Sign in to follow this  
Waaheen

Golaha Guurtida Somaliland oo Daahir Rayaale Kaahin Xilka u Kordhiyay Muddo

Recommended Posts

Waaheen   

Hargeysa, Sept. 25, 2009 (WDN)- Iyadoo xaaladda siyaasadda ee Somaliland uu muddooyinkan dambe muran iyo jaha wareer weyni ka jiray, gaar ahaan khilaafka xisbiyada ee ku aaddan qabashada doorashada madaxtooyada awgeed, ayaa kulan ay Golaha Guurtida Somaliland saaka ku yeesheen xaruntooda Hargeysa, ay ku go’ansadeen in xilka madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin loo kordhiyo muddo aan la cayimin. Taas oo ka bilaabmaysa 29ka bisha Oktoobar ee sannadkan 2009ka, kuna eg bil ka dib maalinta doorashada la qabto.

 

Fadhiga maanta oo uu guddoominayay guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa ka soo qayb galay 78 mudane oo ka mid ah 82ka mudane ee goluhu ka kooban yahay. Waxa go’aankan si buuxda isugu raacay dhammaan xubnihii shirka fadhiyay marka laga reebo guddoomiyaha oo aan isagu codayn.

 

Muddo kordhintan ay maanta ansixiyeen Golaha Guurtidu ayay ku sheegeen in ay tahay mid waafaqsan qaddobadii soo jeedinta ee beesha caalamka oo ay xisbiyadu hore u ogolaadeen.

 

Labada xisbi mucaarad ee Kulmiye iyo Ucid oo iyagu jawaab ka bixinayay warar la isla dhex marayay magaalada Hargeysa maalintii shalay oo ahaa in goluhu uu u kordhin doono madaxweynaha muddo hal sanno ah xilka, ayaa hore u sheegay in haddii ay taasi dhacdo in ay ka barbar dhisi doonaan xukuumadda Rayaale, dawlad ay ku midaysan yihiin labada xisbi, ayna u taallo shacabka Somaliland middii ay aqbalayaan.

 

Sidoo kale waxay xisbiyada mucaaradku maalintii shalay ugu baaqeen taageerayaashooda in ay ka hor istaagaan mudanayaasha Golaha Guurtida in ay galaan xaruntooda, si aanay ugu suurto gelin in ay madaxweynaha xilka u kordhiyaan.

 

Muddo kordhintan cusub ee maanta ay ansixiyeen Golaha Guurtidu, ayaa u muuqata mid ay si weyn uga fiirsadeen goluhu oo iyagu hore dhawr jeer xilka ugu kordhiyay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, maadaama ay xilliga doorashu dhacayso go’aankeeda u daayeen in ay xisbiyadu ka heshiiyaan.

 

http://wardheernews. com/News_09/Septembe r/25_Golaha_Guurtida .html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xaruuri   

It seems Rayale has outwitted Silanyo and Waraabe again. It looks like he got an indefinite extension that is a lot better than the 1 year that the Guurti were contemplating for the last few days. He has proved that the opposition’s rhetoric was just talk and as they say merely hot air and baala xoofto. In any case it is a good thing that they managed to diffuse the tension and the political deadlock regardless of who came out the winner.

 

Xaruuri

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ameer   

I think the opposition parties, either didn't understood or were in mirqaan mood when this annoucement came.Any one who uses his/her common sense can see that this decision means Riyaale can be president as long as he wants. There is no time frame for election and this will give another chance to extend his presidency indefinitely. Correct me if I am wrong but that is how i see it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this