Sign in to follow this  
General Duke

A day late and a dollar short: Somaliland media admit mistake

Recommended Posts

Guddida Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Ka Cadhooday Jawaabtii Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

 

hadhwanaag 2009-06-27 (Hadhwanaagnews) London (Hadhwanaagnews.com) -- Guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda ee golaha congresska marayanka Donald Payne ayaa canbaareeyey isla markaana ku tilmaamay waxaan la aqbali karin qoraal jawaab ah oo kaga yimid wasiirka arrimaha dibadda Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale oo uu kaga cudur daartay inuu ka soo qayb gallo shir maalintii shallay ka dhacay xarunta golaha congresska maraykanka oo lagu lafa guraayey xaaladda wadanka Soomaaliya.

 

Fadhiga dhegaysiga ah oo ay soo qaban qaabisay guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee golaha congresska dalka maraykanka shallay khamiistii oo ku beegnayd 25 june 2009-ka ayaa waxaa ka soo qayb gallay Wasiirka gaashandhiga Yuganda Crispus Kiyonga, safiir ku xigeenka dawladda Shariifka u fadhiya Washington iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

 

Guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda ee golaha congresska maraykanka Donald Payne ayaa ugu horayn warbixin dheer oo uu ka akhriyey kulankaasi dhegaysiga ahaa wuxuu ka waramay xaaladda guud ee waddanka Soomaaliya isagoo tusaale usoo qaatay wuxuu ku soo arkay mar uu booqasho ku tegay Soomaaliya horaantii sannadkani, wuxuu sheegay in aan xaalada Soomaaliya sidaasi lagu daawan doonin isla markaana dawladda maraykanku ay gacan ka gaysan doonto sidii ayuu xasiloonida dalkaasi loo soo celin lahaa.

 

Mr Donald Payne oo ka hadlaya sida uu u arko sida xal loogu heli karo Soomaaliya wuxuu yidhi "xalka aan arka waxay tahay iyadoo seddexda gobol ee Soomaaliya ka koobantahay (Somaliland,puntland iyo koonfurta Soomaliya) la isku keeno isla markaana laga dhigo quwad midaysan oo hanan karta shacabka soomaalida ah" ayuu yidhi.

 

Mr. Payne oo ka hadlaayey qoraal jawaab ahayd oo uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ku qaadacay inuu kulankaasi kaga qayb gallo ayuu ku tilmaamay guddoomiyahu wax aan la aqbali karin "jawaabta nooga timid Somaliland wasiirkooda arrimaha dibaddu waa mid aan la aqbali karin, dawladda maraykanku waxay doonaysa inay dawo u hesho dhibaatada guud ahaan ka taagn soomaaliya, waxaananu aaminsanahay in gobolkaasi Somaliland ay fure u noqon karaan mid militery iyo mid siyaasadeedba waxaa ka soconaya muqdisho, inaanay halkani nagala soo qayb gelin oo casuumadii aanu u fidinay aanay qadarina waxaanu u aragna inay niyad jab nagu ridayso" ayuu yidhi Mr. Payne.

 

Waxaa isaguna markhaati ahaan uga hadlay dhegaysigan Ngoga Gateretse oo ah la taliyaha midawga afrika ee arrinta Soomaaliya oo ka warbixiyey kaalinta ciidamadda nabad ilaaliyayaasha afrkaanka ah ee jooga magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale ka hadlay Ted Dagne oo ah nin ku takhusasay arrimaha geeska afrika kalana taliya golaha congresska dalka maraykanka arrimaha mandaqadaasi wuxuu soo jeediyey in dawladda maraykanku ay siiso gargaar militery dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya iyo maamulada Somaliland iyo Puntland si ayuu yidhi loola dagaalamo kooxaha islaamiyinta ah oo ku ah khatar ayuu yidhi mandaqadda oo dhan.

