Sign in to follow this  
RedSea

Kulmiye and Qaran emerged...bad news for Udub people.

Recommended Posts

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

what morons ???

 

 

Now even if Udub play it fairly i'm sure kulmiye and his supporters will still say wax baa la musuqmaasuqay ,,,,,,,,,,,,

On point.

 

These guys (Kulimye) are just power hungry. Even if UDUB takes it fair and square they will cry about the results.

 

To be on the save side..I'll just throw them the bone and let them take the elections.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Geedigii Qaran,Gaada Ka-Ciyaarkii Xisbiga Mucaaridka Ah Ee KULMIYE, Galalafkii Siyaasiyiinta,Gariirkii Madasha Iyo Galbintii Taageerayaasha.

 

 

(Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Urur-siyaasadeedka Qaran, ayaa si weyn Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ugu dhaliilay wax ka qabashada arrimiha bulshada iyo horumarinta dalka, isla markaana waxa ay ku eedeeyeen in ay ku fashilantay siyaasadii dhinaca dibada ee qadiyada Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo sidoo kale arrimaha dhinaca nabadgalyada.

 

Hogaamiyayaasha Kulmiye iyo Qaran oo Munaasibad ay ku wada saxeexdeen heshiisyo cusub oo ay galeen oo shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ka hadlayay waxa ay si kulul labada dhinacba uga hadleen dhaliilalaha muuqda ee dawlada maanta dalka ka talisa iyo is-bedalka loo baahan yahay in dadka iyo dadku helo.

 

Ugu horeyn Guddoomiyhihii hore ee Komishankii doorashooyinka Somaliland ee ugu horeeyay Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo wakhtigan ka tirsan Saraakiisha sar-sare ee Kulmiye, ayaa sheegay in ay dimuquraadiyadi wakhtigan cadaadatay halka ay ka jirtaa. “Dimuquraadiyadii way cadaatay, Maantana waa maalin wayn oo Somaliland ee maalin Xisbi way ka wayn-tahay. Xaqa iyo mar walba way lagdamaan, inta badan xaqa ayaa la lagdaa oo baadilka ayaa wax lagda, Irbado Shaydaan ayaa ku mudan, marka lacag lagu darana kaba sii daran.” Sidaa ayuu yidhi Mr., Cadami.

 

Axmed Xaaji Cali Cadamo oo hadalkiisa siii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Maanta waa maalin Kulmiye sugayay kol hadday Qaran yidhaahdeen Shadaadiintaad u taagi waydeen Annaga ayaa idila gadoominayna. Waa maalin guul ah oo Kulmiye u soo hoyatay, kol hadday Qaran timi. Ururo kale oo aan magacyo lahaynina way soo scdaan. Qaran Kulmiye iskamay iman ee waxay ka turjumaysaa Masayrkii ummaddan dulmigu daashaday. Xafladani waxa ay ku soo beegantay maalintii Xuquuqda Aadamaha, xaqii ayaana qaylinaya oo xaq-darrada ka qaylinaya.” Ayuu yidhi Cadami.

 

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, oo hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya madashaa ka jeediyay, isla markaana ka mid ahaa xubnaha sida aadka u kulul ula hadlay Xukuumadda Rayaale. Waxa uu marka hore soo dhaweeyay Urur-siyaasadeedka Qaran ee ula ruqaansaday dhinaca Kulmiye. “Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhawaynayaa oo aan aad ugu faraxsanahay in Urur-siyaasadeedkii Qaran oo Oodihiisii wataa Kulmiye is-barbar taagay, waxaanan leeyahay soo dhawaada Wallaalayaal.” Ayuu hadal soo dhawayn ah ku yidhi Muuse Biixi.

 

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in khilaafku yahay qayb nolosha aadamaha ka mid ah, isla markaana meel aan khilaaf iman aanu horumar imanaynin. “Khilaafku waa wax bina-aadamka la nool, waana imtixaan la ina raaciyay, waxaanay ku xidhan tahay siduu qofku u maareeyo. Khilaafku wax kasta ayuu galaa oo dhinacyo badan ayuu leeyahay, hadaan khilaaf jirina horumar, nolol iyo fikir midna ma jireen mana yimaadeen.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

Muuse isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Siyaasiyiintu hadday is khilaafi waayaan oo ay meel wadda maraan soo sidii Xisbigii Hanti-wadaaga ahaa noqon mayno. Hadduu Xisbigu noqdo mid fikir qudha isku raacana waa lagu jabayaa ee hala ogaado. Xisbiga qudha ee dimuquraadiyadi ka dhex jirtaa waa Kulmiye oo ah dawlad aan shacbigeeda waxba ka qarsan, isla markaana ah muraayad uu qofkastaa iska daawan karo oo uu ku aamini karo himiladiisa.”

