Sign in to follow this  
Gabbal

Kulamada Dhexmaraya Ergada Kismaayo Iyo Madaxda Sarsare Ee DFKM,Maxaa Kasoo Bixi Kara

Recommended Posts

Gabbal   

Kulamada Dhexmaraya Ergada Kismaayo Iyo Madaxda Sarsare Ee DFKM,Maxaa Kasoo Bixi Kara?Maxaase Loo Fasiri Karaa Sualihii La Hordhigay?:Qeybii 11aad

Jul 26,2007

by Seattle-GEDO-NN

Akhristayaal sidaan horay idiin kugu balanqaadayba waxaan qaybtaan Labaad ee Faalada ciwaankeedu kor ku xusan aan ku eegaynaa qodobada soo socda:

 

1.Maxay tahay ujeedada laga leeyahay Todobadii su� lood ee loo bandhigay ergadii kasocotay Kismaayo?.

2.Kadib dowlada Itooobiya kulamadii kala duwanaa oo ay la yeelatay qabaaìlada kala duwan ee Kismaayo dago,sidee xalka Kismaanyo u aragtaa?

 

Sidaan horay u xusayba waxaa jiray sagaal iyo toban qabiil oo aysan Beesha **** ku jirin oo ay wasaarada arrimaha gudaha ee dowlada Federaalka min Seddax xubnood kasoo xushay oo laisugu geeyay magaalada Mogdisho si ay uga tala bixiyaa amuuraha ka taagan magaalada Kismaanyo.Kulamo kala duwan oo ay xubnahaani la qateen madaxda sar sare ee dowlada,sarakiisha ugu saraysa ciidamada Itoobiya ee Xamar ku sugan iyo waliba sii hayaha Safaarada Itoobiya ay Xamar ku leedahay ayay xubno qabaaìladaasi ka tirsan ku soo bandhigeen qodobo la iigu sheegay inay garayaan Toban iyo Todobo qodob oo dhamaantood muhiimadooda ku qotoma in magaalada Kismaayo ay gacanta ku hayaan waxa ay ugu yereen haradigii maxkamadaha iyo maleeshiyo beleed xiriir la leh Sh.Xassan Daahir Aweys iyo Xassan Turki isla markaana ay yihiin kuwa dowlada kasoo horjeeda.Waxay kutala bixiyeen xubnahaasi u badnaa hal beel ah in sida kaliya ay xalka u arkaa inay tahay in dowlada awood milatari ku xaliso arriamah Kismaanyo.

 

Sida wayadaanba caadada iska noqotay islamarkaana aan ahayn wax dhagaha Soomaalida ku cusub waxa loo bixiyay argagixiso oo marka laga tago dowalada ay siyaasiyiin,qabaaìlo iyo cidii cid kale kasoo horjeeda argagaxiso ku tilmaanto si markaasi ay u gaaraan dano siyaasadeed iyo mid dhaqaalo oo iyaga u gaar ah balse aad moodid in dadku ay ku dagmayaan oo ay ka hoos baxday cidda laga dhaadhicin karo.

 

Dowlada Federaalka oo u muuqanaysa inaysan daacad ka ahayn in xal siyaasadeed laga gaaro arrimaha Kismaanyo ayaa la kulantay ergadii Kismaanyo ka tagay iyadoo goobjoogayaal ay ahayeen sarakiisha Itoobiya oo uu horkacaya Generaalka haysta ciidamada Itoobiya Soomaaliya ka jooga. Waxaana goobtaasi loogu soo bandhigay oo loo dhiibay Todobo Su� alood oo aan waxba ka quseen xalinta khilaafaadka Kismaanyo.Waxaana su� alahaasi ka mid ahaa: Yaa Kismaanyo haysta?Yaa ku diriray? Ma qabiil baa ku diriray mise qolyo dowlada taageersan? Dowlada ma tagersantihiin? Khilaafka Kismaanyo ma xoogbaa lagu xalinayaa mise mid siyaasadeed ayaad rabtaan? Xassan Daahir Aweys iyo Xassan Turki xagee ku ogtihiin?

