Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Senior Somaliland Delegation On Their Way To USA

Recommended Posts

Senior Somaliland Delegation On Their Way To USA

Written by Qaran News

Mar 19, 2010 at 04:23 PM

Hargeisa(Qarannews):- A senior Somaliland delegation consisting of members of the Somaliland parliament and senior government minister have departed the Ethiopian capital Addis Ababa and are on their way on an official visit to the Unites States of America.

The delegation is led by the Deputy Speaker of the Somaliland parliament, Mr. Baashe Mohamed Farah, and includes, the Deputy Chair of the Somaliland House of Elders, Mr. Saeed Jama Ali, and includes the following Somaliland ministers, of Foreign Affairs, Planning, Home Affairs and Natural Resources, Messrs. Abdillahi Mohamed Duale, Ali Ibrahim Mohamed, Abdillahi Ismail Ali and Osman Sh.Mohamed Abdi.

The Somaliland delegation are expected to hold high level talks with senior members of the Obama administration, members of United States Congress and other officials including USAID and democratic organisations, on issues relation to security, international aid and the continued democratic process in Somaliland

The delegation are also expected to meet with the Somaliland community in the United States.

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

SOMALILAND: Senior delegation on their way to Washington

capitol.jpg

ADDIS ABABA (Somalilandpress) — A high-ranking Somaliland delegation consisting of senior members of parliament and government ministers have departed the Ethiopian capital and are on their way to Washington on an official visit at the invitation of Obama administration.

 

The delegation is led by the Deputy Speaker of the Somaliland parliament, Mr. Bashe Mohamed Farah and the Deputy Chair of the Somaliland House of Elders, Mr. Saeed Jama Ali. The ministers are minister of Foreign Affairs, Mr. Abdullahi Duale, Minister of Planning, Mr. Ali Ibrahim, Minister of Internal Affairs, Mr. Abdullahi Ismael and minister of Natural Resources, Mr. Osman Sheikh.

 

The Somaliland delegation are expected to hold high-level talks with senior members of the Obama administration, members of Congress and other officials including USAID and democratic organisations, on issues regarding security, development and democratic process in Somaliland.

 

The delegation are also expected to meet with the Somaliland community in the United States.

 

It is the first time a delegation consisting of members of parliament and the Rayale administration have visited the United States.

 

Source: Qarannews, 19th March 2010

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdigii Cuslaa ee Ka Socday Dawlada Somaliland oo kulamo ku yeeshay Addis ababa, Daawo

Written by Qarannews

Mar 21, 2010 at 11:48 AM

Addis ababa (Qarannews)-Warsaxaafadeed uu soo saaray Ayaanle Salaad Diiriye oo ah Ku xigeenka Safiirka Somaliland ee Addis ababa, ayaa waxa uu ku yidhi "Waftigii uu hogaaminayay, Wasiirka Arrimaha Dibada JSL, Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale , waxa Magaalada Addis Ababa quraac sharafeed u Sameeyay Mr. John Marshal, ku xigeenka Safiirka safaarradda Ingriiska ee Addis Ababa, Ethiopia ahna kusimaha Safiirka Safaarradda Ingriiska ee Ethiopia.

 

Waxa kulankaa lagu gorfeeyay xidhiidhka dhaw ee ka dhaxeeya labada Dal Somaliland iyo Ingriiska iyada oo nuxurka wadahadalku ku salaysnaa iskaashiga labada dal ee dhinacyadda Nabadgelyadda, Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Horumarka, waxa kale oo la gorfeeyay xaaladda guud ee Gobolka ( sub region) .

 

 

 

wefdiga%20maraykanka.jpg

 

wefdiga%20maraykanka2.jpg

 

Kulankaas labada dhinac waxa laysla qaatay Somaliland iyo Ingriiska sii xoojinta xidhiidhka labada dal inuu halkaa ka sii socdo iyadoo kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyo jawi saaxiibtinimo. kulankaasi waxa uu qaatay laba saacadood, Kulankaasi dhinaca Safaaradda Ingriiska waxa ku weheliayay John Marshal,Safiirku xigeenka ahna sii hayaha Safaarradda, Shan Sarkaal oo ka mid ah safaaradda laamaheeda kale duwan sidaa ku xigeenka labaad, milartary attachka iyo immigrationka.