 

Mr. Biixi waxa uu ku dooday in Xisbiga Kulmiye guud ahaanba Shirarkiisii soo qabsaday, isla markaana u diyaar-garoobayo hawlaha doorashooyinka 2009-ka lagu wado in ay dalka ka dhacaan. Khilaafyadii dhexdiisuna ay ahaayeen kuwo astaan u ah hanaanka dimuquraadiyada iyo istoosin loo baahnaa. Waxaanu isaga oo Xisbi-Xukuumiga UDUB u duur-xulaya uu sheegay in aanay weli qabsan Shirweynohoodii dastuuriga ahaa, iyadoo wakhtigii doorashooyinkana aanay muddo badani ka hadhin. Taas oo uu ku tilmaamay gabasho.

 

“Dimuqraadiyada waxa sal u ah rabitaanka dadweynaha in la tixgeliyo, in dalka horumarkiisa laga shaqeeyo.waxa la yidhi Ciidu kuma dafirto, hadaad tiin beerato ha filan in rumaan iyo canab kaaga soo baxo, ee tiinkii ayaa kaaga Soo baxaya. Shacbigu markay codkooda tiin ku doortaan, tiinkii ayaa u soo baxaya. Laba ha laka daayo isma-qabtaane Madaxdaa xun iyo shacbigaa Wanaagsan, waayo haddii la yidhi qofka aad noloshiina ku aaminaysaan soo saara oo aad tiin la soo baxdaan, dee Madaxdu ma xumee dadka ayaa xun, Markaa ma marka hore ayeynu waxba hubsan mise imika ayeynu khaldanay.”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Qofka maanta is-diwaangeliyey ee codeynayoow masuuliyadii qarankani ku dhismi lahaa ama ku dumi lahaa aday ku saaran tahay ee ogow. Haddii Aaranku xumaado Awrkaa loo bedalaa, Geelaa Awrkiisa in loo qoodh-dayo ka maarmi waayay, haddii Geelii sidaa loogu qoodh-dayayo Somaliland ma loo qood-dayi-waayay? Waxa loo baahan yahay Madaxweyne danta guud ee Qarankan ka taliya.”

 

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Kulmiye mar uu ka hadlayay arrimaha argagixisada, waxa uu yidhi, “Waxaad moodaa in cadaw fiiro dheeri inala dagaalamayo tan iyo 2001-dii laga soo bilaabo Innaguna Qaran ahaan sidii ay ahayd umaynaan wajihin. Dunida kama dhacdo in sidan oo kale dalka gudihiisa argagixisadu ugu weerarto ee intaanay soo gaadhin ayaa laga hortagaa. Dawladdii aynu u igmanay inay inna illaaliso ayaa inagii ina dilaysa.”

 

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dooday in Xukuumaddu halkii ay dadka ka illaalin lahayd iyadu laynayso. “Markaad adigii idisho maxaad iga celin. Markii qaraxyadu dhaceen 29-kii October 2008, Xildhibaan-baa maalintii u horeysay la garaacay isaga oo kaadhkiisii haysta, nin Xaaskiisii oo Umul ah Dhakhtarka geeyay ayaa la yidhi Gaadhiga dabada fur, markuu yidhi ma furmaysana xabad ayaa lagu dhuftay, habeen hore wiil 16-jir ah ayaa sabab la’aan lagu dilay, muddo bil ah ayaa saddex qof aynu iska dilay, markaa sannadkiina maxay noqonaysaa? Markay taasi dhacayso ma Askariga ayaa qaldan, ma qaldana ee ummada ayaa qaldan oo kii ay doorteen ee Askariga amrayay ayaan waxba u soo sheegin, inuu Ciidanku ina dilayo iyo inuu inna illaalinayo. Cid arrintaa lagu dhaliilay ma jirto. Markaa waxay ahayd in la xukumo oo Maxkamad la taago Taliyaha Ciidanka Booliska, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxweynaha.”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

 

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay inay dimuqradiyadu tahay ta maanta Xisbiga KULMIYE u sahashay in loo yimaado, isla markaana uu wakhtigan soo gaadho isaga oo soo dhameystay hawlihii u diyaargarowga doorashooyinka, isla markaana uu ka soo gudbo khilaafyo ka dhashay loolanka dimuqraadiyada ee Xisbiga dhexdiisa.

