Sign in to follow this  
General Duke

Sh Umal iyo Sh Shibile oo Ogolaaday Dastuurka Kufriga ah ee Dowlada Itoobiya.

Recommended Posts

rsz_sheikh-umal1.jpg

Sh Umal iyo Sh Shibile oo Ogolaaday Dastuurka Kufriga ah ee Dowlada Itoobiya. Heshiisna La Saxiixday Itoobiyaankii ay wax ku Gaalaysiin jireen. (Warbixin Dheer)

 

Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh Shibile ayaa ah laba sheekh oo kamid ah Culumada Al-Itixaadka ee haatan loo yaqaano Culumada Ictisaamka.

 

Labadan Sheekh ayaa ku nool dhul Gaalo waa Dalka Kenya islamar-ahaantaana heysta jinsiyada dalkaas ama Baasaboorka Kenyaatiga.

Labadan Sheekh waligood waxba kama sheegin mana aysan La Dagaalamin Dastuurka Kufriga ah ee u dagsan Kenya.

 

Sidoo kale ma aysan Gaalaysiin Soomaalida Kenyaatiga ah ee xubnaha ka ah Baarlamaanka Kenya iyo kuwa jagooyinka kale ka haya xukuumadaas gaalada ah, iskaba daayee inay gaalaysiiyaanee waxay u ogolaadaan olalaha doorashada inay ka fuliyaan si ay codka dadka Masaajida u helaan!

Sh Umal iyo Sh Shibile waxa ay La dagaalameen Barnaamij kasta oo Nabad ka dhalin kara Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa la wada xasuustaa dagaalkii cuslaa ee ay la galeen natiijadii ka soo baxday Shirkii Jabuuti iyo weeraradii aan kala joogsiga laheyn ee ay ku qaadeen wadaadadii ka qeyb galay shirkaas.

 

Shirkaas Jabuuti oo ahaa mid lagula heshiinayay Dowladii Itoobiya iyo Dowladii TFG-da, sababna u ahaa in Ciidamada Itoobiya wadanku ka baxaan oo ay Koonfurta Soomaaliya ka soo muuqato Rajo Nabadeed.

 

Caawa oo kale markii Jabuuti lagu doortay Sh Shariif ayaa maalintii ka dambeysaba waxaa Nairobi ka bilowday kacdoon ay horseed ka yihiin Sh Umal iyo Sh Shibile iyo wadaadka kale ee saaxiibkood Xassaan, kacdoonkaas oo ay ku muujinayaan in natiijada ka soo baxday Jabuuti aan la qaadan karin oo waxa halkaas ka dhacay ay tahay Diintii oo Kuraas lagu badashay.

Aad ayaa loo xasuustaa khudbadii caanka aheyd ee Sh Umal furka ku tuurtay markii la doortay Sh Shariif.

 

Sh Umal ayaa khudbadaas ku dhaleeceeyay si farsameysana ugu gaalaysiiyay raggii xaadiray Jabuuti oo ay ugu horeeyaan kuwa wadaadada ah asagoo hoosta ka xariiqay in lagu dhaartay Dastuur uu ku tilmaamay ilxaadi oo ah meesha ugu sii xun gaalnimada ee aan jiritaanka Allah soo galeyn.

 

Sh Umal ayaa khudbadaas ku tilmaamay in nimankaaas diinta sheeganaya waa sida uu hadalka u dhigay ay u hogaansameen Gaalo banaankana ay ku tuureen ku dhaqankii Shareecada islaamka ayna sharaf u arkeen in Golaha Ammaanka wad-wado arrimaha soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiliga La joogo waxaa heshiis ah oo uusan Dagaal ka dhaxeyn labadan Sheekh iyo Itoobiya-Meles Zanawi.

 

Sida aan ognahay waxaa mar aan fogeyn heshiiyay oo walaaloobay Dowlada Itoobiya iyo Ururka Al-Itixaad garabkiisa ka dagaalami jirtay Soomaali Galbeed.

 

Garabkan ayaa waayihii dambe ku holwgali jiray Magac lagu qaldayo ummada oo ah UWSLF- Jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed.

UWSLF ama Jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed wixii ay rabaanba hala baxeenee ee Waa Jabhad Itixaad ah oo ay dhidibada u aaseen rag ay ugu horeeyaan Sh Umal iyo Sh Shibile, haatana labadan sheekh ayaa majaraha u haya waxeyna usha u dhiibteen oo Madaxtinimada Jabhadaas ugu magacaaban Sh Ibraahim Maxamed oo loo yaqaan Sh Ibraahim Dheere.

 

Sh Ibraahim Dheere kuma dhaqaaqi karo tallaabo aysan raali ka aheyn Sh Umal iyo Sh Shibile iyo Culumada kale ee Ictisaamka ah.