 

 

Sidoo kale waxa waftiga qado sharaf u sameeyay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Dr. Tekeda Alemu, kaasi oo ay ka wada hadleen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal sida nabadgelyadda, Ganacsiga , Amaanka iyo Guud ahaan xaaladda guud ee gobolka waxa labada dhinac isla qaateen doorka ay somaliland ka ciyaarto Gobolka khaasatan dhinacyadda Amaanka Gedisocodka dimuquraadiyadda iyo dawlad wanaaga. Iyadda oo loo baahan yahay in bulshadda caalamku si gaara u qiimeeyan kaalinta somailanad kaga jirto gobolka lana helo qaabkii Somaliland waxloogala qaban lahaa horumarka, waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa. Kulankaasi oo qaatay laba saacadod iyo badh Kulankaasi wasiiru dawlaha arrimaha dibedda waxa ku weheliyay laba nin oo kale ahaa 1. Safiirka African unionka u fadhiya ethiopia iyo Abdeta dhinaca Somaliland waxa waftigu uu ka koobnaa kulamada oo dhan Wasiirka Arrimaha dibedda Abdillahi Mohamed Duale, Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Abdillahi Ismail Ali, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Ali Ibrahim Mohamed, Baashe Farah Mohomed, Ku xigeenka labad ee Baarlamaanka Somaliland iyo Said, oo ah ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Somaliland iyo Mr. Ayaanle salad Deria, Safiir Ku xigeenka Safaaradda JSL Addis Ababa, Ethiopia ahna ku simaha Safiirka Safaaradda JSL Addis Ababa

 

sidoo kale waxa waftigaas xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Maraykanka u jooga Ethiopia John Yates kulan kaasi oo lagaga wada hadlay xidhiidhka qotoda dheer ee u dhaxeeya dawladda somailand iyo dawladda Maraykanka iyo u gogol xaadhka weftiga somaliland ee washiton, Kulankaas Safiirka Maraykanka waxa ku weheliyay Sarkaal safaaradda u qaabilsan Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

 

 

Waftigu waxay xalay ka dhoofeen Bole International Airport iyaga oo u sii jeeday Washinton DC"

 

Last Updated ( Mar 21, 2010 at 11:52 AM )

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Dowladda Mareykanka oo dalkeeda ku casuuntay min 5-Wasiir oo ka kala socda Dowladda KMG, Puntland iyo Somaliland

 

Dowladda Mareykanka oo si weyn sanadihii u dambeeyay ugu lug laheyd siyaasadaha Soomaaliya ayaa haatan waxay dooneysaa in ay sii ballaariso fara gelinteeda ku aadan arrimaha Soomaaliya, kadib markii horay taageero milateri u fidisay Dowladda KMG.

 

Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka oo si gaar ah isha uga heysa Xaalada Soomaaliya, isla markaana saraakiil ka tirsan u wakiishatay la socodka Arrimaha Soomaaliya ayaa waxay wadaa qaban qaabo ku aadan sidii Saraakiil ka kala tirsan Maamulada xilligan ka jira Soomaaliya ugu casuumi laheyd dalkeeda.

 

Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa sheegaya in ilaa shan Wasiir ay Dowladda Mareykanka ka casuuntay Dowladda KMG, Maamulada Puntland iyo Somaliland.

 

Casuumaada ayaa ah mid dowlada Mareykanku ay ka leedahay siyaasad u muuqato isu soo dhaweyn basle dadka qaar ay ka shakisan yihiin kuna tilmaamayaan dhagar iyo isku *** ay ugu tala gashay in ay ku sii kala fogeyso Soomaaliya.

 

Sida wararku sheegayaan dhinac walba oo saddexdaas qeyb ka mid ah waxaa laga casuumay min Shan wasiir, kuwaasoo sida wararka qaar ay sheegayaan aan isku hal waqti tageynin dalka Mareykanka, balse laga yaabo in ay isku gaaraan.

 

Dhinacyada Dowladda KMG iyo Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaan iyagu wax war ah ka soo saarin booqashada wasiiradan ay ku tegayaan Mareykanka, waxayna wararku sheegayaan in Dowladda Mareykanka ay gudbisay magacyo wasiiro gaar ah, iyadoo dhinaca Dowladda Soomaaliya la sheegay in laga casuumay wasiirada kala ah wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Lacagta C/raxmaan Cumar Cusmaan (Enng. Yariisow}, Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur, Wasiirka Warfaafinta Dahir Maxamuud Geelle iyo Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe).

 

Sidoo kale dhinaca Somaliland ayaa laga casuumay xubnaha isugu jira Guurtida, Wakiilada iyo wasiiro, waxayna kala yihiin Guddoomiye ku Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, Wasiirka Arrimaha dibadda C/llaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro), Wasiirka Qorsheynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed (Cali-Sanyare), Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cismaan Sheekh Maxamed Cabdi.

 

Dhinaca maamul goboleedka Puntland ayaa la sheegayaa in xubnaha laga casuumay uu madaxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Faroole ku gacan seyray, kadib markii sida la sheegay shanta Wasiir ee maamulkiisa ka socda ee dowladda Maraykanku martiqaadka u fidisay ay isku hal beel noqdeen, halka warar kale ay sheegayaan inaan lagala tashan, taasina ay keentay inuu diido.

