Sign in to follow this  
General Duke

TFG opens new millitary training camp. Geedi, Hiiraale, Xabsade,

Recommended Posts

Geedi oo furaya xero Ciidan

10 Nov 10, 2006, 02:00

 

bardaale.JPG

 

Xubno Wasiiro ah oo uu horkacayo ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa saakay u ambabaxay deegaanka Bardaale oo ka tirsan gobolka Bay, si ay halkaasi ugu soo furaan xero ciidamada Dowladda lagu tababaro.

 

bardaale2.JPG

 

Wafdiga ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhiga Col. Bare Aadan Shire (Hiiraale) oo xariga ka maanta ka jaraya xeradaasi ciidan, Wasiirka arrimaha gudaha ahna ra'iisul wasaare kuxigeenka, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wasiirka warfaafinta Jangeli iyo xubno kale oo labada gole ka tirsan.

 

bardaale1.JPG

 

Degmada Bardaale oo qiyaastii 55 dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ayaa waxaa halkaasi ku sugan Malishiyaad beleed oo taageersan dowladda KMG ah, iyadoo maalmihii u danbeeyay deegaankaasi la geeyay Malishiyaad laga saaray gudaha magaalada Baydhabo.

 

Ra'iisul Wasaare Geeddi ayaa la filayaa in furitaanka deugsiga tababarka ciidamada Bardaale uu ka jeediyo khudbad uu ku dhiirigelinayo ciidamada dowladda.

 

Cali Muxiyaddiin Cali, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Cabdi Qaybdiid oo socdaal ku tagay Baydhabo, kana qayb galay furitaanka xarun Melitry.

Jimce, November 10, 2006

 

 

Baydhabo (AllPuntland)- Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa dhowaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

 

Col. Qaybdiid ayaa waxa uu kulamo la qaatay ra`iisul wasaraha dawladda Soomaaliya iyo wasiirka gaashaan dhiga ee dawladda Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo.

 

Cabdi Qaybdiid ayaa waxa uu kala hadlay madaxda dawladda ee dalka Soomaaliya sidi loo tayayn lahaa ciidamada dawladda.

 

Qaar ka mid ah hogaamiyaashii dagaalka ayaa waxa ay socdaalka ku wehliyaan uu Col. Cabdi qaybdiid ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta dawladda.

 

Waxa uu maanta ka qayb galayaa furitaanka xarun tababar ciidan oo la filayo in uu ra`iisul wasaare Geddi albaabada u furo oo ku taalla degmada Ceel bardaare.

 

Cabdi Qaybdiid ayaa waxa uu dhowaanahaan ku sugnaa gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isaga oo xaalad difaac ka waday gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

Maaha markii ugu horaysay oo uu Col. Cabdi qaybdiid gaaro magaalada Baydhabo, iyada oo horay uu kulamo kala duwan la qaatay madaxwaynaha Soomaaliya iyo mas`uuliyiin kale.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha oo maanta u kuurgalay xaalada Degmada Berdaale isla markaana soo furay Xero tababarayo maleeshiyaadka Deegaanka

 

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta u kuur galay xaalada Degmada Bardaale oo 58km galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo, islamarkaana xariga ka jaray xero lagu tababaro maleeshiyaadka deegaanka, iyadoo halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey waxaana uu warbixino ka dhagaystay Gudoomiyaha Gobolka iyo kan degmada Bardaale.

 

Ra'iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi oo shacabka la hadlay xili roob aad u weyn uu ka da'ayey deegaankaasi ayaa waxa uu u sheegay in ay jiraan kuwo Gaari-Dameero hub kusoo galiya deegaanadan kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo wax u dhimaya nabadgalyada iyo xasiloonida Gobolka wuxuuna u sheegay in wax weyn laga qaban doono isla markaana si wanaagsan loola socdo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed Ceydiid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in la keeni doono Ciidamo Booliis oo suga amaanka Degmada Bardaale kuwaasoo laga keeni doono buu yiri Xerada 20 jiroow oo dhawaan ay kasoo qalan jabin doonaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Cirka Md. Maxamed Ibraahim Xaabsade oo bulshada reer Bardaale kula dardaarmay inay hubkooda iyo Maleeshiyaadkooda lagu soo wareejiyo dowlada Federaalka isla markaana lagu soo xareeyo buu yiri Xerada maanta loo furay kuwaasoo tababaro kala duwan ku qaadan doona sidii ay u noqon lahaayeen Ciidamo Qaran.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Cirka Md. Maxamed Ibraahim Xaabsade oo dadweynaha ku dhiiri galiyey in aan waxba laga hagran doonin lana siin doono wax walbo oo ay dowlada u awoodo wuxuuna ku dhiiri galiyey sidii ay bulshada wax u qabsan lahayd.

 

Wafdiga dowlada Federaalka oo heer wasiiro ka koobnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Barre Hiiraale, Ra'iisul wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Xanaanada Xoolaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Cirka Md. Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md, Salaad Cali Jeelle iyo xubno kale oo ka mid golaha Wasiirada.

 

Booqashada Dowlada kmg ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xili Ciidamada Maxaakiimta ay kusii qul qulayaan aagaga hore ee deegaanada u dhawdhaw magaalada Baydhabo iyadoo laga cabsi qabo dagaal ka qarxa gobolka Bay.

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Bay Xaaji Barbaar

 

Bidix Xaabsade midig Barre Hiiraale

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

looser are sourounded by Ehtopian a troops ,

 

Wheres heart that used to kill people with , Why are they being pertect by ethopians today, its simple fevore for fevore its called , they implemented Melez order in somalia for 16 yrears and paid for it , now he has to pertect them .

 

 

Somali is been fight each other for 16 yreas , mean while Ethopia was developing so there for we do realize icu are not as strong as ethopian army ,

 

Ishallah with allah help nothing is hard

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this