Jabhadan ayaa ku sii gaar ah Ictisaamka u dhashay Beel weyntaas macruufka ah ee degta dhulka baaxada weyn gaar ahaan Soomaali Galbeed iyo Dhulka ay Kenya ka heysato Soomaaliya.

 

Jabhadu waa jabhadaas ay leeyihiin Sh Umal iyo Sh Shibile waa jabhada 20 sano ku dhowaad dhiig soo daadineysay, dagaalka ay mudadaas wadana lagu sheegay in uu jihaad ahaa oo cidii aan taageerina loo arkayay cid diidan jihaadkii.

Jabhadu waxey qoorta ka jartay boqolaal muslimiin ah oo kamid ahaa soomaalidii la shaqeyn jirtay ama la socotay ama ciidamada u ahaa Dowlada Itoobiya.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh Umal iyo Sh Shibile oo Qaatay ama Ogolaaday Dastuuradii ay ku sheegi jireen Kufriga iyo ilxaadka!

 

Heshiiska ay Culumadan qaateen cidna kama qarsoona iyo meesha ay maanta wax marayaan oo Jabhadoodu waxey ku qanacday arrimahan.

1- Waa ay ka tanaasuleen Madax banaani ama in dhulkan ********ya ay u soo celiyaaan Soomaaliyadii uu ka maqnaa, sidaasna waxey ku qireen in dhulkaas ********ya uu sharciyan u raacsanyahay Itoobiya........ Xasuusnow in labadan sheekh marka ay ka hadlayaan arrimaha koonfurta soomaaliya ku baaqaan in Gaalada la iska celiyo oo aan mabda'ooda la qaadan ama loo tanaasulin, oo Sh Shibile mar aan fogeyn ayuu sheegay in dagaalka lagula jiro Amisom uu yahay dagaal xaq ah---- bal car arka asaga oo ku baaqaya in Soomaali Galbeed laga xoreeyo Kufriga.

 

2- Jabhadu waxey si toosa oo aan qarsooneyn u qaadatay Dastuurka iyo kamid noqoshada Dowlada Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Addis Ababa, oo waxey ogolaaatay ka qeyb galka hanaanka siyaasada ee ku dhisan Dimoqraadiyada....xakamka ugu sareeya ee Itoobiya waa Dastuurkaaas ay dajisteen, wixii xuquuq ah oo ay jabhadu hesho waa wax ay ku heshay dastuurkaas iyo sharcigaas yaala Itoobiya--- meeshana waa ay ka baxday Diin loo dagaalamo iyo sharci islaam oo lagu dhaqmo.

 

3- Waxey qaateen in xabad aysan xal ku jirin oo ay nabad wax ku raadiyaan, nabadna kula dhaqmaan Dowlada Itoobiya, xuquuqdoodana ay ku soo dhacsadaan jidka nabada ayagoo sii maraya dimoqraadiyada iyo ciyaarta siyaasadeed ee Dastuurka Itoobiya ogolyahay.... Qaamuuska Jabhada waa laga tirtiray Magaca Jihaad ama Dagaal, waana tan sahashay in Meles Zanawi uu maanta madaxa ku sito jabhadaas.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa maxay Daliilka ama Xujada ay labadan Sheekh ku qancin karaan dadka ay marin habaabiyeen?

 

Maadaama aysan labadan Sheekh aysan ka hadlin is dhiibida ay jabhadoodu isku dhiibtay gaalada ayaa waxaa saxaafada la hadlay wadaadka wakiilka u ah ee Sh Ibraahim Dheere, wadaadkaas ayaa xujo iyo daliil ka dhigtay in Diinta islaamka ay na fartay Gaalada oo lala heshiiyo sida ay noo fartay in lala dagaalamo! asagoo soo qaatay Heshiiskii Sulxul Xudeybiya ee Nabiga SCW la galay Mushrikiintii Qureysheed.

 

Som uma jeedid wadaad hawadiisa raacay in uusan weynin qiil uu wax ku qasho, labaatan sano lagama maqal ayagoo sheegaya in diintu ogoshahay Gaalada oo lala heshiiyo oo nabad lagu wada noolaado bal xiligii ay dagaalka wadeen ma aysan dhageysan jirin dadka u sheegi jiray in Gaalada lala heshiin karo oo aan xabad lagu raadin wax nabad lagu heli karo.

Yaan loo Fahmin in aan diidanahay nabada iyo Gaalada oo lala heshiiyo oo cid inkiri karta ma jirto in Diintu ogolaatay Gaalada oo lala heshiiyo.

 

Dagaalkana xili ku haboon ayaa jirta- heshiiskana xili ku haboon balse kuwan sida ay ummada u khiyaameen caadi maaha oo xiliga heshiiska loo baahan yahay ma qaataan! Xiliga dagaalka loo baaahan yahayna ma qaataan.