 

Bal adiguba qiyaaso xiriirka ay yeelan karaan xalinta amuuraha Kismaanyo iyo su� lahaasi. Eragadii Kismaanyo oo mar walba ku doodo inay tageersanyihiin dowlada Federalka,oo waliba cadayn aan indhaha laga qarsan karin uga dhiga in xitaa maamulka dowlada ay u soo magacawday uu shaqaynayo marka laga reebo Seddax xubnood oo ay sheegeen in hayb qabiil ay isku raceen ayaa jawaabtii celiyay iyagoo sheegay inay si buuxda u tageersan yihiin dowlada isalamarkaana aysan wax xaxriir ah la lahayn Sh.Xassan Daahir iyo Xasan Turki iyagoo intaas raaciyay inay diyaar u yihiin in xal siyaasadeed arrinta Kismaanyo lagu xaliyo.

 

Waxaa marag ma doonta ah oo aan cid walba daah ka saarnayn marka lagu daro dowlada Federalka iyo Itoobiyaba marxaladihii ugu danbeeyay ee arrimaha Kismaanyo soo mareen laga bilaabo waqtigii maxkamadaha ilaa hadda.Ciidamada Itoobiya oo kaashanaya ciidamada haybta qabiil u kala jabay ayay ahayeen kuwii maxkamadaha la diriray oo meesha ka saaray.Marka waxaa laga yabaa in laisweydiiyo haday dowlada Federalka iyo sarakiisha Itoobiyaan sidaas xaalada uga wada dharagsan yihiin waa maxay sababta dowlada u meermeerayso oo aysan u guda galayn arrimaha dhabta ah oo dhinacyada iska soo horjeeda u dheexya si xal loo gaaro?

 

Kolayba waxaa laga yabaa in jawaabta su� shaasi dadku ku kala aragti duwanadaan lakiin hadaan aragtidayda cabiro madaama aan amuurahaasi wax badan kala socday waxaan u arkaa loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya hogaanka sare ee dowlada inay hortaagan yihiin xal u helida khilaafka hareeyay magaaladasi Kismaanyo iyadoo dad badani ay qabaan fikirka ah in Madaxweyne Cabdullahi Yusuf uu doonayo inuu magaalada u gacan galiyo jifadiisa marka la eego hab dhaqankiisa iyo siyaasadiisa ku wajahan magaaladasi iyadoo aan wali la xalin khilaafaadka in mudaha soo jiitamayay ee u dhaxeeya qabaaìlada magaalada dega. Waana taas sababta lagu macneeyay in su� lahaasi lasoo bandhigo si Itoobiya oo noqotay darbiga ugu danbeeya oo qolo waliba ciirsato loo tuso dad tageersan dowlada inay dowlada diid yihiin.

 

Haddaba dowlada Itoobiya oo ay hawlgaladii ku soo galeen Soomaliya wax badan ugu kacay oo Xamar kaliya iska horimaadkii ku dhexmaray iyaga iyo qabaaìlada daga ay askar badan ku wayeen ayaa in dhawaalaba xiriir toos ah la samaynayay qabaaìlada kala duwan ee soomaalida iyadoo aad moodid inay wajahaysa waaqiciga dhabta ah ee Soomaaliya ka jira,si taasi ay u xaqiijisana waxay si cad u sheegtay in arrinta Kismaanyo ay u baahantahay xal siyaasadeed balse ay suuragal ahayn in xoog wax lagu dayo.

 

Durbaba dowlada Itoobiya waxay bilowday inay la kulanto dhinacyada isku haya Kismaanyo si ay uga dhaadhiciso qorshe ay ku doonayso inay ku heshiisiiso taasoo kuu cadaynayso xal walba oo laga gaarayo Kismaanyo xilliga aan hadda joogno cida ay ka go`do gartaye adigu ma garatay?

 

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaa la haboon in dowlada Federaalka gaar ahaan mudane C/llahi Yusuf inuu dib u eego qaab dhaqankiisii intuu talada dalka hayay dareemana hadduu ka run sheegayo dhaartii uu dhaartay markii la caleemo saaray oo uu umadda Soomaaliyeed u balanqaaday wixii maalintaas ka danbeeyo hadday dadku fidno wado u yaqiineen uu noqonayo oday Soomaaliyeed oo nabadoon ah dadkuna isugu mid yihiin una jeesto inuu si dhab ah xalka Kismaanyo u baadi goobo.

