Sign in to follow this  
General Duke

Laas-Qoray: Puntland progress as Tuna factory reaches milestone:PICS

Recommended Posts

SDC10596.JPG

Laasqoray:- Munaasibad Balaadhan oo Ujeedkeedu ahaa soo Bandhigida Mashaariicda Warshada Kaluunka ee Laaqsoray ayaa Galabnimadii Khamiista lagu Qabtay Isla Hoolka Wayn ee Warshada Kaluunka Laasqoray, Kulankaasi Balaadhan ayaa waxa lagu Casumay Ganacsato, Aqoonyano, iyo Qaar ka mid ah Ururada Bulshada.

 

Ganacsato Fara badan qaar ka mid ah Warbaahinta Waa wayn ee Somaliya ayaa Joogay Meesha Kulankaasi ka dhacay oo ahayd Degmada Laaqoray.

 

Ugu horayn kulankaasi waxa Furay Maareeyaha Guud ee Warshada Kaluunka Laaqoray Dr C/raxmaan Maxamed C/laahi Isaga oo si qota dheer uga hadlay Hadafka Munaasibadaasi, Maareeyaha ayaa sheegay in Ujeedka Xafladaasi uu salka ku hayo sidii Bulshada loogu soo Bandhigi lahaa, Adeegyada Warshada Laasqoray iyo Qalabka Casriga ah ee lagu soo Kordhiyay,

 

Maareeye C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa farta ku Fiiqay in Warshada Kaluunka ee Laasqoray La Balaadhiyay isla markaana Kaluunka lagu soo Kordhiyay Qaabab Badan oo Casri ah, C/raxmaan ayaa Xusay in ilaa 5 - Nooc loo sameeyo Kaluunka Warshada Laaqoray kaasi oo uu Yiri" Hadeer Warshada waanu Balaadhinayay anaga oo la Kaashanayay Khuburo ku xeel dheer Arimaha soo saarida Kaluunka, Waxaan soo Kordhinay Kaluun Fara badan oo si Carsi ah loo Farsameeyay sida aad Hadeer Aragtaan Kaluunkaasi Hortiina Yaalaa Wa Nooc Cusub" Ayuu Yiri Maareey C/raxmaan.

 

C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa Ku Nuux - Nuuxsaday in Ganacsatada looga Fadhiyo inay Barnaamijkaasi Hormarka ah ka Qayb qaataan, Maareeyaha aya Farta ku Goday in Warshada Kaluunka ee Laasqoray ay Haatan ku Talaabsaday Hormar Baaxadlen, Mr C/raxaam ayaa Yiri" Kaluunka waxa uu Daawo u yahay Xanuun Badan waxana uu u baahan yahay ka Faa iidaysi Fara badan".

 

Dhanka kale waxa isna lagu soo dhaweeyay Mikirifoonka Cali Maxamuud Xasan [Cali Ceelaayo] oo ka mid ah Masuuliyiinta Ugu saraysa Warshada Kaluunka ee Laasqoray, Cali Ceelaayo ayaa ugu horayn Mahad Balaadhan u soo Jeediyay dhamaan dadkii Munaasibadaasi Joogay, Waxa uu si dheer uga hadlay Warshada Kaluunka ee Laaqoray isaga oo Yiri" Warshada Kaluunka ee Laasqoray Waa Warshada Balaadhan waana Mashruuc Qaran Maha Mid Shakhsiyaad, Maha mid Urur iyo Mid Gobolk Toona waa wax u baahan in dhamaan Ganacsatada Somaliyeed ay Gacan ku yeeshaan sii Barnaamijkaasi looga Gaadhi lahaa, Meel sare" Ayuu Yiri Cali Ceelaayo.

 

Cali Maxamuud Xasan Cali Ceelaayo oo sida la sheegay ku Jira Shanta Golaha sare ee Warshada ugu sareeya ayaa xusay in Xeebaha Somaliya siiba Tan Puntland ay u baahan Tahay Gar Gaar Deg Deg ah taasi oo ku aadan Buu Yiri Badbaadinta Maraakiibta Jariifka ku wada Xeebaha" Cali Ceelaayo ayaa Yiri" Ka Ganacsato ahaan waa inaan dhexda xidhanaa oo Maamulka la Kaashanaa sidii Masiibadaasi wax looga qaban Lahaa Darsaad ay sameeyeen dadka u Olaleeya Arimaha Kaluunka ayaa lagu sheegay in Bada Somaliya ay safka Hore kaga Jirto Meelaha ugu Kaluunka Badan"".

 

Cali Ceelaayo ayaa dhanka kale sheegay inay Warshada ka shaqeeyaan ilaa 850- Ruux kuwaasi oo Buu Yiri Haween iyo Ragba leh, Cali Maxamuud ayaa sheegay in shaqaalaha Warshadu yihiin kuwa aqoon u leh, shaqada ay Hayaan.

 

Cali Ceelaayo ayaa Ugu danbayntii sheegay inay ka Maamul ahaa, Wadayaan Hadafka ay ku doonayaan inay ka Gaadhaan Warshada Kaluunka ee Laasqoray kaasi oo ah Buu Yiri in dhamaan Geeska Afrka la Gaadhsiiyo Tayada Warshada Kaluunka ee Laasqoray anaga oo Kaashanayna Buu Yri, Ala Subxaanahu Wa Tacaal, iyo Aqoonta aanu u Leenahay ka Ganasiga Kaluunka.

 

Sidoo kale waxa Halkaasi ka Halday Gudoomiyaha Ganacsatada Puntnd Sheekh Ismaaciil isaga ku Hadlayay Magaca Ganacsatada PL ayuu Yiri" Waan ku Faraxsanahay in aan Maanta Joogo Munaasibad lagu soo Bandhigayo Kuluunka Laasqoray Waxaan aad ugu Mahad Celinayaa dhamaan Rag lugta ku leh Mashruuca Warshada Kaluunka ee Laasqoray kuwaasi oo ah Ku Geesiyaal ah oo dhabarka u dhegtay Masuuliyada intaasi Leg" Lama Oran karo waa wax sahla meel ay intaasi oo Ruux oo Ajaanib iyo Somali ah ka hawl Galaan" Ayuu Yiri Gudoomiyihu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANTARA   

^^ waar Marx xaasidsanidaa ninyow, manashalaah dheh.

 

Lakiin such a big business venture must have been financed by the pirates with the millions of ransom they made, kaadidooda ayey usoo cabeene ragu :D

 

On a serious note this an exemplary progress, now I think it is fair to say Puntland waa carartey mahee wey dabaalabtey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this