Sign in to follow this  
Jacaylbaro

US Senate Motion Against Ethiopia

Recommended Posts

Washington (W.Wararka)- Mooshin ujeeddadiisu tahay in la xakameeyo taageerada uu Mareykanku siiyo Ethiopia aya la hordhigay Golaha Senate-ka

 

, waxana Ethiopia lagu eedeeyey inay ku xadgudubto shacabka.

 

Mashruuca qaraarkan ayey dulucdiisu tahay in Mareykanku taageero dadaallada xagga dimoqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, kuwaas oo sida qaraarka ku cad si weyn loogu xadgudbay.

 

Senator Russ Feingold oo ah guddoomiyaha guddi-hoosaadka Africa ee Golaha Senate-ka Maraykanka, isla markaana ah mudanaha mooshinkan soo gudbiyey, ayaa qoraal dheer oo uu ku lifaaqay mashruuca qaraarkan waxa uu ku sheegay in, inkastoo taliskii keligiii taliyihii Mingistu meesha laga saaray, haddana inaan wax horumar ah laga sameyn xagga dimoqraadiyadda, isagoo tusaale u soo qaatay doorashadii Ethiopia ka dhacday sannadkii 2005, taas oo ciidanka ammaanka Ethiopia ay dileen 193 qof, iyagoo dhaawacay 763 qof, waxeyna xabsiga dhigeen boqollaal siyaasi oo ka tirsan mucaaradka dalkaas.

 

Iyadoo aan weli ka soo waaqsan xiisaddii ka dhalatay doorashooyinka isdaba-marinta badani ka dhacday, ayuu Sen. Feingold sheegay in haddana Ethiopia ciidammadeeda u dirtay Soomaaliya, si buu yidhi ay gacan u siiyaan dawladda Mbeghati.

 

Muddadaas wixii ka dambeeyey, Sen. Feingold ayaa sheegay in hey'adaha xuquuqda aadanaha, iyo xitaa warbixin-sanadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, in lagu sheegay in Ethiopia ay gabbood-fallo ba'an ay ka geysatay Muqdisho iyo gobollo kale iyo waliba gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

 

"Bishii May ee sannadkan ayuu Baarlamaanka Ethiopia ansixiyey sharci cuna-qabateynaya xorriyadda shakhsiga ah, isla markaana xannibaya awoodda dadku u leeyihiin inay dawladdooda iska beddelaan.†Sidaa waxa qoraalkiisa ku sheegay Sen. Feingold.

 

Iyadoo la tixgelinayo dhammaan qodobbadaas, ayuu Sen. Feingold sheegay in nuxurka mooshinkiisu yahay in dawladda Ethiopia lagu sandulleeyo inay oggolaato yididiilada shacabkeeda oo ah helitaanka hannaanka axsaabta siyaasadeed, madax-bannaanida nidaamka garsoorka, xorriyadda saxaafadda, xushmeynta xuquuqda aadanaha, tayeynta bulshada rayidka ah, sii deynta maxaabiista siyaasadeed iyo waliba horumarinta dhaqaalaha.

 

Intaas waxa weheliya ka hortagga xagjirnimada iyo argagixisanimada ka jirta gobolka iyo in Ethiopia ay u hoggaansanto dhexdhexaadintii laga dhex sameeyey iyada iyo Eritrea ee lagu calaamadeeyey soohdinta labada dal.

 

Mooshinka ayaa sheegaya in Golaha Senate-ka Maraykanku uu Ethiopia ka codsanayo in oggolaadaan in khubarro ka socota QM, hay'adaha xuquuqda aadanaha iyo warbaahintuba inay baadhitaan ku sameeyaan gabbood-fallada la sheegay in ciidankeedu ka geysteen gobolka Soomaalida Itoobiya iyo weliba dalka Soomaaliya.

 

Si loo meel-mariyo dhammaan qodobbadaas, mooshinku wuxuu codsanayaa in lacag dhan $20 milyan oo doollar lagu bixiyo mashaariicda la xidhiidha soo noolaynta dimoqraadiyadda iyo badbaadinta xuquuqda aadanaha.

 

Sen. Feingold ayaa hadalkiisa ku sheegay in xidhiidhka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Ethiopia iyo Mareykanka uu yahay mid muhiim ah, balse in maamulka Madaxweyne Bush xidhiidhkaas ku saleeyey danaha soke ee Mareykanka ee ku beegan xagga ammaanka, iyadoo looga baahnaa inuu tixgeliyo danaha fog ee ah dowlad-wanaag iyo la-xisaabtan.

 

“Haddii la rabo in laga guuleysto xagjirnimada, waa in la taageero inuu hannaan dimoqraadi ah oo dhab ah ka dhaqangalo Ethiopia. Sidoo kale, haddii aan Ethiopia siinno taageero xagga ammaanka ah oo aan shuruudo ku xidhneyn waxaan si dadban u beereynaa xididdadii ammaan-darrada,†ayuu yidhi Sen. Feingold.

 

Ugu dambayntii, Feingold wuxuu sheegay in mooshinkani dowladda Mareykanka ka reebayo inay taageerto haya'daha ammaanka dalkaas, hadday caddaato inay geysteen gabbood-fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

It is a good step towrads the right direction.

JB, thanks for your collection, but I am smeling some thing else in your footage.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this