 

Kolayba waa hubanti inaysan dowlada Federaalka aysan soo dooran dadka Soomaaliyeed islamarkaana aysan lahayn aayo iyo mustaqbal dheer mudadeediina ay uga egtahay wax Labo sano ku siman,hadday saas tahayna waxaan idin kula talin lahaa mudada gaaban ee cimrigiina iyo jiritaankiina dowladnimo ka haray si siman oogu adeega shacabka Soomaaliyeed.Waari maysaan wax la sheego oo la qori karo ka taga.

 

 

Agaasimaha Shabakada warbaahinta Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Editorial? Why don't you give us yours as well?

 

You'd expect these sorts of things on Fox News. What has gotten to Gedo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Itoobiya oo kaashanaya ciidamada haybta qabiil u kala jabay ayay ahayeen kuwii maxkamadaha la diriray oo meesha ka saaray.Marka waxaa laga yabaa in laisweydiiyo haday dowlada Federalka iyo sarakiisha Itoobiyaan sidaas xaalada uga wada dharagsan yihiin waa maxay sababta dowlada u meermeerayso oo aysan u guda galayn arrimaha dhabta ah oo dhinacyada iska soo horjeeda u dheexya si xal loo gaaro?

 

^^ Cajiib! Ciidamadda Ethiopia iyo tfg da laba qolo ayyaa waa gii taageertay. Qolo waxay ahayd qolo o u aragtay inay dawladdu ayagga tahay, Maxkamadahu duullaan ku yihiin masaalixdooda. Qolada kale waxay u badnaayeen warlordyo maxakamaduhu ka adkaadeen oo meelihii ay haysteen gacantoda ka waayey. Qoloda danbe markii la isticmaalay sidii maro wasakh ah baa loo xooray. Waxaa hadda kasoo haray calaacal iyo eed joogta ah. Waa kala qaaran yihiin: mabda' ay ku bareeraan oo tfg-da kagasoo horjeestaan malaha; maamulka hadda jira iyo Ethiopiankana miisaan badan kuma laha oo sidaas baysan u taageeraynin.

 

Calaacal. Eed. Thumma calaal iyo eed kale. Bal waakane adigu aamusi! Need i cite examples of thier version of justice iyo maamul xalaal ah? Only if the cyber goons know what they are talking about...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Temper, temper. :D Kismaayo is a touchy subject but I take great pleasure in reminding certain folk that they are supposed to be lip-singing to what they believe is an Islamic cause rather than falling prey to tribal sensitivities. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Faalo: Maxay tahay ujeedada ka danbeysa imtaxaanka laga qaaday ergadii Jubada hoose ka socotay?, maxayse yihiin su'aalaha qoraalka ah ee oday dhaqameedyadaas la weydiiyay?

 

England, UK - Ilaa iyo markii ay labada kooxood ee ka wada tirsanaa ciidanka XDS ku dagaalameen Kismaayo, taasoo keentay in ay dad badan ku nafwaayaan, qaar badana ay ku dhaawacmeen, dabadeedna koox-dii uu Col. C/risaaq Afgaduud hogaaminayay xoog looga saaray Kismaayo, waxaa maalinba maalinta ka danbeysa soo if baxayay farsamo cusub oo ay soo bandhigeysay dowladda KMG ah ee uu hormuudka ka yahay madaxweyne Cabdulahi Yuusuf Axmed.

 

Si uu xal uga gaaro arrimaha deganaasho la'aaneed ee gobolada Jubooyinka, gaar ahaan tan Jubada Hoose ayuu kal hore madaxeynaha waxuu halkaas usoo diray wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG ah, mudane Maxamed Maxamuud (Gacmadheere.)

 

Markii ay waan-waantaas nabadeed shaqeyn weysay, madaxweynaha waxuu isku dayay in uu adeegsado farsamooyin kale oo fara badan oo ay ka mid ahaayeen: In Col. Afgaduud iyo mas'uuliyiinta kale ee la carooday ay baaqi kusii ahaadaan gobolada Jubooyinka si ay uga sal gaaraan hadafkooda ah xaqiijinta xoog ku maqooninta kooxda Kismaayo gacanta ku haysa, balse taas qudheeda markii ay shaqeyn weysay, ugu danbeyntii Col. Afgaduud iyo kooxdiisii waxaa looga yeeray magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

 

Farsamooyinka madaxweyne Cabdulahi Yuusuf waxaa kale oo ka mid ahaa, in uu damcay in kooxda haysata Kismaayo ay xoog uga saaraan ciidan balaaran oo ay Itoobiyaanka hor kacayaan, nasiib wanaagse, figradaasina way u hergeli weysay madaxweynaha.

