Sign in to follow this  
Naxar Nugaaleed

Clans Clash North and South of Las Anod

Recommended Posts

Dagaalkii Waqooyiga Laascaanood Ka Socday Oo Khasaarooyin Nafeed Geystay

(Laascaanood}11.02-07

duhurnimadii ayaa Deegaanka Yeyle ee Duleedka Tuulada Yagoori ee Gobolka Sool isku hardiyeen Maleeshiyo Beeledyo ka tirsan Labada Ardaa ee kala Dega deegaamada Sool Iyo Togdheer........................

Dagaalkan oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa ku geeryooday Laba Katirsan maleeshiyo beeled yadii dirirtu ka dhexeysay halka dhaawucuna uu gadhayo ilaa 6 qof oo midi tahay haweenay ay haleeshay xabadu.

Dhanka Ardaaga Reer sool ayaa waxaa uga geeriyooday goobta uu kasocday dagaalka hal ruux oo dhaawiciisa loola cararay degmada widhwidh halkaas oo uu markii danbe ku geeriyooday halka ruuxa kale ee dhintayna uu kasoo jeeday dhanka gobolka togdheer.

sidoo kale rasaastii xooga badnayd ee laysu adeegsanayay ayaa waxaa uu dhaawac kasoo gaadhay haweeney waxaana dhaawaca intiisa badan lakala geeyay tuulada yagoori iyo caynaba

Warar ayaa waxay sheegayaan in labada dhinac ay kala haystaan maxaabiis lakala qabsaday

Dhawaaqa rasaasta waa weyn oo ay labada dhinac sida xun isugu weydaarsanayaan ayaa waxa ay tahay mid guud ahaan Deegaanada lagu dagaalamayo , si weyn looga maqlayo, waxaana lagu soo waramayaa in dadweynihii ka ag dhowaa goobaha dagaal ay ka qaxeen.

Ciidamada maamulka labaxay somaliland oo ku gaashaaman gawaadhida tiknikada ah ayaa lagu arkayay goor dhoweyd agagaarka halka uu dagaalku ka socdo

warar aanu goor dhoweyd ka helnay deegaanka Yeyele-na waxay sheegayaan in Maleeshiyaadka Reer Togdheer ay soo xidheen dirayska ciidamada iyagoo bartilmaameedka dhiganaya ardaaga reer sool.

magaalada laascaanood ayaa dareenka dad weynuhu uu sare u kacsanaa maanta igoo dagaaladuna ay waqooyi iyo koonfurba ka dhacayaan isla markaana ay malaashiyooyinka deegaankan ay siweyn isu urursanayaan.

dhanka ciidamada dowlad goboleedka puntland ayaan wali wax dhaq dhaqaaqa muujin iyagoo waliba aad ugu dhow goobta uu dagaalku ka socdo.

Widh Widh.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Koonfurta Laascaanood Oo Sii Xoogeystay Iyadoo Dhimashdu Ay Soobadatay

(Laascaanood}11.02-07

Dagaal xoogan oo maalintii labaad dhex maraya maleeshiyo beeleedyo hubaysan oo kasoo jeeda gobolka sool iyo kuwa gobolka mudug ayaa dib u soo cusboonaaday Duhurnimadii maanta, kadib markii saaka ay xaaladdu ahayd mid degan.....................................................

wararka laga helayo goobaha dagaalka ayaa sheegaya in rasaas waaweyn la isku ridayo Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayay goobaha la isku hor fadhiyo,.

Halka dagaalku ka bilowday Duhurkii maanta ayaa ah aagga Cagaaran iyo agagaarka qorileey, waxayna labada dhinac ku dhex jiraan dhul kayn ah oo jiq ah iyagoo isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa xowligiisa laga dareemay magaalada laascaanood oo dhan waxaana qasaaraha uu geystay lagu sheegay inay dhimashadu kor u dhaaftay 5 qof labadii maalmood, halka dhaawacu ku sii dhow yahay 10 ruux, hoobiye yaal ayaa iyana ku habsaday degaano ka mida dhuldaaqsimeedada,

Hubka culus ayaa la isku ridayaa waxayna ku habsadeen degaano ka baxsan goobaha dagaalada, halkaasoo ay ka geysteen qasaare aan yaranyn, waxayna dagaalada sababeen inay xidhmaan wadooyin dhowr ah oo ay ka joogsadeen gaadiidkii isaga gooshi jiray laascaanood iyo Burtinle.

Warar ayaa sheegaya in ay maleeshiyaadka reer Mahad ee Ardaaga Cumar Maxamuud ay hogaaminayso haweeney ay qaraabo yihin Col c/laahi yuusuf waaxana lasheegayaa in ay haatan ku jirto aababul ciidan kii ugu xooga badnaa.

sidoo kale Malsshiyo beeleedyo xoogan ayaa isku gadaamay aaagaga deegaanka cagaaran kuwaas oo difaac adag ka galay inta badan tuulooyinka deegaankaas.

