla markaana eedeymaha ay xeer ilaalintu uu soo jeedisay ay ruun yihin.

 

Waxaa uu kasoo sheekeyey qaabka uu ugu biiray Al-Shabaab,waxaana uu sheegay in ku biirada uu ka dambeeyey ka dib marki Macalin wax uu dhigi jiray uu ku dhiirageliyey in uu tego magaaladda Muqdisho una ku biiro Al-Shabaab.

 

Xuseen marku uu ka degay magaaladda Muqdisho ayuu sheegay in uu tegay meel uu joogay macalinkiisu,waxaana uu sheegay in marka uu tegay halka lagu yiri Biyo ku jira Caag kaas oo aad uu kharaar,iyadoo lagu yiri in ka dib ay macanaan doonaan.waxaana ay marki dambe noqdeen kuwa aad uu macaan,sida uu sheegay.

 

 

Waxaana uu ugu dambeynti sheegay in Biyaha in uu ku miir beelay uuna kusoo baraarugay isagoo ay ka hortaaganyihin Macalinkiisa iyo nin Ajaanib ah ka dib sidaa lagu adeegsaday loona tababaray qaabka loo qaado Sawirada.

 

Ka dib marki ay maxkamadu dhagaysatay hadalada Xuseen Maxamed Cali,ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in lagu xukumay dil toogasho ah.

 

Dhanka kale Maxkamada ayaa sidoo kale Eedeysane C/weli Maxamed Daahir ku xukuntay 10-sano oo xarig ah kaas oo tuug ahaa kuna qaraaban jiray dharka dumarka.

 

Labadaan Nin oo ay maxkamadu maanta xukunada dilak iyo Xariga ku kala xukuntay ayaa waxaa laga soo qabtay magaaladda Gaalkacyo,waxaana Xuseen Maxamed Cali uu mudo labo bilood magaaladda Gaalkacyo uu ugu shaqaynaayay Reer iyagoo uu qaba in uu yahay qof dumar ah.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Horseed Media

 

Garoowe,Puntland.

 

 

G3.jpg

 

G4.jpg

 

http://horseedmedia.net/2010/01/maxkamada-gobolka-nugaal-oo-maanta-rag-dharka-dumarka-qaba-xukuno-ku -ridaysawirro/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

:eek: , this is not the first time recently few weeks back same incident happened in Galckayo were a man wearing woman's clothes were caught by the P.I.S, i wonder who this people work for are they al shabab?

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Well I'm not the worlds most masculine man

But I know what I am and I'm glad I'm a man

And so is ... that geezer with a beard.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this