 

“Qaladaadkii khilaafaadka Axmed uu ka garaabay, taasina waa calaamadaha lagu yaqaano qofka kaliya aan kursigiisa eegayn, in waxa maanta qaldama uu beri saxo.Doorashadii Madaxtooyada waxaan is-weydiiyey waxa uu Axmed-na [Kursiga] ku waayey Daahirna ku helay. Markaan eegay taariikhda, aqoonta, Cilmiga, dhaqanka iyo Siyaasada laakin taasi Axmed barmadow kumay reebin oo Wejigiisa kama muuqato ee shacbiga yey ka muuqataa”ayuu yidhi Dr Gaboose.

 

Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Urur Siyaasadeedka Qaran Mr. Jamaal Caydiid oo munaasibadaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye yahay ka kaliya ee ay dimuquraadiyadi ka dhex jirto.isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xisbiga Kulmiye in uu yahay ka kaliya ee dimuquraadiga ah Somaliland Xoghayaha Qaramada Midoobay Banki-Moun ayaa ka markhaati kacay in Kulmiye yahay Xisbiga Dimquraadiga ah ee Somaliland ka jira, sababahaas iyo kuwo badan oo kale ayaananu u dooranay in aanu Kulmiye is-kaashano.”

 

Jamaal Caydiid waxa uu ku eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale in ay tahay mid ku fashilantay ujeedooyinkii loo doortay, isla markaana ay ka marin habawday jidkii looga baahnaa in ay dadka iyo dalka ku hagto. “Nabadgalyada ciddaynu u diranay innagay innagu haysataa oo ay leeyihiin Guribaa laga kireeyay. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa maalintii Ciidul Adxada ku khudbadeeyay oo yidhi Carruurta Xamar qabatay intaan loo yeedhin waa inay yimaadaan. Waxaan odhan lahaa kumaad darin Carruurta 17-ka Sano waalidku wax soo barayay ee Jaamacadaha dhamaysay ee badaha ku le’day in iyagana loo yeedho oo ay dalka ku soo noqdaan.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Caydiid.

 

“Waxa la is waydiinayaa Ururkii Qaran muxuu ku door-biday Kulmiye, waxaan odhan lahaa tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, ama ninkaad kaba ka tolonayso kabihiisa ayaa la eegaa, ee Kulmiye tiisii ayuu ka adkaaday. Madaxweynihi waddadii Gurigiisa hor-maraysay ayuu xidhay, Madaxweyne Ku-xigeenkiina Guri ayuu Gurigiisii ka hor dhisay, markaa kii doortayna muxuu dareemayaa, waxa uu hogaamiyuhu iska illaalinayo ayuu iska illaalinayaa oo waa la cabsi qabaa.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi Guddomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Ururka Qaran Jamaal Caydiid, isla markaana waxa uu sheegay in Guddoomiye Ku-xigeenkii 1-aad ee Ururka Qaran Maxamed Xaashi Cilmi uu ku maqan yahay Xashka, balse uu heshiiskan la sii ogaa oo iyagu ay u matalayaan.

 

Dr. Gaboose oo ka hadlayey Marxaladihii hogaanka Xisbiga KULMIYE u soo maray masuuliyiinta Qaran muddadii ay Jeelka ku jireen iyo la raadinta xaqa dastuurku siiyey ee ay Xukuummadu ka hor istaagtay. “Axmed Siilaanyo iyo KULMIYOOW waxaad qaran u soo baxday iyada oo roob da’aayo, bacad dhacaayo iyo iyada oo ay dhaxani inna hayso, Sidaa daraadeed Axmed Siilaanyooy ku seexo oo ku soo toos in aanu dadkaagu bar madow oo kale isku samyn doonin, bacad iyo qabowba maanta waanu ku mareynaa oo annaga ayaa ku garab taagan.”ayuu yidhi

 

“KULMIYE waa dimuqraadi, waakaa aanu isku afgaranay tallowadaag iyo wax wadaqabsi, waxaana laga yaaba haddii Ururada la furo in aanu KULMIYE Galno annagu Urur doon ma nihiin ee waxaan doonaynaa in muwaadinku xaqiisa helo. Dulucda heshiiiskayaga maanta maaha in ururada la furo ee waxa weeyee Mayd ayaa ina dulyaale Sidee ayeynu isaga dul-qaadnaa?”ayuu intaasi raaciyey Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo gunaanadkii Munaasibadaa hadal kooban ka jeediyay, ayaa sheegay in Ururka Qaran halgan dheer u soo maray helida xoriyada uu dastuurku u damaanad qaaday, isla markaana waxa uu ku amaanay talaabooyinka ka fiirsashada leh ee ay ku garteen in ay Xisbiga Kulmiye kula midoobaan mawqifka is-bedal-doonka ah ee dalku u baahan yahay.

