Sign in to follow this  
Meiji

Mogadishu needs no more fighting: Mediation by Elders and Religious scholars

Recommended Posts

Meiji   

Odayaasha XXX iyo Culumaa’udiinka Musaalaxada oo sheegay in ay dhexdhexaadinayaan Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda

 

Isniin, February 09, 2009(HOL): Mas’uuliyiin u hadlay Golaha Dhaqanka iyoMidnimada Beelaha XXX iyo Culumaa’udiinka Musaalaxada iyo sixitaanka oo shalay kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in ay wakaalad ka soo qaateen madaxweynaha, dhinacyada ka soo horjeedana ay sidaas oo kale ka rajeynayaan.

 

Shiikh Nuur Baaruud Gurxad oo ah Afhayeenka Culumaa’udiinka Musaalaxada iyo sixitaanka ayaa sheegay in madaxweynaha markii ay la kulmeen uu u sheegay in uu diyaar u yahay in uu la hadlo dadka ka soo horjeeda dowladdiisa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu madaxweynaha u caddeeyay in dowladda uu madaxda ka yahay ay dalka ku xukumi doonto shareecada Islaamka.

 

“Marba haddii uu madaxweynaha caddeeyay in uu dalka ku xukumayo shareecada Islaamka, isla markaana ay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa dalka ka baxeen aniga waxaan qabaa in aan loo baahneyn in laga hor-yimaado dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed”ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud.

 

Sidoo kalena, Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha XXX Axmed Diiriye Cali oo isna ka mid ahaa xubno ka socday Golahaas oo madaxweynaha la kulmay ayaa sheegay in markii ay la kulmeen madaxweyne Shariif uu u sheegay in aysan jirin wax uu ku diidan yahay in uu la hadlo dadka ka soo horjeeda.

 

“Wuxuu nagu yiri Madaxweynaha wakiil waad iga noqon kartaan, wax alle iyo wixii aad igula talisaanna waan idinka qaadanayaa”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in ay wakiilasho buuxda ka soo qaateen madaxweynaha, dhinacyada ka soo horjeedana ay ka rajeynayaan in ay iyana ka ogolaan doonaan in ay dhexdhexaadin ka dhex sameeyaan.

 

Axmed Diiriye oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu madaxweynaha Soomaaliya ugu muuqday nin u damqanaya dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuuna caddeeyay in ay uga mahadceliyeen go’aankii uu dorraad qaatay ee ahaa in aan laga jawaabin madaafiic lagu tuuray Xarunta Villa Somaliam taasi oo haddii laga jawaabi lahaa keeni lahayd dhibaato soo gaarta dadka shacabka ah ee ku dhaqan Muqdisho, sidii horayba u dhici jirtay.

 

Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa ka soo horjeeda ururro dhowr ah, kuwaasi oo qaarkood dhawaan sameystay Xisbi ay ku mideysan yihiin oo la magac baxay Xisbul Islaam.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Waxa rabshada wado waaba odayaasha ayaan anigu oran lahaa, magaca qabiil ay huwanyihiin ha iska hufuaan marka hore, magac Soomaalinimo ha soo qaataan!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Mucaarad is always good as long as there is no killing included .....Look at these now ,,,,,,

Your unconstructive arguments seem to be twindling sxb. Ofcourse things are not bright neither applaudible but it is an early stage and at the innitial of embarking on a true sense of recovery, simply cause we have hope in the new leadership.

And Insha Allah we will by the end of day see a light by the end of the tunnel - and Somali will be restored in its original manner and form. a nation among nations.

I dont know what bothers you , the hope that we have or whether the goal that we want to acheive, a functioning STATE , irks you - nevertheless your animosity is beyond imagination and confusing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

In the right direction.

 

The journalists who've refused to broadcast Muxaadarooyinka live are due some credit here. Seems their good will has been picked on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this