Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Xaaska Siinlaayo Vs (Somaliland Court)

Recommended Posts

Xiisad ka abuuran gudaha magaalada Hargeysa

 

Hargeysa 31 March. 06 ( Sh.M.Network) Xiisad kulul ayaa ka taagan magaalada Hargeysa ee maamulka la baxay Somaliland, ka dib markii xukuumadda Daahir Riyaale ay ku gacan seyrtay go'aan Baarlamanka Somaliland uu soo saaray.

 

 

Gudaha Magaalada Hargeysa

Xiisadaan ayaa ka dhex aloolsantay xukuumadda isku magacowday Somaliland iyo golaha shacabka maamulkaasi, ka dib markii war saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada lagu gacan seyray in go'aanka golaha baarlamanka uu ku gaaray in haweeneyda u dhaxday gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Kulmiye Siilaanyo oo lagu magacaabo Aamino Waris ay ka mid noqoto madaxda sar sare ee Hay'adda Care ee ka howlgasha gudaha Somaliland iyo waliba in Somaliland laga musaafuriyo nin ajnabi ah oo booskii haweeneydaasi lagu badalay.

 

War saxaafadeedka ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan lagaga soo qaaday go'aankii Baarlamanka, iyadoo lagu sheegay in haweeneydaasi aanu u shaqeyn karin hay'adaasi isla markaana jago sare ka qaban karin iyo sidoo kale Ninka ajnabiga ah aan laga musaafurin karin gudaha Somaliland.

 

Arintaan ayaa keentay buuq iyo xamaasad ka dhex aloolsantay xukuumada iyo Baarlamanka Somaliland, iyadoo sarkaalka ugu sareeya ee Hay'adaha samafalka uu isaga baxay gudaha Somaliland si qarsoodi ah.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa tilmaamtay in aanu tixgalindoonin go'aan ceenkaan oo kale ah hadii mar kale Baarlamanku isku dayaan.

 

Go'aankaan ayaa soo baxay maalin ka dib markii golaha shacabka Somaliland ay soo saareen sharci ahaanshaha in xaaska Axmed Siilaanyo ay jago sare ka qabato Hay'adda Care.

 

Xukuumadda Daahir Riyaale ayaa ku doodeyso in ruux ka tirsan xisbiyada mucaaradka aaanu jago sare ka qaban karin hay'adaha samafalka

 

 

 

war-saxaafadeed. xukumada Somaliland kuma camal fali doonto go`aanadii shalay ka soo baxay Golaha Wakiilada ee ku saabsanaa Hay`ada Care iyo qof shisheeye ah

 

Somaliweyn -Hargeysa- 30/03/06

 

Xukumada Somaliland ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay ku diidan tahay in ay fuliso go`aamadii shalay ka soo baxay Golaha Baarlamaanka Somaliland.

kaasi oo ay cod aqlabiyada ku sheegeen in hay`ada CARE INTERNATIONAL ay si dhaqso ah ugu soo celiso shaqadii ay ka heshay Marwo Aamin Weris.

waxa kale oo go`aamadii shalay ka soo baxay Baarlamaanka ka mid ahaa in dalka laga eryo Mr. Tim Moya oo isagu ninka haatan sii haya xilka madaxa CARE ee Hargaysa oo ay dhalashadiisu tahay kiiniyaan.

 

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdi-laahi Maxed Ducaale oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka somaliweyn ee magaalada Hargaysa waxa uu u qornaa sida;

 

 

WAR-SAXAAFADEED.

 

Xukuumada Somaliland kuma camal fali doonto go'aanadii shalay golaha wakiilada ka soo baxay ee ku wajahnaa Hayada Care International iyo qof shisheeya ah oo dalka laga eryayo waxayna u aragtaa xilkii dastuur ahaan golaha Fulintu lahaa oo ay qaateen golaha wakiiladu,

 

Qodabka 53 ee dastuurka qaranku saabsan awooda iyo waajibaadka golaha wakiiladu majiro meel ay kagajirto shaqada xukuumau ay leedahay waxaa la wareegaya golaha wakiilada maxaayeelay waxaa uu leeyaha awooda dawladeed ee jamhuuriyada somaliland waxay u kala qaybsantahay sadex hayadood oo kala ah

 

1. Golaha Fulinta (Xukuumda)

2. Kan Xeerdajinta (Golaha Wakiilada)

3. Iyo kan Garsoorka ((Maxkamadaha)

 

waxaanu cadaynaynaa hayadu inay xilkooda u kala madax banaanyihiin oo aanay midina mida kale xilkeeda la wareegi karin sidaasi awgeed maroorsiga iyo farogalinta xilka waaxda fulunti ay leedahay waxay ku xad gudbaysaa dastuurka qarankan xilkiisa kala hagaya sidaa awgeed wakiiladu markay goaansadaan xilkii fulintu lahayd ayaan qabanaynaa kama suurto gasho xukuumadu inay ogolaato maxaa yeelay waxaa markaa wadanku noqonyaa mid fowdo ah oo habka aduunku ku macaamilo aan ku dhaqmin taasoo macnaheedu noqonayo ma nihin qaran jira.