 

 

dhinaca kale waxaa shirkaasi ka hadlay Madaxweynaha maamul goboledka Putland Cabdiraxmaan Faroole oo sheegay in Soomaaliya looga baahanyahay ayuu yidhi inay ku daydaan sida puntland oo kale, oo dadka deegaanadaasi colaadu ka taagantaay ay xal keenaan oo heshiiyaana ayuu yidhi sidi Puntland oo kale sannadkii 1998-kii, wuxuu soo jeediyey Mr. Faroole Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland in la xoojiyo fekradda midnimada Soomaaliya oo ka bilaabanaysa ayuu yidhi in la mideeyo seddexda qaybood ee soomaalidii 60-kii u kala jabtay.

 

waxaan dhinaca kale ka soo qayb gelin shirkani wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda sh. shariif axmed ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdilaahi Oomar waxaana fadhigaasi u matalaayey safiir ku xigeenka dawladiisa u fadhiya dalka marykanka.

 

dhinaca kale waxaa magaalada Washington hadda gaadhay goor dhawayd wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Cabdlaahi Maxamed Ducaale oo isagu todobaadkii hore ganafka ku dhuftay inuu kulankaasi afar geesoodka ah ka qayb gallo :D dalbadayna in dawladda maraykanku ay somaliland gooni u aragto, ma cadda ciduu la kulmi doono iyo in eedani dawladda maraykanku ay Somaliland usoo jeedisay si toos ah loogu sheegi doono.

 

Mohamed abdi Hassan (diridhaba)

Hadhwanaagnews, London Office

diridhaba@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

donald_payne_med.jpg

" we will again express our dismay at the refusal of Somaliland to .....if they want to be isolated, they can be assured that I will do all I can to isolate them... and evidently that they dont need or want the support of US... and will support Somalia and Puntland". Chairman Pyne!

Share this post


Link to post
Share on other sites

inay xukuumad ahaan sharaf dhac ku tahay Somaliland, kuna nidhaahno arrintaas annagu kuma jirno mar haddii aanay sidii aannu ugu talogalnay ahayn, codsigayaguna wuxuu ahaa annagu waxaannu jecelnahay in Guddi-hoosaadku Somaliland si gaar ah u arkaan, waayo waxaanu nahay dal xor ah oo hawshiisi dhameystay oo dastuur leh oo dimuqraadi ah, wixii dan ah ee xidhiidhka Maraykanka diyaar ayaanu u nahay, laakiin ha nala arko annaga, qolada kale ee isku Federalka ah [soomaaliya iyo Puntland] waxay doonaanba ha kala sheegtaane iyagana gaar waxooga ha u arkaan, hase ahaatee waxa arrintiiba isku soo xooriyey ta ah wada hadal ayaa meeshi imanaya.”

 

 

Wasiir Ducaale waxa uu sheegay in is-beddelka soo galay sidii loogu sheegay ujeedadii shirka uu u malaynayo in aanay ahayn mid ka timi Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Congress-ka Maraykanka u qaabilsan Afrika oo uu ku tilmaamay in Somaliland saaxiib la ah. Waxase uu Wasiirku sheegay in uu safar ku tagayo dalka Maraykanka kaas oo uu kula kulmi doono hay’adaha kala duwan dalkaasi.

 

 

“Ma hubo inay ka socoto dhinaca Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Congress-ka ee kolayba in meel dhexe wax ka yimaadeen ayaanu filayaa, laakiin waxaanu gudbinay annaga oo aad uga mahadnaqayna casuumaadaas Guddoomiyaha iyo guddigiisaba annagoo qoraal ugu celinay aannu leenahay arrintaasi wakhtigan noogama suuragasho, diyaarse waxaanu u nahay oo aanu idinka codsanaynaa inaad si gaar ah noo aragtaan. Shirkuna maanta oo ay bishu tahay 25/6/2009 ayuu ka furmayey, anigana tikidhku wuu ii go’naa oo wax walibana diyaar ayey ahaayeen, laakiin waxa yimi wax aan la liqi-karayn, naanaystaana waanu iska diidnay. Markaa si gaara ayuu Mareykanka u tagaynaa Somaliland ahaan qeybaha Dawlada Mareykankana waanu arki karnaa ilaa heerka ugu sarreeya ee aannu arki karno ee markaa jooga ee balanta nalooga qabto, hay’ado badan oo kale-na inaanu aragno ayaanu doonaynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Adi Somalileen ku waalatay, its getting boring sxb. Stop spreading hate, and don't spread bad news about your "NW SOMALIA" brothers. Give it up yaa old man!

