Sign in to follow this  
MR ORGILAQE

Gedi's Government Approved by Parliament

Recommended Posts

Xukuumadda Prof. Geeddi oo ka gudubtay Imtixaankii ka haystay baarlamaanka

Nairobi

 

 

 

 

Kulan ay maanta isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka college-ka Mbagathi ee magaalada Nairobi ayaa codka kalsoonida loogu qaaday xukuumaddii uu soo dhisay Prof. Cali Max’ed Geeddi.

 

 

Xildhibaanada kulankaasi soo xaadiray oo tiradood aheyd 250 ayaa u codeeyey qaab qarsoodi ah, waxaana natiijadii codeyntu ay noqotay markii codadkii la qaaday la tiriyey in ay ogolaadeen kalsooni siinta xukuumadda 168 xildhibaan, halka ay diideen 78.

 

Cod bixinta maanta oo ah kuwa qarsoodi ah ayaa mesha ka saartay cabsidii haysay dowlada Geeddi ayagoo muu jiyey kalsooni buuxda taasoo keentay in ay guleystaan codka kalsoonida Barlamaanka FKMG

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si toos ah ugu dhawaqay in dowlada Cali Maxamed Geeddi ay heshay codka kalsoonida barlamaanka asagoona sheegay in ay heshay dowlada 168 cod tasoo uu sheegay in dowlada rali laga yahay howsheedana ay horay u siiwadan karta waxii maanta ka bilaawadan uu hadalku yahay gormee guureynaa oo aan dalka qabaneynaa

 

 

Cod bixinta kadib ayaa waxaa qudbad dhinayo badan tabaneyso jeedshay Madaxweynaha DFKMG Cabdulaahi Yuusuf Asagoona ugu mahad celiye ogolaansha ay ogoladeen xubnaha Barlamaanka dowlada .

 

 

Wixii warar dheeraad ah dib ayaan idinka soo socod siineynaa

 

 

 

 

Ku noqo beejka

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

cabdishakuur@dayniile.com

 

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ansixintii baarlamaanka ee Dawladda iyo barnaamijkeedii oo faahfaahsan

By Dharbaaxo Posted to the web 13-01-2005, 14:27:15

 

Nairobi:-Xubnaha baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliyeed ayaa kulan loogu qaadi lahaa Dawladdda iyo barnaamijkii ay dalka ku maamuli lahayd oo dhacday Madashii shrika dib u heshiisiinta ee Mbagathi waxay codka kalsoonida,iyadoo kulankaas ay ka soo qaybgaleen 254 Xildhibaan oo ka tirsan 275ta Xubnaha baarlamaanka.

 

Kulankii baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah,Ra'iisal wasaaraha Dawladda FKMG ah ee Soomaaliyeed Cali Maxamed Geedi,Safiiro ka socday IGAD iyo Dublamaasiyiin ka wakiil ahaa Beesha Caalamka.

 

Xubnaha baarlamaanka FKMG ah ayaa waxay bilaabeen inay u qaadaabn Dawladda codka kalsoonida,iyadoo 168 Xildhibaan ogolaadeen Dawladda iyo Qorshaha ay soo hordhigtay,halka 79 Xildhibaan diideen inay siiyaan Xukuummadda codka kalsoonida,waxaana xumaaday 3 cod,waxayna Xildhibaanada badankooda ku soo dhaweeyeen ansixita Dawladda sacab iyo raynrayn ka muuqatay.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ayaa waxa uu ku dhawaaqay najiidadii kama dambeysta ahayd,isagoo sheegay inay Dawladdu heshay codkii kalsoonida ee ay ka doonaysay baarlamaanka,sidaas darteedna looga fadhiyo Xukuummadda inay ku dhaqaaqdo sidii ay uga soo bixi lahayd xilka saaran ee ah ka miro dhalinta ma'suuliyadd ay qaaday,isagoo ku wargaliyey Xildhibaanadu inay maalinta Isniinta ah ee fooda nagu soo haysa kulan isugu yimaadaan,iyadoo shirka baarlamaanku soo gabagaboobay 2:20 Duhurnimo.

 

Ra'iisal wasaaraha Dawladda FKMG ah oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu XIldhibaanada uga mahadcelinayo codkka kalsoonida ee ay siiyeen Dawladda iyo barnaamijkeedii,isagoo soo jeediyey inay Dawladda iyo baarlamaanku FKMG ah guda galin doonaan sidii dalka dib loogu noqon lahaa,islamarkaasna Golaha Wasiiradu yeelan doonaan Sabti soo socota kulan ku saabsan sidii dalka dib loogu noqon lahaa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah Cabdullaahi yuusuf Axmed oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ku bogaadiyey Golaha baarlamaanka codkii kalsoonida ee ay ku ogalaadeen Xukuummadda iyo Qorshaheeda,isagoo sheegay inay lagama maarmaan tahay wixii hadda ka dambeeya in la gudo galo sidii dalkii loogu laaban lahaa,wuxuuna codsaday in baarlamaanku soo gabagabeeyo kulamadooda si loogu dhaqaaqo u diyaar garaw ku aadan dib ugu noqoshada dalka

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi:Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo ansixiyey Dawladdii Ra'iisal Wasaare Geeddi

- Thursday, January 13, 2005 at 14:21

 

Nairobi(Allpuntland)-11:30 subaxnimo ee saaka ayaa Mbagathi waxa kulan isugu yimid xildhibaanada Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya si ay ugu codeeyaan bal in la siiyo codka kalsoonida xukuumadda KMG ah ee uu dhowaan soo dhisay Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo in kale.