Liibaan Jordan::: Widhwidh Online News Desk Media cenetr

nuune   

Warar ayaa sheegaya in ay maleeshiyaadka reer ********* ee Ardaaga ***********
ay hogaaminayso haweeney ay qaraabo yihin Col c/laahi yuusuf
waaxana lasheegayaa in ay haatan ku jirto aababul ciidan kii ugu xooga badnaa.

lol

[ February 11, 2007, 03:47 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post

Link to post
Share on other sites
me   

Isn't this a nice sandwich :D ,

I think we should name it Mcdarwiish.

Dagaal ka qarxay tuulada Yeeyle duhunimadii maanta oo katirsan Gobolka sool .

Warkii 10-Feb-2007 iyo Qormadii: Axmed C/laahi Xirsi

dagaalkan ayaa maanta waxaa uu kadhacay tuulada Yeeyle oo katirsan gobolka sool iyada oo uu dagaalku bilaabay baaro 12kii duhurnimo ayaa waxa uu kabilaabay baraago laga qoday aagaas oo ay qoteen beel kasoo jeeda gobolka Togdheer.

dagaalkan ayaa ahaa mid xoog badan oo ay ku dhinteen ilaa 3 qof oo labada dhinaca iyo dhaawacyo sidoo kale wararka naga soo gaadhaya ayaa sheegaya inay jirto rag lakala haysto oo lagu kala qabsaday dagaalkii maanta.

dagaalkan ayaa hada istaagay isagoo maanta si xoogan looga dareemayay dhamaan tuulooyinka ku dhowdhow ee aagaas sida Yagoori dhinaca kale dagaalka ayaa waxaa laga dareemayay magaalada Burco iyo dhamaan tuulooyinka hoosyimaada ee ku yaal aagaas.

dagaalkan ayaa ilaa hada wax dhaawaca aysan kasoo gaadhin magaalada iyadoo ay yaaliin magaalada Yogoori dagaalkan ayaa waxaa si lama filaan uu xabadu uga qaraxday kadib markii ay damceen beesha kasoo jeeda gobolka Togdheer inay qotaan oo baraago kasamaystaan meel udhow Yeeyle.

dagaalkan ayaa ilaa hada waxa kahadlay aysan jirin haday tahay xaga maamul iyo mid beeleed toona isagoo markii danbe iskii u istaagay.

Axmed C/laahi Xirsi

afnugaalnews

Share this post

Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

"Ardaaga" maxaa waaye? yacni, reer hebel ama lafta hoose maa laga wadaa?

LOL@A/Y's female-cousin leading the militia. I am thinking of this as a sensational news laakiin waa cajiib hadday run tahay. Dhaqan cusub waaye aan u maleenaa cause weligay ma maqlin naag dagaal qabiileed hoggaamineeso. That would be trully sad if true.

Share this post

Link to post
Share on other sites

The clan is nothing more than a larger family, with its patriarchal chief as the natural head, and the union of several clans by intermarriage and voluntary connection constitutes the tribe.

Charles Eastman

Share this post

Link to post
Share on other sites

Argentine political life is like the life of an ant community or an African forest tribe: full of events, full of crisis and deaths, but life is always cyclical, and the year ends as it begins.

V. S. Naipau

Share this post

Link to post
Share on other sites

"I was just then going through a healthy reaction from the orthodoxy of my youth; religion had become for me not so much a possession as an obsession, which I was trying to throw off, and this iconoclastic tale of an imaginary tribe was the result".

Laurence Housman

Share this post

Link to post
Share on other sites

Its seems that sool is being attacked from South, east west and north. "Somaliland" in the Cayn and Erigavo district and other puntlander from the hawd and nugaal. though I expected this hostility from "Rer Somaliland" and Don't get this new hostility from "Rer puntland".

Share this post

Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ Why would you expect hostility from me?

Originally posted by Xoogsade:

LOL@A/Y's female-cousin leading the militia. I am thinking of this as a sensational news laakiin waa cajiib hadday run tahay. Dhaqan cusub waaye aan u maleenaa cause weligay ma maqlin naag dagaal qabiileed hoggaamineeso. That would be trully sad if true.

Warlady?

Share this post

Link to post
Share on other sites
me   

******* Nugaaleed, where is your homeboy DUKE,the capo-qabiilst,maybe he can explain what everyone always knew,but ****** like you never recognized.

Pland and Sland decided to divide the darwiishlands long time ago, thats why Pland was always blocking any war effort against Somaliland by the darwiishes.

Anyhow this is the end of the Puntland we used to know, the new puntland will be a one clan puntland, because there is no reason why the darwishes should be a part of a 'state' which has betrayed them and wants to take their lands by force.

The funniest bit of this is that this plan in an Ethiopian plan. To keep Pland and Sland always preoccupied with war.

Think this through, why would AY,which has always relied on the darwiishes make a dumb move like this and isolate him self even further?

Somaliweyn anyone?

[ February 12, 2007, 02:05 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this