Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Armed Militia is Back in puntland ..... Police cannot take responsibilities

Recommended Posts

Madaxwaynaha maamulka Puntland ee Somalia ayaa waxa uu ka ogolaaday dalab kaga yimi ganacsatada reer Boosaaso inay samaystaan ciidamo ugaar ah kuwaas oo suga doona amaankooda iyo hantidooda kana madax banaan maamulka Puntland.

 

 

Dalabkan ay ciidamada ku dalbanayaan ganacsatada reer Boosaaso ayaa yimi kadib markii ay u baqeen naftooda iyo hantidooda ayna soo wajahday amaan xumo ka taagan Gobolka Bari iyo Guud ahaan maamulka Puntland taas oo wax wayn ka badashay dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo socdaal ee Gobolka.

 

 

 

Gen: Cadde Muuse oo ah madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu ka ogolaaday ganacsatada dalab ay si wada jir ah ugu soo gudbiyeen waxaana uu sheegay inay samaystaan ciidamo gaadhaya 300 oo askari iyo toban tikniko ah.

 

 

 

Ganacsatada Gobolka Barri bayaan kasoo baxay ayaa waxa ay ku sheegeen in madaxwaynaha maamulka Puntland uu ugolaaday inay samaystaan ciidamo ugaar ah kuwaas oo si toos ah uga amar qaadanaya ganacsatada iyadoo dhanka kalena ilaa hadda aysan kahadlin arinkaasi saraakiisha Police-ka Puntland ee amaanka Gobolka qaabilsan.

 

 

 

Hadaba arintan uu madaxwaynaha maamulka Puntland uu usameeyay ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa waxa ay muujinaysaa itaal darida maamulka Puntland ee marba marka ka danbaysa sii kordhaysa taas oo hadda gaadhay in maamulku uusan waxba ka qaban karin amaanka gudaha Gobolada uu ka arimiyo iyadoo Gobolka Barina uu yahay xarunta Ganacsiga Puntland uuna maamulku si wayn diirada usaaro dhaqaalada kasoo baxa Gobolkaasi wallow uu diirada saari la’ yahay amaanka.

 

 

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay Xukuumada Puntland uogolaatay Ganacsatada Magaalda Boosaaso in ay sameystaan Ciidamo ugaar ah.

 

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo ay dalabkaan ujeediyeen ganacsatada Magaalada Boosaaso,ayaa la xaqiijiyey in uu ka aqbalay ,isagoo amray in ay sameystaan ciidamo gaaraya 300 oo ugaar ah iyo 10 Baabuur oo kuwa dagaalka ah.

 

Ogolaanshaha Madaxweynaha Puntland ee warkan ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah Ilo ku dhow dhow ,ayagoo ganacsatadu habeenkii xalay ahaa shir ku yeesheen Hotel-ka Huruuse ee magaalada Boosaaso.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa talaabadan qaaday markii ay la kulmeen Ganacsatadu ,isla markaana ay sheegeen in ay ayaga loo daayo sugitaanka amaankooda ,inkastoo aysan jirin cid ka mid ah talisyada ciidamada Booliska oo ka hadlay.

 

Warka ayaa sheegaya in ay Ganacsatadu arintan ku dhaqaaqday ,ka dib markii ay soo baxeen dhawaan Afduubyo lugula kacay qaar ka mid ah Shaqaalaha Samafalka ee jooga deegaanada Puntland iyo halka Wariyad lugu weeraray magaalada Gaalkacyo iyo mid lugu qafaashay Magaalada Boosaaso.

 

Talaabadan lasheegay in uu qaaday Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cadde Muuse) ayaa ku soo beegmaysa ayadoo bilihii ugu danbeeyey uu sii xumaanayay amaanka dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ,isla markaana ay dhaliilo Xukuumada Cadde uga imaanayeen Dadweynaha Reer Puntland.

 

Xigasho: Radio Gaalkacyo

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

This is disastrous for the region. it seems hell bent on going backwards like the rest of somalia, rather then continuing the limited progress they were making before

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

What and where are the armed militia, Afsomaliga ma fahantid miyaa, it's only a private security firms that the Puntland Admin has allowed... Wax badan ayaa lagaa horeeyaa dee, Private security firms exist everywhre specially in most of the developed nations...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Emperor how many arm millia does microsoft has ? hmmm and what machine guns are on their Ten truck?

runta an isku sheeg nooh hee bro no body needs 300 people to watch Dahabshil Office when there is a peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland, the political arrengment that once was, has failed. The people who helped errect it yesterday are still there and capable of doing it agian. I dont see that happening anytime soon.

 

Cadde is happily leeching Puntland’s decomposing body …and that’s sad!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this