 

Kulankaas oo ay fadhiyeen xildhibaano gaarayey 254 xildhibaan ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka oo shirka furay ku xigeenadiisa ,Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi,diplomaasiyiin ka socda beesha caalamka,iyo martisharaf kale,inkastoo saacadihii ugu danbeeyey ee codayntu dhammaatay uu soo xaadiray Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Markii kulanku furmay ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan waxa uu weydiiyey baarlamaanka haddii ay jiraan cid dood ka qabta barnaamijkii dawladda ee doraad loo qaybiyey ,markaasoo ay caddeeyeen inaanay jirin cid wax dood ah ka qabta dabadeedna waxa guddoomiyuhu u sheegay xildhibaanada in loo codaynayo kalsooni siinta xukuumadda uu soo dhisay Ra'iisal Wasaare Geeddi codkaasina uu noqonayo mid qarsoodi ah,iyadoo labo sanduuq oo cadcad oo uurkoodu muuqdo xildhibaan kastaa ku riday waraaq loogu talagalay codaynta oo ay ku qoran tahay HAA iyo MAYA ,iyadoo horteeda uu ku dhigayo calaamad isku tallaab ah (X) oo haddii uu doonayo ansixinta xukuumadda uu calaamadinayo HAA ,haddii uu doonayo inaan la ansixin xukuumaddana uu calaamadinayo MAYA.

 

Codayntaas ayaa waxaa ka qaybqaatay 250 xildhibaan oo codkoodii dhiibtay ,iyadoo markii natiijadii lagu dhawaaqay ay ahayd sidaan:

 

1-Waxaa u codeeyey in la ansixiyo xukuumadda 168 xubnood

 

2-Waxaa u codeeyey inaan la ansixin xukuumadda 79 xubnood

 

3-Waxaa khasaaray oo aan sidii la rabey codkooda u dhiiban 3 xubnood

 

Markii codkii sidaa ku dhammaaday ayaa waxaa hal mar hoolkii isqabsaday sawaxan iyo sacab lagu soo dhowaynayo natiijadaas oo baarlamaanka iyo martisharaftuba ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin ansixinta xukuumadda,dabadeedna waxaa halkaas lagu dhaariyey Wasiiraddii,Wasiiru Dawlayaashii iyo Wasiiro ku xigeennadii ,markii dhaartii dhammaatayna waxaa halkaa erayo kooban oo dardaaran ah ka jeediyey Ra'iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

 

Ra'iisal Wasaare Geeddi ayaa uga mahadceliyey baarlamaanka ansixintooda xukuumadda ee ay siiyeen codkoodii kalsoonida ,isagoo golaha xukuumaddana u rajeeyey inay xilkaas loo magacaabay si habsami ah uga soo bixi doonaan ,waxana uu sheegay in shirkii mudada dheer ka soo socdey Kenya guushiisii ugu danbeysey maanta la hayo ,isagoo ku boorriyey baarlamaanka iyo xukuumadda inaan mar danbe la inoo soo jeedin dalkiinnii u guura ee aan innagu go'aan gaarno ,isagoo intaa raaciyey in maalinta Sabtida 10 subaxnimo ay kulan isugu imaan doonaan golaha xukuumaddu ayna ka wada xaajoon doonaan sidii dalkii loogu guuri lahaa.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sidoo kale u mahadceliyey baarlamaanka iyo goobjoogayaasha kalaba ,isagoo sheegay inay baarlamaanku gaareen go'aan guul ah markii ay codkii kalsoonida siiyeen xukuumaddii la soo dhisay ,waxana uu u soo jeediyey in la is cafiyo oo gacmaha la isqabsado ,waxana uu yiri kuwa u codeeyey ansixinta xukuumadda iyo kuwa aan u codaynba waan u mahadcelinaynaa maadaama aan idiin dhexeeyo,isagoo sheegay inaysan wax dhibaato ah lahayn oo codku halgan yahay mar walbana koox la buuranayo qolo kastaana markeeda ha sugto ee yaan la is oran waa maanta oo qura ayuu intaa raaciyey.