Caadifad qabiil iyo kooxeysi meel ha la iska dhigo... Walaalayaal Caqligu ha shaqeeye.. Yaan laga been sheegin diinta.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

The title is very misleading! The article doesn't say any thing about the two sheikh's agreeing to an Ethiopian constitution.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Yeah its all "misleading", the fact that they live in Kenya and hate the Kaffir's was always ammusing. Read the article adeer........

 

Sh Umal ayaa khudbadaas ku dhaleeceeyay si farsameysana ugu gaalaysiiyay raggii xaadiray Jabuuti oo ay ugu horeeyaan kuwa wadaadada ah asagoo hoosta ka xariiqay in lagu dhaartay Dastuur uu ku tilmaamay ilxaadi oo ah meesha ugu sii xun gaalnimada ee aan jiritaanka Allah soo galeyn.

Did any of these two Shiekhs make a Fatwa, against the agreement between the Clan Movement & Melez Zanawi? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Hadana Culimadii ayaa loo soo dhigtey!!

 

 

Sh Umal iyo Sh Shibile waxa ay La dagaalameen Barnaamij kasta oo Nabad ka dhalin kara Koonfurta Soomaaliya.

Qof xanaaq iyo cuqdad la dibbirsan ayaa qorey articlekan, laakin xinjirta ingagtey ee dhax jiifta uur-ku jirtadiisa wixii ka soo faagi lahaa waa un labadaa Culimo un inuu dhageesto muxaadarooyinkooda, asaa caafimaadi doona!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

Hadana Culimadii ayaa loo soo dhigtey!!

 

 

Spare us the nonsense, these mortal men can be questioned.

 

Why go against the Djibouti deal and not the Godey surrender of the rebel group to Addis Ababa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Adeer, Shibile & Umal ma waxey ka soo hor jeedaan Soomaaliyoo nabad noqoto?

 

 

Forget Melez, Kibaki iyo Musafiini, just answer that question, and provide to me where they said they are against Somalia.

 

 

Thanks Adeer,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke, do you really think they've changed their mind? I doubt these mindless mullahs are as open-minded as you portray them. They would not vacillate to froth against the iniquities of an Ilxaad system of governance at the nearest oppurtunity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Prometheus:

Duke, do you really think they've changed their mind? I doubt these mindless mullahs are as open-minded as you portray them. They would not vacillate to froth against the inquities of an
Ilxaad
system of governance at the nearest oppurtunity.

Rhazes , call them mindless or whatever, but they are the Uluma of every Somali that si out there excluding you since you don't believe what they preach!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Must you drag the good name of the culuma into this dirty, filthy game Somali call fadhi-ku-dirir. These culuma are no average men. Duke sxb refrain yourself.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by General Duke:

^^^Yeah its all "misleading", the fact that they live in Kenya and hate the Kaffir's was always ammusing. Read the article adeer........

 

quote:

Sh Umal ayaa khudbadaas ku dhaleeceeyay si farsameysana ugu gaalaysiiyay raggii xaadiray Jabuuti oo ay ugu horeeyaan kuwa wadaadada ah asagoo hoosta ka xariiqay in lagu dhaartay Dastuur uu ku tilmaamay ilxaadi oo ah meesha ugu sii xun gaalnimada ee aan jiritaanka Allah soo galeyn.

Did any of these two Shiekhs make a Fatwa, against the agreement between the Clan Movement & Melez Zanawi?
:DWhat you quoted doesn't say any thing about agreement with ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke is right to point to the Ulama's U-turns of late that have come so much frequently as late.

 

Though I do not agree with badmouthing and going after this men and I would personally advice Duke to only highlight but not drag on this issue afterall they're knowledgeable men of the deen.

 

Duke should know that not only this two Sheekhs's now realise that the predicament they created prior was a mistake, that's why the ulumaa of Al-Ictisaam are saying make peace and deals with Ethiopia.

 

We know that the famous group and anti-Ethiopia brigade and callers to Jihaad are right now in Jigjiga.

 

But the question is why talk now when yesteryear Jihaad was preached what has changed?

 

It's a legitimate question. I know what has changed but the rest of the people who might not know need an answer.

 

Simple as that. AlItixaad who is now Al-Ictisaam are heavily involved in Politics, they preach the gospel of peace and civil cohesion and harmony and brotherhood.

 

A couple of years ago it was the total opposite one of destruction, war and civil mayhem. So Duke is right to question what has changed.

 

But let me tell him and say as simple as it is 'what has changed is that this ulumaa have finally seen the light or let's say temporary as this Shabaab groups are now a threat to their livelihoods businesses and religious authority.

 

They're under-mind daily by Al-Shabaab. Their livelihoods are at stake and they see that their students have turned against them and become unrecognisable.

 

Now they see the beast that they have created and as such want to reverse the yesteryear and former strategy of theirs.

 

That's it in a nutshell Duke let it rest there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this