Sign in to follow this  
Cowke

SBC TV Honors Cade Muse

Recommended Posts

Cowke   

Madaxweynihii hore ee Puntland Generaal Cadde Muuse Iyo Soo Laabashadiisa

 

Madaxweynihii hore ee dowlada Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Jeneraal Cade Muuse Ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay deegaamada Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso Isagoo bilooyina wadanka dibadiisa ku maqnaa.

 

Jeneraal Cade Muuse oo ay ku soo dhoweeyeen garoonka Bender Qaasim ee magaaladan Boosaaso dad weyne aad u fara badan oo lulayay boorar uu ku sawirnaa Cade Muuse Kuna qornaayeen halku dhigyo ay ka mid ahaayeen Halyaygii Nabada Puntlan Iyo Aabihii Horumarka Puntland ayaa dadweynahaasi waxaa horkacayay Isimo Nabadoono Iyo waxgarad ka soo kala jeeda gobolada puntland kuwaasoo ay weheliyeen mas,uuliyiin Ka tirsan maamulka iyo maamulkii hore ee Generaal Cadde.

 

Cadde Muuse ayaa waxaa uu saxaafada hadal kooban ku siiyay qaybta dhismaha ee Terminaalka garoonka Boosaaso oo ahayd horumar ay ku faani karaan shacabka Puntland Gaar ahaana u galay buugga Xasuusta Waxqabadka Shacabka Jeneraal Cadde ayaa Waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinkiisa dalka iyo soo dhowaynta loo Sameeyey.

 

Sidoo kale Generaal Cadde waxa uu sheegay in uu la socdo xaalada dalka ayna si Wanaagsan ay isugu fiican yihiin dhamaan mas,uuliyiinta xiligan maamulka Puntland Majaraha u haysa Uuna ka rajeynayo in ay sii ambaqaadi doonaan talaabooyinkii Horumarineed ee uu Qaaday maamulkii Cadde iyo in ay ku dadaaalaan maamulka haatan Jira nabada iyo Horumarka Arimaha Bulshada.

 

Dhanka kale waxaa uu tibaaxay in uu kulamo la qaadan doono mas,uuliyiinta Puntland Iyo qaar ka mid ah Isimada iyo waxgaradka oo uu sheegay in uu lasoo qaadi doono sidii Si wadajir looga qayb qaadan lahaa horumarka iyo nabada Puntland oo uu ku nisbeeyay Hooyadii Nabada Soomaaliya .

 

Gaar ahaan waxaa uu Cadde Muuse xusay beelihii dhowaan ay dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Igdhays oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka bari oo uu sheegay in Beelahaas ay yihiin walaaalo dabka kala qaata ood wadaag iyo oon wadaagna ah oo Loo Baahan yahay in si wadajir looga qayb qaato.

 

Ugu danbayntii Genaraal Cadde Muuse ayaa maamulkiisa iyo isaga lagu xasuustaa Afartii sano ee uu Puntalnd maamulayay waxqabadkii arimaha bulshada Gaar ahaan Isbitaalo, MCH-yo badan, Dugsiyo waxbarasho, Ceelal iyo Gacan u fidintii Dadka ka soo Jeeda deegaamadan ee ay la derseen abaaraha iyo biyo la,aanta iyo waliba dadkii ka soo Barakacay dagaalada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya tan kale oo lagu xasuusto Waxa ay tahay garoonka Boosaaso oo ay gashay dhaqaalo badan dhismaha terminaalka Oo kaliya ay ka dhiman tahay Runway-ga markaasina noqon doona Garoonka ugu wayn Uguna quruxda badan Soomaaliya iyo waliba dhismiyaal xarumo oo loo yagleelay Dekeda Boosaaso uuna hindise lagu waynaynayo dekedaas iska lahaa Sidoo kale qorshe Lagu dhisayo garoonka garoowe iyo dekad loo sameeyo dekeda Garacad ee gobolka Mudug.

 

Maamulkiisa Cadde waxaa kale oo ay ku dhaqaaqeen talaabooyinkii ay qaadeen wasaaradihiisa gaar ahaan Wasaaradii Dowladaha Hoose oo markaasi dhinacyo badan oo Ku aadan jaan goynta canshuuraha ku samaysay dhamaan goboloda Puntland iyo waliba La xisaabtanka Hay,adaha ay ku quseeyaan golayaasha dowladaha hoose ee loo Sameeyay Degmooyinka Puntland iyo figradeeda oo noqonaysa wax lagu faano samaynta goloyaasha degmooyinka.

 

Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa heshiiskii uu la galay madaxweynihii Puntand ee Isaga Ka horeeyay C/llaahi Yuusuf markaasoo uu gudoomiye u ahaa Ururkii la magac baxay Badbaadinta Puntand heshiiskaasoo oo soo afmeeray dagaalo mudooyin socday isagoo Sidoo kale maamulkiisa uu ku caan baxay Nabada iyo sidii loo heli lahaa Qaran Soomaaliyeed oo Federaal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Interesting to note. I was talking earlier about gara'ad port, and just read this piece and found out cade already had that sorted out.

 

Lol wallahi kings think alike. Because that gara'ad port would dominate the economic flow in the central regions from mudug, hiiran, galguduud, and properly as far as bay and bakool.

 

And anyone with half-brain knows if you dominate the economy, you will own the politics because both go hand in hand. The person that is from galguduud who wants to use gara'ad as a port to bring down his merchandise so he can go and sell it in dhuusomareb or abudwak will need to change his political vision in order to accomplish his business ventures. Minds will change.

 

Las Qoray port that is currently being built will change the political visions of sool, togdheer, and sanaag to be in-line with the host post operator in order to achieve their business objectives.

 

Believe it or not, but ppl's pockets matter more for them then their tribal politics.

 

But this news-piece is an interesting piece and list only 1/5th of cade muse agenda and vision for the state of puntland. The previous leader before cade was good on security, but ppl had nothing to be quite honest. Not a school, no business, nothing really except alot of darawish soldiers and police.

 

Cade changed that all around and brought puntland into becoming multi billionaire state hell with tribal conflict. If our state becomes multi billion dollar oil producing region, they will adapt to our way anyways.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this