Sign in to follow this  
Abwaan

Shirkii ay ka yeesheen Yuhuudu arimaha Somaliya muxuu ku saabsanaa?

Recommended Posts

Abwaan   

Shirkii ay ka yeesheen Yuhuudu arimaha Somaliya muxuu ku saabsanaa.

 

24/01/2007]

 

 

 

Jariirada Alsiyasah ee ka soo baxda dalka Kuwayd ayaa taariikhdu markay ahayd 19/1/2007 Daabacday Jimcihii maqaal cinwaankisu ahaa ,Yuhuudii oo la taxaaluftay falaashaha Ethopia kana xoreeyey tahdiidkii ay maxaakim Islaamigu ku hayeen dhulka Muqadaska ah ee Somalia .

 

 

Magaca ilaahay baanu ku dhaaranaye,waxaanu ku noqonaynaa hantidii walaalahayo iyo Awoowayashayo Yuhuuda ahaa ee ka yimi ama ka soo jeeday Somalia ,waxaanu kaloo ku noqonaynaa si aanu u xusuusano Anbiyadii waaweynaa ee degenaaa dhulka Somaliyeed sida (nebigii Armiya iyo nebi Muusihii madoobaa ) kuwaso ka ilaaliyey dhulka somaliyeed khatar ku timaada.

 

 

Kana dhigay wadankan oo ka mid ah Afrika Madowna ahlaanbad baxaysa ,mana ka yeelayno Xag jir kasta xitaa hadii ay ku qabsadeen Diintooda Islaamka ah ee ay wataan,wadankan oo ah kii asliga ahaa ee aanu ka soo unkanay oo ay xaq u leeyihiin dadka yuhuuda ahi.

 

 

Sidaas daraadeed waxaanu Caalamka u sheegaynaa inaanan marna ka tegeyn,kana tanaasulayn hantidayada iyo dhulkayaga oo ay naga xadeen xoogag Somaliyeed,mana ka aamusayno ilaa uu nooga soo noqonayo xaqayagu .

 

 

Waxaana Mujtamaca Aduunka waajib ku ah ,sidii xaqaa dib loogu soo celin lahaa dadka Yuhuuda ah hadaladan waxaa sheegay 1500 oo Qof oo Yuhuuda Somalida sheegatay asal ahaan oo shir ku qabtay qalbiga ama badhtamaha Talaabiib ee caasumada yuhuuda shirkan oo la qabtay taariikhdii 20/12/2006 ujeedadiisuna waxa ayahayd (waxaa waajib ah inaynu ku noqono dhulkii muqadaska ahaa kaaso hada loo yaqaan somalia).

 

 

Waxaana shirkaas ka soo qayb galay mas,uuliyiin waaweyn oo Yuhuud ah kuwaasoo ahaa kuwo lagu marti qaaday ,iyadoo loo sii mariyey saxaafada kala duwan marti qaadkooda,iyadoo loo sheegayo inay waajib tahay inay goob joog ka ahaadaan shirkan dhamaana ay ka qayb qaataan bulshada kala duwan ee Isra,el siyaasad ahaan,dhaqaale ahaan,iyo waliba Milatari ahaanba,iyadoo looga tashanayo sidii loo soo celin lahaa dhulkaa iyo hantida kaga maqan Isra,el dhulka hada Somaliya loo yaqaan taasoo ay sheegeen inaanay marna uga tanaasulayn Somalida .

 

 

Shirkani waxa uu ahaa mid muhiim gaara u lahaa dadka asal ahaan Yuhuuda ah ,intii jahwareerka siyaasadeed ay somaliya ku jirtay walibana uu soo cusboonaaday dagaalkii u dhaxeeyey maxaakimta Islaamiga ah iyo xoogaga dawlada Ethopia oo taageerayey dawlada ku meel gaadhka ah .

 

 

Gabadh lagu magacabo (waytani hoostan)oo ka mid ah Yuhuuda Maraykanka ah ayaa booqatay afarsano ka hor dalka ay asal ahaan ka soo jeedo ee Isra,el qaraabadeeda qaar ka mid ah oo ku dhaqan dalka Isra,el waxa ay sheegtay in dalka asal ahaan ay Israe,l u leedahay uu yahay dalka hada Somalia loo yaqaan ,hase yeeshee ay wakhti hore ka haajireen welina tiro aad u yari kaga sii hadhsan yihiin ,waxa kale oo jariirada Alsiyaasa ee ka soo baxdaa Kuwayd xusaysaa warbixino uu soo saaro maxadka siyaasada israail sanadkiiba mar tii ugu danbeyseyna ay soo baxday 2006 inay jiraan weli raadad israel kaga tagtay oo wax kaga hadhsan yihiin dalka hada somalia loo yaqaan.

 

 

Sida meelo lagu caabudo diinta yuhuuda ,hase yeeshee ay yihiin meelo sir ah oo ay adag tahay in la ogaado,waxay kaloo jariirado xusaysaa wakhtigii dhowaa ee ciidamada etoobiya galeen somaliya inay sii raaceen shaqsiyad ka soo jeeda falaashada ethoopia ,kuwaasoo isku dayey inay gacan siiyaan hadii ay wax kaga hadhsan yihiin yuhuuda somalida ah asal ahaan kuwaaso aad u tiro yar .

 

 

Waxaa kaloo jariirada ay sawiraysaa meelo macbado ah oo lagu caabudo diinta yuhuuda oo ku yaala gudaha somalia ,meelahas oo ay ku timaantay inay yihiin meelo sir ah iyo waliba sawiro isugu jira dad carab u eg iyo kuwo somali u eg oo ay ku timaantay inay yihiin yuhuuda somalida xubno ka mid ah oo aanay sheegin meesha ay hada ku sugan yihiin.

 

waxaa turjumay Xasan Xuseen Shide.

 

 

Kuweyd City

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Yo, i just read the thing and i didn't understand the story probably.Something about someone wanting to go back to their homeland(somalia) or something?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ lol. Awal waxaanu isku hay-haysanay kismayo anna iska leh iyo ma lihid, balse hadda rag kaleto ayaa sheegtay dhulkii oo dhan.

 

Hilarious!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this