Sign in to follow this  
nuune

Hargeisa Admin bans Flights from the South

Recommended Posts

nuune   

Somaliland banned all flights from the south for health related reasons as they said, TFG Health Minister Qamar today said this, read the article:

 

 

DFKM oo jawaab kulul ka bixisay mamnuucidii uu maamulka Soomaliland ku mamnuucay safarada kaga yimaada Soomaliya

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul ugu jawaabtay Go'aanka Maamulka la magac baxay Somaliland uu ku mamnuucay duulimaadyada kaga yimaad K/Soomaaliya.

 

Wasiirka Caafimaadka Dowladda KMG Marwo Qamar ayaa aad u cambaareysay Go'aankaas, iyadoo ku tilmaantay mid aan laga fiirsan.

 

Waxeyna sheegtay wasiirada in go'aankaas ay tahay mid saameyn ay ku yeelaneyso kuwo badan oo ay ku jirto Maamulka Somaliland waa sida ay hadalka u dhigtaye.

 

Maamulka La magac baxay Somaliland ayaa mamnuucay gebi ahaanba duulimaadyada iyo gaadiidka kaga yimaada K/Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen in Deegaanada Koonfurta ay ka jiraan Cudurada Shuban Caloolaha, sidaas darteedna uu dhibaato kaga imaan karo caafimaad ahaan Gobolada Waqooyi.

 

Xukuumada Soomaliland ayaa wareegto ay soo saaratay hore ugu mamnuucday dhamaan socdaalada dhulka iyo cirkaba leh ee ka yimaada Gobolada Soomaliya gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso oo ay si gaar ah carrabka ugu dhufteen iyagoo la sheegay in cidii amarkaa ku xadgudubtana sharciga lala tiigsan doono.

 

Maxamed Cali Shirwac

ceelbuurnet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland bans commercial flights form Somalia

 

The government of Somaliland stopped the flights from southern Somalia in fear of the pandemic of watery diarrhea that killed and weighed down the largest number of children, most of them under the age of 6 in southern Somalia.

 

A press release from the office of the minister for Somaliland air transportation, Ali Mohammed Waranadde, stated that all commercial flights from Somalia were barred from landing at Hargeysa international airport indefinitely.

 

The minister told journalists that several towns in southern and Northeast Somalia, including Mogadishu and Bosaso, were banned from landing in Somaliland. “To prevent spread of cholera in Somaliland, we decided to stop flights from southern Somalia”, he said.

 

 

Hundreds of children beset by the plague were admitted to public hospitals in Mogadishu while a large number of children succumbed to the disease.

 

Public schools in the coastal town of Merca, 100 km south of Mogadishu, have been turned into medical centers, while students were given one month of a vacation early last week after hundreds of children in the town were ailing form diarrhea.

 

And in the capital Mogadishu, more than 100 people, most of them children, have been admitted to Banadir hospital on 12 March after they were weighed down by watery diarrhea

 

 

 

AllAfrica

Share this post


Link to post
Share on other sites

QRN-Hargaysa. Wasiirka Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Somaliland Md.Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in aanay wax siyaasad ah ku lug lahayn, talaabada xukuumadu ku joojisay dadka ka imanaya magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ee soo galaya Somaliland, isla-markaana, waxa uu tilmaamay in ay Wasaarada caafimaadka iyo dhakhaatiirteedaba isla garteen in talaabadaasi ay tahay ta keliya ee la isku hor-taagi karo in uu Somaliland ku soo fido daacuun u sheegay inuu ka dillaacay deegaanadaasi.

 

