Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Inaa lihaai wa inaa ileeyhi Raajicoon

Recommended Posts

Aqoon yahan kale oo lagu toogtay muqdisho.

 

 

 

Mid ka mid saraakiishii ugu caansaneyd wasaaraddii waxbarashadda & barbaarinta Soomaaliya oo xalay lagu dilay Muqdisho

Nairobi

ALLAHA u Naxariistee waxaa xalay xaafada Buula-xuubey ee magaalada Muqdisho laba nin oo hubeysan ay toogasho ku dileen C/raxmaan Warsame Cilmi (Maja-weyne) oo ka mid ahaa aqoonyanahada Soomaaliyeed, muddana ka soo shaqeynayey wasaaraddii waxbarashadda & barbaarinta.

 

Dilka aqoonyahankan ayaa dhacay markii xalay fiidnimadii uu ka soo dhaqaaqay Daarta Zoppe ee KM 5, isagoo ku sii jeeday hoygiisa waxaana markii uu marayey dhabarka dambe ee hotel Shaamo ku soo baxay laba nin oo gaari yar watay kuna hubeysanaa qoryo fudud kuwaasoo markii uu damcay in uu ka cararo rasaas ku furay, waxaana dilka marxuum-ka aad uga naxay dad-kii yiqiinay oo ku tilmaamay dilkiisa in uu qeyb ka yahay cirib-tirka lagu hayo aqoonyahanada Soomaaliyeed & dad-ka waxgalka ah muddooyinkan oo dilal aan waxba leyska weydiineyn lala beegsanayo.

 

Aqoonyahan-kan ayaa maamule ka soo noqday dhowr dugsi oo isugu jira hoose/dhexe & sare, wuxuuna xilligii ugu dambeeyey ee burburka uu maamule ka ahaa dugsigii sare ee Jamaal C/naasir.

 

Marxuum-ka ayaa saaka meydkiisa lagu aasay agagaarka tuulada X/Cabdi oo ku dhow wakaaladdii biyaha, waxaana aaskiisa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin fara badan oo ay ka mid ahaayen ku-simaha SNA-da Xuseen Ceydiid Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuukar ganey), Eng. Max’ed Siyaad Naaleeye, Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir C/llaahi Firimbi, guddoomiyaha dallada SAFE C/xaliim Max’ed Sheekh,Guddoomiyaha dhaqanka beesha H/gidir Axmed Shirwac Max’ed & xubno kale.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

cabdishakuur@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Alle haa uu naxaristoo. things are getting outta control in our capital city muqdisho. inta la rabay in la tuso that muqdisho doesn't need strange african soldiers, some sickos are making damn sure there will be a nigerian army in muqdisho within a heartbeat.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this