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaananu aaminsanahay in gobolkaasi Somaliland ay fure u noqon karaan mid militery iyo mid siyaasadeedba waxaa ka soconaya muqdisho, inaanay halkani nagala soo qayb gelin oo casuumadii aanu u fidinay aanay qadarina waxaanu u aragna inay niyad jab nagu ridayso

Generaal sheekadu waxay u eegtahay in maraykanka qudhoodu ay u baahanyahiin Somaliland si ay u xalina karaan dhibta muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

A great news for the people of Puntland. They are seen as people who stand for unity, peace and reconciliation in stark contrast with "Somaliland's" promotion of division, instability, and obstinate refusal to participate reconciliation efforts.

The world had ignored all of these facts as it prolonged our social and political crisis.

It's time to admonish the secessionist's interest in the rest of Somalia's destabalization policies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually Somaliland has proven the world wrong, the world pumps millions of dollars in to a somali interim government called the TFG, and its crumbling . And it’s worthless today. Somaliland message is very clear , we have nothing to do with Somalia and its government nor do we have something to do with its extremist groups , so we cant be part of it solution , Mr Donald payne seems that he needs Somaliland dispersedly to keep the TFG alive

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Xunduf, It was to the advantage of "Somaliland" to be part of this. What you seem not to understand is the attendants that were at this hearing were not all from Somalia. They were from different countries in Africa but countries that can be affected by what is going on in Somalia. Somalia's problem can have very big impact on "Somaliland". Qoladii Waqooyiga waxeyba moodeen in Somalia (not that they ever left Somalia) dib loogu darayo. LOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NASSIR: Brother this was a watershed moment. The worlds only superpower which has ignored Somalia for so long is now engaged. The secessionists made a big mistake in ignoring, refusing to attend this meeting.

 

Zack: This news and the chairman statement is a shock to the system for our secessionists brothers its a new day and a new dawn and I am feeling good. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

 

Brother Iron Duke;

 

Why waste your time with these tracherous nuts from the North West? The loony Republic Of Somaliland of la-la land isn't going to happen. Take your kids to the park, or call a friend you haven't heard from for a while. Don't waste your time with these goofballs. They don't deserve it!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Oodweyne adeer calm down and count to 10. You seem very upset. The Somali region of the NW need to come back to reality and quit sulking.

 

Now Oodweyne whats the plan? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Did I miss something?? America’s policy always isolated Somaliland as they were not willing to entertain its claims to independency, it is only interested in dialog with Somaliland as part of Somalia, Somaliland guys rejected this and campaigned against it (obviously they failed to persuade them). Somehow it was assumed they were not serious and will bow to pressure, when they didn’t, it pissed some people off like Donald Payne. But it is irrelevant because there is nothing they gave Somaliland which they can take back now, nor were they WILLING to give Somaliland what it wants there was no bridged to burn. So really it is an empty threat to isolate them. They could not be anymore isolated as it is, so nothing to lose, now they know exactly where they stand-at least with him. They can either find another way in or stop wasting peoples money going to ridiculously expensive tours for “recognition” in America, perhaps use the money for something else which benefits the locals.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^No dear it simply means that the long march to recongition fell in a far far and deep well... the hopes for a sooner reconginition or anything near to that have been deeply smashed into the ground by this latest incident, and that it has become clear to everyone of the position of America, the Super power that mostly dictate matters in this world that it will neither recognize nor approve it from any other nation but furthermore may isolate the administration of Hargeisa...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this