 

Madaxweynaha oo ka hadlayey dhinaca ku laabashada Soomaaliya ayaa yiri "Wax badan ayaan hoolkaan(Mbagathi) fadhiney ,xil weyn ayaana la idinka sugayaa fadhi danbena halkaan inookuma harin waa inaan degdeg dalkeennii ugu noqonaa ,guddoomiyaha baarlamaankana waxaan ka codsanayaa inuu waqti u qto shirkii u danbeeyey iyo marka la isugu imaanayo".

 

Guddoomiyaha baarlamaanka oo shirka soo gabagabeeyey ayaa u mahadeliyey xildhibaanada ,isagoo sheegay in xukuumaddii si guud loo ansixiyey waxana uu caddeeyey in maalinta Isniinta ah ay baarlamaanku kulan isugu imaan doonaan,waxaana maanta ay kaga duwanayd maalmihii hore iyagoo bannaanka machadka KCCT ee Mbagathi ay hortooda tubnaayeen dadweyne Soomaaliyeed oo ruxayey Calanka Soomaaliya ,islamarkaana sitey tabeelayaal ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo muujinaya inay dalbanayaan in la ansixiyo xukuumadda oo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed laga hormariyo mida shaqsiyadeed maadaama dadkii iyo dalkii maanta ay sugayaan dawlad ka saarta ammaan darrada iyo kala danbayn la'aanta.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

 

 

 

 

Powered by AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Welldone MPs for your vote of confidence for the government. I hope they won't disappoint you or us by staying Nairobi for longer period of time.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

we have the same government you disapproved last time , Smith, why the change of heart?

And if you think this stooges will do or achieve something then you really believe in miracles

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juma, I have been enlightened since for the reasons behind the size and members of the cabinet. For the sake of peace and our country we have to move forward. And who am I to disagree with the MP's?

 

As for you it seems the government is coming back home. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

It would be shame of all shames to Africa and in particular to the Somali people if the sovereignty of the Somali Republic remains hostage to few individualist criminals. The new Somali government must realize the magnitude of the power bestowed upon them. They must crush and eliminate all the criminal elements including the drum beaters of the secessionists and the inciters of the never ending sectarian wars. Nothing must stand in the way of the revival of the Somali Republic.

 

Ka naxow nafta waa……

 

smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

SOMALIA: Parliament endorses new cabinet

13 Jan 2005 13:51:09 GMT

 

Source: IRIN

 

NAIROBI, 13 January (IRIN) - The Somali transitional parliament on Thursday approved the new cabinet named by Prime Minister Ali Muhammad Gedi, four weeks after the assembly rejected his earlier cabinet on the grounds that its selection was unconstitutional.

 

The vote was approved by 169 MPs, while 78 voted against. "The size of those who voted in favour of the government shows that parliament is now satisfied that the prime minister has satisfied their concerns and questions", Abdulrahman Aden Ibbi, minister of state for parliamentary affairs, told IRIN.

 

Ibbi said those who voted against the government earlier had done so because "some felt their clans were not well represented - others were driven by personal interest".

 

He said the next move for the government is to decide when to relocate to Somalia.

 

"The cabinet will meet as soon as possible [to agree] on an exact date for relocation," Ibbi said. Another source told IRIN that the cabinet would meet on Saturday to decide a date for relocation.

 

Ibbi further said that a 12-member-strong committee, consisting of parliamentary and government ministers were to leave for Somalia to assess the extent of damage caused by the tsunami that hit the Somali coast.

 

"We will visit from Hafun [northeast] to Barava [south]," Ibbi said.

 

Gedi, a 51-year-old former professor of veterinary science, was initially appointed on 3 November. Commentators said he had not been tainted by the factional bloodshed that ruined Somalia following the toppling of the regime of Muhammad Siyad Barre in 1991.

 

He is a member of the Abgal sub-clan, of the ****** clan, and was a prominent member of the political arm of the United Somali Congress, one of the armed groups that overthrew Barre.

 

Members of the transitional federal parliament had on 10 October elected Abdullahi Yusuf as president. The election marked the culmination of a two-year reconciliation conference sponsored by the Inter-Governmental Authority on Development that brought representatives together from various clans and factions.

 

The new government, which includes several faction leaders, has not been able to move from Nairobi to Mogadishu, citing security considerations. But it has come under increasing pressure from the Kenyan government and western diplomats to relocate

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Originally posted by Nayruus:

It would be shame of all shames to Africa and in particular to the Somali people if the sovereignty of the Somali Republic remains hostage to few individualist criminals. The new Somali government must realize the magnitude of the power bestowed upon them. They must crush and eliminate all the criminal elements including the drum beaters of the secessionists and the inciters of the never ending sectarian wars. Nothing must stand in the way of the revival of the Somali Republic.

 

Ka naxow nafta waa……

 

smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif

Ubaxii kacaanka sow uma hadal eeka....Waar this is now a changed world.Everyone is free to freely express their thoughts without Guulwadayaashi reporting on you.I bet even Horn is willing to look the other way if you speak your mind once in a while... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this