Wasiirka Duulistu amar uu Khamiistii Dorraad u soo saaray ayuu ku sheegay in laga bilaabo maanta oo Sabti ah la joojiyay Cir iyo dhulba Somaliland in ay soo galaan dadka ka imanaya magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho ee dalka Soomaaliya, isaga oo qoraal wargalin ahna ku siiyay shirkadaha Diyaaradaha ee isaga goosha Soomaaliya iyo Somaliland in aanay dad rakaab ah ka soo qaadin deegaanadaasi ilaa amar danbe. Hadaba anaga oo qoraalkaas daba joogna ayaanu shalay xog waraysi arintaa ku saabsan oo kooban la yeelanay wasiirka Duulista ugu horayna isaga oo faah-faahin ka bixinaya amarka ay soo saareen waxa uu yidhi. “Arrintaa aanu saxaafadda ku baahinay ee ahayd in la joojiyo dadkii ka imanayay magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho, sababteedu waxa weeye waxa dhulkaa ka dillaacay Kalloore. Runtiina iminka si daran loo soo sheegayo, sida ay dhakhaatiirtu noo soo hubiyeen, ama ay nagu soo wargeliyeen anagoo Ilaahay uga baryayna in Ilaahay ka dulqaado, inana inaynu ka hortagno inaanu inagu soo fidin awgeed, ayaanu u aragnay in ay tahay dariiqa keliya ee lagu xakamayn karo, bal horta in dadka la kala joojiyo. Inta hawshaa cudurka gacanta lagu qabanayo ama cudurkaasi soo yaraanayo. Markaa sidaasaanu ku joojinay. Sidaa awgeed, dadkii dayuuradaha la socday iyo dadkii gaadiidka la socday labadaba waanu wargelinay, ciidamadana waanu wargelinay, in inta cudurkani jiro dadka la kala hakiyo, markaa sababta aanu ugu dhaqaaqnay sidaa weeye.

 

S: Ma wargeliseen shirkadaha diyaaradaha Diyaaradaha ee dadka soo qaadaya ee Muqdisho iyo Boosaaso ka imanaya in aanay soo qaadin dadkaa?

 

J: HAA. Waanu u sheegnay sababta aanu saddexdaa cisho dib ugu dhignayna waxa weeye, si aanay dadku dhibaato ugu mudan, oo dadkii oo diyaaradihii soo fuulay ama diyaaradihii meeshii tageen, si aanay dhibaato ugu dhicin baanu u sii sheegnay, oo aanu wakhti u siinay, in wakhtigaa lagu joojiyo, markaa wakhtigaa joojintuna wuxuu bilaabmayaa Sabtida Barito (maanta) ah.

 

S: Diyaaradaha la garay, iyaga Laakiin gaadiidka soo galaya dalku wuu fara badan yahay ee sidee baad u kaanta roolaysaan?

 

J: Horta gaadiidku waxa ay soo maraan waddooyinka inta badan, inoo dhexeeya inaga iyo Soomaaliya, markaa dhulka inoo dhexeeya ciidamadeenaa degan, ciidamadana waanu wargelinay, markaa waddooyinkaa dadku ka soo galayaan ayaanu rabnaa in dadka lagu celiyo.

 

S: Ma Wasaaradda Caafimaadka ayaad ka heshiin dalabka oo waa siyaasad xukuumiya in la joojiyo, markaas sidaas ayaad ugu dhawaaqday miyaa?

 

J: Haa. Anaga iyo Wasaarada caadimaadku waanu ka shirnay waanuna iska aragnay Wasiirkeeda iyo dhakhaatiirteedaba, markaa sidaasaanu isla garanay inay tahay sida keliya ee lagu xakamayn karo cudurkani inaanu u soo gelin gudaha Somaliland.

 

S: Arrintu maaha miyaa arrin siyaasad ku lug leh?

 

J: Arrintaasi wax siyaasad ah oo ay ku lug leedahay ma jirto.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

An over the top reaction by the SL Govnt. They be trying to help the kids instead. However, if a Xabashi and/or his Somali lover(s) arrive at the airport, they should not be treated!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

They should ban land vehicles as well as boats as well. Their should be real restrictions on the movement of the people. Least the plague spreads.

They should ,,, they started with the airlines and the next step will be the vehicles ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Caafimaadka Dowladda KMG Marwo Qamar...

Ar Qamar Aaden Cali wasiir ku sheegaas maa laga dhigay. Iyadoo xildhibaan ahayd aa igu dambeysay.

 

Xamar aa daris ku ahayn iyada iyo familkeeda; their house and ours was right next to one another. Qof London waa hore soo galay ee ahayd, iyada iyo reerkeeda, siiba walaalaheeda. Dhuub, Shooble, Wardheere iyo Xuseen Afeey oo London '80s soo galay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Geeljiraha soconaya? ma la ban-garaynaya?

 

--------------------

Noo saxib sababtoo ah geeljiraha shubanku makaro. :D nin caana geel soo cabaiy waa caafimaad qabaa. so welcome geeljire.waa haddii adoo geel wada soo gashid. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this