 

Mareyknaka ayaa si toos ah ugu jiro xaaladaha siyaasadeed Soomaaliya, dhowaan wuxuu sheegay in uu ka qeybgali doono dagaalada ay qorsheyneyso in Dowladda KMGa ku qaadi doonto mucaaradka, inkastoo markii dambe saraakiil u hadashay ay beeniyeen.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

 

 

I wager S/land will not be as damaging to themseles as they were in the last meeting in US

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waftiga Golayaasha Qaranka Somaliland Ee Marti Qaadka Ku Jooga Dalka Maraykanka Iyo Nuxurka Ay Xambaarsanaayeen Kulamadii Dhexmaray Safiirada UK, USA Iyo Madaxda Dawlada Itoobiya

 

Adis ababa, March 22, 2010 (Haatuf) – Waftigii golayaasha baarlamaanka iyo xukuumada Somaliland iskugu jiray ee marti qaadka rasmiga ah ku jooga dalka maraykanka oo habeen hore ka dagay ayaa maalintii doraad magaalada Adis- ababa ee xarunta Ethiopia kulamo muhiima kula sii yeeshay safiirada dawladaha UK islamrkaana ah ku simaha safiirka John Marshall iyo safiirka dawlada USA John Yates iyo madaxda Itoobiya oo uu ka mid yahay wasiiru dawladaha arrimaha dibada Dr. Tekeda Alemu

 

Waftiga golayaasha baarlamaanka iyo xukuumada Somaliland ayaa la sheegay kulamada ay la yeesheen madaxda dawladaha Ingiriiska, maraykanka iyo Itoobiya inay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha marxalada ay Somaliland wakhtigan xaadirka ah marayso iyo guud ahaanba xaalada guud ee mandaqada geeska Africa, iyagoo kulamadaasina la sheegay inay iskula qaateen sidii Somaliland looga taageeri lahaa doorashada madaxtooyada.

 

Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray shalay galab wasiir ku xigeenka arimaha dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) waxaanu u qornaa sidan:

 

Waxa waftigu kulan quraac ah u sameeyey safiir ku xigeenka UK ee Ethiopia Mr. John Marshal, waxa kulankaa lagu gorfeeyay xidhiidhka dhaw ee ka dhaxeeya labada Dal Somaliland iyo Ingriiska iyada oo nuxurka wadahadalku ku salaysnaa iskaashiga labada dal ee dhinacyadda Nabadgelyadda, Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Horumarka, waxa kale oo la gorfeeyay xaaladda guud ee Gobolka ( sub region) . kulankaas labada dhinac waxa laysla qaatay Somaliland iyo Ingriiska sii xoojinta xidhiidhka labada dal inuu halkaa ka sii socdo iyadoo kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyo jawi saaxiibtinimo. kulankaasi waxa uu qaatay laba saacadood, Kulankaasi dhinaca Safaaradda Ingriiska waxa ku weheliayay John Marshal,Safiirku xigeenka ahna sii hayaha Safaarradda, Shan Sarkaal oo ka mid ah safaaradda laamaheeda kale duwan sidaa ku xigeenka labaad, milartary attachka iyo immigrationka. Sidoo kale waxa waftiga qado sharaf u sameeyay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Dr. Tekeda Alemu, kaasi oo ay ka wada hadleen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal sida nabadgelyadda, Ganacsiga , Amaanka iyo Guud ahaan xaaladda guud ee gobolka waxa labada dhinac isla qaateen doorka ay somaliland ka ciyaarto Gobolka khaasatan dhinacyadda Amaanka Gedisocodka dimuquraadiyadda iyo dawlad wanaaga. Iyadda oo loo baahan yahay in bulshadda caalamku si gaara u qiimeeyan kaalinta somailanad kaga jirto gobolka lana helo qaabkii Somaliland waxloogala qaban lahaa horumarka, waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa. Kulankaasi oo qaatay laba saacadod iyo badh Kulankaasi wasiiru dawlaha arrimaha dibedda waxa ku weheliyay laba nin oo kale ahaa 1. Safiirka African unionka u fadhiya ethiopia iyo Abdeta dhinaca Somaliland waxa waftigu uu ka koobnaa kulamada oo dhan Wasiirka Arrimaha dibedda Abdillahi Mohamed Duale, Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Abdillahi Ismail Ali, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Ali Ibrahim Mohamed, , gudoomiye Ku xigeenka labad ee golayaasha Baarlamaanka Somaliland guurtida Siciid Jaamac Cali wakiilada Baashe Mohomed Faarax, Mr. Ayaanle salad Diiriye, Safiir Ku xigeenka Safaaradda JSL Addis Ababa, Ethiopia ahna ku simaha Safiirka Safaaradda JSL Addis Ababa

 

sidoo kale waxa waftigaas xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Maraykanka u jooga Ethiopia John Yates kulan kaasi oo lagaga wada hadlay xidhiidhka qotoda dheer ee u dhaxeeya dawladda somailand iyo dawladda Maraykanka iyo u gogol xaadhka weftiga somaliland ee washiton, Kulankaas Safiirka Maraykanka waxa ku weheliyay Sarkaal safaaradda u qaabilsan Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

 

Waftigu waxay xalay ka dhoofeen Bole International Airport iyaga oo u sii jeeday Washinton DC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this