 

sidaas awgeed xukuumadu waxay u aragtaa go'aankii shalay ee golaha wakiilada qodobo ka mida xilkeeda oo ay golaha wakiiladu la wareegayaan taasoo ku xadgudbaysa dastuurka. Sidaasi darteed ayaanay u ogalaan karin

 

Xukuumada Somaliland ma ogolaan karto muwaadinka somaliland xuquuqdiisa in lagu xadgudbo waana waajib muwaadinkasta xukuumadu inay camal u raadiso kamana suurawdo inay iska hortaagto. Ilaa hadana ma jirto wax dacwad ah oo ay muwaadinadaasi u soo gudbisay Xukuumada sidaas awgeed cida arintaasi ka soo jeedisay golaha wakiilada waxaa loo qaadanayaa xildhibaanadu inay fulinayaan dangaara oo ay leeyihiin anagaa ka wakiila waxaa loo qaadanayaa dangaara. Waxaa mashruuc sharci noqon kara wixii uu dastuurku u banaynayo golaha wakiilada masa noqon karo mashruuc sharci xilkii dastuurku u kala xadeeyey sadexda hayadood ayaanu la wareegaynaa. Sidaas awgeed golaha wakiiladu waa inay ka fiirsadaan waxii aan xilkooda ahayn ee lagu marin habaabinayo.

 

hore waxaa u dhacday arintii cusbitaalka Hargiesa ka dhacday oo xukuumadu wixii kaga aadanaa ay ka dhamaystirtay oo waliba madaxwayne ku xigeenka oo xilkii madaxwaynaha sii hayey uu hawshaasi raali galinteedii iyo wixii waajibad ahaa u dhameeyey in hadana dib loo soo cusboonaysiiyo go'aana laga soo saaray.

 

xukuumadu way ku shaqaysay wayna ku shaqaynaysaa iskaashiga iyo wada shaqaynta golaha wakiilada intii wajib uu kaga dhigayo dastuurka qaranku laakiin marna ma ogolaanayso in shaqadeeda cid kale qaadato sida talaabo laga qaadayo iyo qof shisheeya ah.

 

waxaanu xasuusinaynaa golaha wakiilada in xeerkii shaqaalaha (Labor Code) arintani ay khusayso uu horyaalo golaha wakiilada loogana baahanyahay ansixintiisa si xuukuumadu u gudato waajibaadkiisa

 

waxaanu ka codsanaynaa xildhibaanada sharaftaleh iyo shirgudoonkaba inaanay afduubin koox dan gaara wadataa taasoo wax yeelaynaysa jiritaanka iyo nidaamka iyo nidaamka caalamigaa ee aynu doonayno inaynu aqoonsi kaga helo.

 

N.B

 

Waxaa kaloo jirta muwaadinku waxa uu u dacwoonkaraa waaxda garsoorka oo xilkeedu yahay dacwada qaadid mana aha xilka wakiilada ee galista dacwadaha muwaadiniinta ee madaniga ah oo waxkaqabashadeeda iyo fulinteedana ay leedahay xukuumadu hadii wakiiladu ay arintaas qaataana way ku xadgudbayaan xilkii garsoorka iyo fulinta waxaanay luminayaan shaqadoodii xeer dajineed.

 

ALLAA MAHADLEH

 

 

Cabdilahi Maxamed Ducale

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta

Share this post


Link to post
Share on other sites

March 31, 2006 - 00:23

Somaliland government rejects parliament's decision to expel CARE representative

 

 

Awdalnews monitoring service=

 

HARGEISA, 30 March 2006--The Somaliland government rejected a parliament decision on expelling the CARE International representative in Hargeisa.

 

Acting upon the recommendation of its Committee for Foreign Affairs and International Cooperation, the Somaliland's Lower House passed a decision on Wednesday asking the government to expel the Care official, Mr. Tim Moya, accusing him of denying a job to a Somaliland woman and giving it instead to a foreigner with lesser qualifications.

 

The government, however, branded the House's decision as overstepping its duties as lawmakers and allowing itself to act as an executive body. In a press statement issued yesterday, Abdillahi Mohammed Duale, Minister of Information, said that the House had acted illegally by violating article 53 of the country's constitution which defines the different roles of the country's executive, legislative and judicial bodies

 

"The government will not accept the Lawmakers to take the role of the executive body, otherwise the country will be in a state of chaos," the statement said. The House's decision cited that CARE International had denied a job to Mrs. Amina Sh. Mohammed, who is the wife of Mohammed Ahmed Silanyo, Chairman of the biggest opposition party Kulmiye and former presidential contestant against incumbent President Dahir Riyale Kahin.

 

The case was a hot issue for the Somaliland press in the last two weeks and some commentators even accused the Minister of Planning, Ahmed Haji Dahir, who hails from same region as the President, of being behind the rejection of Amina for political reasons.

 

The government's statement, however, stated that government didn't receive any complaint from the citizen concerned, stressing that the government was working to find jobs for its citizens and would not in anyway deny them any employment opportunity. In a clear warning to the opposition-dominated House, the statement expressed the government's readiness to work with it according to the letter of the constitution but "will not allow its duties to be overtaken by other bodies."

 

"We ask the Lawmakers not be hijacked by interest groups," said the government statement, "such actions will hinder our progress in establishing a good system of government and will be detrimental to our endeavors towards gaining international recognition," the statement concluded.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I dont understand what the problem is here,

why do they have a problem, for her having

that post? or is it becuase she using different

mixtures of halal and non-halal ingredients

together for the cooking?

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this