 

“Waa dimuquraadiyad in qofku xaqiisa helo, hadddii uu waayo oo laga diido oo kuwii xaqooda helayay la soo koobo, waxa ay dhaawac ku noqonaysaa dimuquraadiyaddii. Dastuurku waxuu qorayaa in saddex Xisbi jiraan, laakiin wax waliba way korayaan ee in meel la taagnaado maaha. Waana in la is waydiiyo saddexda Xisbi ma waligood bay jirayaan mise waxa loo ogolyahay Jiilasha cusubi in fursad loo siiyo in ay talada ka qayb-qaataan.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

 

Ugu dambayntii labada Guddoomiye ee Axmed Siilaanyo iyo Dr. Gaboose ayaa heshiiska ay labadda dhinac isla gaadheen si wada-jir ah ugu wada saxeexay Madashii Xafladu ka dhacday, iyadda oo ay goob-joog ka ahaayeen badiba Masuuliyiinta labada dhinac iyo sidoo kale taageerayaal tira badan.

 

Mustafe-Janaale

Reporter Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Kulmiye promises support for Youth in Somaliland and empower them:Met with SONYO, Somaliland youth organization.

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay madaxda dalladda ay ku bahoobeen dhallinyarada Somaliland ee SONYO.

 

 

 

 

 

 

S/Land-Aljezera

 

 

CIMG3955.JPG

 

CIMG3964.JPG

 

 

CIMG3953.JPG

 

CIMG3972.JPG

 

 

 

 

 

 

Hargeysa(SDWO 11/12/08)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay madaxda dalladda ay ku bahoobeen dhallinyarada Somaliland ee SONYO.

 

 

Kulankaas, waxa uu Mudane Siilaanyo, dhallinyarada ugaga xog waramay qorshaha xisbigiisa ee ku waajahan horumarinta dhallinyarada.

 

Guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo), oo kulankaas hadal kooban ka jeediyay, ayaa waxa uu ka waramay qaab dhismeedka ururka iyo guud ahaan waxyaabaha uu qabto, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay

Waxaanu u balansanahay shirkii golaha sare ee dalladda. Qaab dhismeedka dalladdu waxa weeye, shir-waynaha marka laga yimaado waxa ugu sareeya guddi dhexe, guddi hogaamin ama guddida golaha sare, guddiyadaas oo gobolada laga soo doortay qaar Hargaysa, qaarna gobolada, 13-kaa xubnood oo guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenku ku jiro ayaa ugu sareeya, waxayna sameeyaan afartii biloodba mar bay kulmaan, waxay qiimeeyaan xaaladda dhalinyarada Somaliland, gaar ahaan arrinta SONYO ay isu taagtay, duruufaha nololeed ee ku xeeran ee xafiiskayaga u qabsoomay intii la kala maqnaa, waxa kale oo aanu dejinaa afarta bilood ee aanu kala maqnaanayno ee aanu gobolada ku kala noqonayno wixii la qaban lahaa, iyo sidii loo qabanayo. Aniga oo soo koobaya SONYO waxay ka kooban tahay ururada dhalinyarada Somaliland dallad ay ku bahoobeen.”

source: SDWO.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Norf 1:

JB, wixii last electionki dhacay waa la ogyahay saxib. No repeat and the result will not bother people as much.

The president won by 80 votes. Don't listen to the rumours, saaxib. I mean come on, they were arguing over a couple of boxes there. It still meant a huge number of people voted for Riyaale.

 

Anyway, this time, it really looks like Kulmiye are going to win it. If truth be told, all in all Riyaale's rule has not been that bad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

For the sake of our democracy I will like to see a change of government - even though I know Kulimey wont do much better.

 

The elections will be close. UDUB the party of Egal wont fold easily that's for sure.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I still don't understand why ppl think Rayaale is the only one here ... hold your horses gentlemen, UDUB is playing its cards in the last minute. Looks like kulmiye is dancing before the music starts ,, :D

 

What about if RAyaale is changed and there is a better candidate from Udub ???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AfricaOwn:

For the sake of our democracy I will like to see a change of government - even though I know Kulimey wont do much better.

 

The elections will be close. UDUB the party of Egal wont fold easily that's for sure.

Indeed. Not only for the sake of our democracy, but also for the sake of our own development both socially, economically and politically. The idea that we can change the government at will is a very powerful one. It sows fear in every politician's heart that if they don't perform well, they know very well that they be thrown out of office.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this