 

Waxaa kale oo iyana jirta figrad qatarteeda leh oo uu ilaa iyo intii muddo ah Cabdulahi Yuusuf ku howlanaa, taasoo ah in kooxda Kismaayo gacanta ku haysa oo kasoo jeeda beesha **** la'iska horkeeno, ayada oo qaar mas'uuliyiinta **** ka mid ah uu u balan qaaday lacag iyo darajo, balse taas qudheeda ilaa iyo hadda sidii uu Cabdulahi Yuusuf rabay way u shaqeyn weysay sababo jira oo aan halkaan lagu soo koobi karin awgood.

 

Intaasoo farsamo ee sare ku xusan markii ay shaqeyn waayeen, Cabdulahi Yuusuf waxuu lasoo if baxay hadda farsamo cusub oo cajiib ah, taasoo ah in uu u yeeray oday dhaqameedyada qabaa'ilada dega Jubooyinka. Qaabaa'iladaas dhamaantood qabiil walba waxuu uga yeeray min saddex ergo, halka uu qabiilka ********* 6 ergo uga yeeray.

 

Intaa waxaa dheer, in uu hadda Cabdulahi Yuusuf odayaashaas soo hor dhigay su'aalo u qaabeysan nooc intaxaan, kuwaasoo ah lixda su'aalood ee soo socota, balse su'aashu waxay tahay, maxay tahay ujeedada uu Cabdulahi Yuusuf ka leeyahay in oday dhaqameedyadaas la weydiiyo su'aalahaas lixda ah? Wax kale ma ahan ee waa khal-khal gelin, jaha wareerin iyo abuurid jawi hor leh oo uu Cabdulaahi Yuusuf ugu mar marsiiyoonayo duulaan uu damacsan yahay in uu Kismaayo ku qaado, laakiin waxaa xaqiiqo ah in uu Cabdulahi Yuusuf hilmaansan yahay in dadka Soomaaliyeed ay kasoo daaleen dabin daabyo iyo siraha ay mudada dheer soo maleegayeen dagaal ooge-yaasha iyo wax qabad la'aanta oday dhaqameed-yada hadba meel loo jiidanayo.

 

Ugu danbeyntii, madaxweyne Cabdulahi Yuusuf iyo xukuumaddiisa waa in ay mid ogaadaan, taasoo ah in ay uumadda Soomaaliyeed hadda u baahan tahay mas'uul daacad ah ee ka saara marxaladda adag ee ay ku jirto ee aanay u baahneyn mas'uul ula dhaqma qaab jir-jiroole-nimo ah, sidaas awgeedna, anigu waxaan qabaa in uu Cabdulahi Yuusuf faraha kala baxo siyaasadaha guracan ee uu guud ahaan kula dhaqmayo umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan tan uu kula dhaqmayo shacabka walaalaha ah ee ku dhaqan Jubooyinka.

 

Iminkana waa kuwaan hoose su'aalaha oday dhaqameedyada la hor dhigay ee bal nala eega:-

 

 

1. Yaa ku diriray Kismaayo? Ma Ururo siyaasadeed baa ku diriray mise qabiilo?

 

2. Maxey idin kula muuqataa in lagu xalin karo mushkiladda Kismaayo?

 

3. Kismaayo yaa hadda gacanta ku haya ama maamula?

 

4. Kismaayo ma joogaan qaar ka tirsan madaxdii sar-sare ee maxaakiimta Islaamka?

 

5. Dowladda federaalka ma taagersan tihiin? mise waad ka soo horjeedaan?

 

6. Qaabkeed u argtaa in mushkiladda Kismaayo lagu xaliyo? Ma qaab siyaasadeed, mise mid milatari?

 

 

Maxamud Cali Geele (Xeero)

England, UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this