Sign in to follow this  
General Duke

Reconciliation conference put back a month...

Recommended Posts

Shirkii oo dib loo dhigey

 

5 Apr 5, 2007 - 7:28:21 AM

 

Dowladda KMG ah ee somalia, ayaa ku dhowaaqday in dib loo dhigay shirkii dib u heshiisiinta qaran ee Somalia oo lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ee 16-ka Bishan.

 

Diblomaasi Carab ah ayaa Wargeyska Al-Sharqal Awsat u sheegay in go'aanka ay dowladda KMG ah ee Somalia dib ugu dhigtay shirkaasi uu ku dhowaaqay wasiirka arrimaha dibedda dowladda KMG ah Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa.

 

Diblomasiga oo magaciisa qariyay ayaa yiri "Bubaa kullankii kooxda xiriirka caalamiga ah ee Somalia ayaa waxa uu ka sheegay in Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed dib u dhigis ku sameeyay Shirkaasi."

 

Dib u dhigista ayaa waxaa wasirka arrimaha dibbada ku macneeyay iyada oo amaanka magaalada Muqdisho si buuxda u sugneyn.

 

Sida laga soo xigtay diblomaasigaasi Buubaa ayaa kooxdaasi u sheegay in marka hore ay tahay in la sugo amaanka caasimadda Somalia, si loo damaanad qaado amaanka ergada ka qeybqaadaneysa shirweynahaasi, isagoo intaasi ku daray in shirka la qaban doono bartamaha bisha May ee soo socota. ayada oo dhow

 

Muqdisho ayaa waxa ka dhacey dagaalo afar maalmood ah kuwaas oo lagu tilmaamey kuwii ugu xoog badnaa ee caasimad soo mara 16 sano ee la soo dhaafey.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dowladda Federaalka oo dib u dhigtay qabsooomida Shirka dib u heshiisiinta Qaran.

5. April 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wasiirka arrimaha dibada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hure (Buubaa) ayaa kooxda xiriirka caalamiga ee ku shiray magaalada Qaahira u sheegay in dib u dhac uu ku yimid shirka dib u heshiisiin ee lagu balansanaa inuu qabsoomo 16-ka bishan.

 

Buubaa ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn xaaladaha ka jira Muqdisho darteed taasoo keentay dib u dhaca shirkan, waxaana arintan walaac ka muujiyay beesha caalamka oo rajo ka qabay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta qaran oo loo arkayey inuu xal u yahay furaha nabad laga hirgeliyo Soomaaliya.

 

Warar kale oo aan ka heleyno ilo muhiim ah ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ku wargeliyay xubnaha ugu sareeya dowladda in dib loo dhigay qabsoomida shirka ilaa iyo bisha May.

 

Magaalada Muqdisho oo ah goob ay dagaalo iyo qul qulatooyin kale ay ka jiraan ayaa xiligan suurtagal aheyn in lagu qabto shir weyne qaran, walow dowladda KMG ay horay u balan qaatay in ka hor inta aan la gaarin qabsoomida shirka ay xasiliney amaanka caasimada.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaaradda Dibu heshiisiinta qaranka oo sheegtay in ay heshay qeyb ka mdia lacagihii loogu tala galay socodsiinta kulanweynaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya.

 

Wasiirka wasaaradda dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaca ka qaaday in wasaardiisu ay heshay qeyb ahaan lacagihii loogu tala galay in lagu maareeyo shir weynaha dib u heshiisiinta qaran

 

Wasiirak wasaaradda dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaca ka qaaday in wasaardiisu ay heshay qeyb ahaan lacagihii loogu tala galay in lagu maareeyo shir weynaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya oo uu wasiirku beeniyay warar shalahy uu qoray Al Sharqal awsat oo sheegay in Buubaa lagasoo xigtay isagoo leh shirkii ilaa iyo muddo bil ah aya dib loo dhigay.

 

Wasiirka wasaaardda dib u heshiisiita iyo jaaliaydaha dalka Soomaaliya Dr.Maxamed cabdi Xayir Maareeye waxaa uu sheegay in lacagaha ay haatanwasaardiisu heyso ee kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran loogu tala galay ay yihiin lacagigii lagudayactiri lahaa goobta kulanka lagu qabanayo iyo sidoo kale kharashkii looadegsan lahaa soo daad gureynta masuuliyiinta kulanka ka qeyb qaadanaya.

 

Wasiirka ayaa sheegay in uu aad ugu wajo weynyahay in kulan weynahaasi hadii uu dhoco uu keeni doono xal waara oo loo helo khuilaafaadkii soo kala dhex galay beelaha SOomaalida wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday dowaldii dhexe ee Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1991-kii.

 

hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmay iaydoo shalay war geyska AlSharqal Awsat oo soo xiganayay sida uu sheegay diplomaasi carbeed oo aan la magacaabin uu qoray in Buubaa uu sheegay in kulanweynaha dib u heshiisiinta qaran uu dib ugu dhacay bartamaha Bisha May ,laakin Maareeye ayaa sheegay in buubaa uu lahadlay warbixinta wargeysku qorayna ay tahay been abuur.

 

 

Xafiiska war qabadka shabaakdda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma jiraan dib u dhac ku yimid shirka"

 

5 Apr 5, 2007 - 4:33:13 PM

 

Wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa sheegay in wax is badal ah uusan ku imaan qorshaha shirka dib u heshiisinta Qaran isla markaana uu qabsoomayo shirka xiligii loogu talagalay.

 

"Ma jiraan wax iska badalay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta ee la iclaamiyay inuu qabsoomo 16-ka bishan" ayuu yiri Wasiirka dib u heshiisiinta Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye".

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda KMG aysan ku dhawaaqin dib u dhac ku yimid qorshaha shirka balse waxaa uu beeniyay in Wasiirka arrimaha dibada uu hadalkan ka sheegay shirka kooxda xiriirka caalamiga isagoo sheegay in kooxda xiriirka Caalamiga ay Buubaa wax ka weydiiyeen qabsoomida shirka wuxuuna Maareeye uu yiri "Wasiirka waxaa la weydiiyay in uu qabsoomayo shirka, wuxuuna ku jawaabay wax isbadal ah oo ku dhacaya shirka ma jiraan, waqtigii loogu talagalay ayuuna qabsoomayaa".

 

Maareeye ayaa sheegay in wasaaradiisa ay u xil saaran tahay arrimaha shirka dib u heshiisiinta, ayna wasaaradiisa ku guda jirto isagoo sheegay in dhawaan ay bilaabo doonto wasaaradiisa daabulida ergadii shirka ka soo qeybgeli laheyd oo gaareysa 3000 ergo.

 

Diblomasi Carbeed ayaa wargeyska Al-Sharqat Awsat u sheegay in Wasiirka arrimaha dibada DF Ismaaciil Buubaa uu ka dhex sheegay kulankii kooxda xiriirka caalamiga ee ka dhacay Qaahira in uu dib u dhac ku yimid shirka.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fanisha   

"Ma jiraan wax iska badalay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta ee la iclaamiyay inuu qabsoomo 16-ka bishan" ayuu yiri Wasiirka dib u heshiisiinta Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye".

loooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

They have been exposed. 2 months ago a chap named DK was boasting about how mogadishu would be safe in couple of months.

 

things are falling apart for the crew.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this