Sign in to follow this  
MoonLight1

BREAKING NEWS: Agaasimihii idaacada shabelle oo goor dhaweyto la dilay.

Recommended Posts

War deg-deg ah: Agaasimihii Idaacada Warbaahinta Shabeele oo lagu diley Goordhoweyd Muqdisho

 

Muqdiso. Dayniile.com

 

Wararka laga helayo Xafiiska Idaacada iyo TV Shabeele ayaa waxaa ay shegayaan in maanta lagu dhextoogtey gudaha Suuqa Weyn ee bakaara Agaasimihii warbahinta shabeele Muqtaar Maxamed Hiraabe.

 

Dilkaan ayaa waxaa geystey rag ku hubeysan Bastoolado bartamaha suuqa bakaaraha waxaa kale oo dilka marki loo geysanayey la socdey wariye kale oo isna dhaawac ka soo gaarey gacanta.

 

Waxaan meydkiisa la geeyey Idaacada iyo TV-ga shabeele waxaan dadkii ay ku noqotey Mucjiso iyo lama filaan ka dib markii ay daqiiqado ka hor ka tageen Xarunta ka dibna lagu soo celiyey meydkiisa isla markaasna waxaan ilaa hada jirin cid loo qabtey iyo wax kooxa oo sheegatey intaba mana la garanayo waxa ilaaha sida dhabtaa loo diley ee sababay.

 

Ma aha Agaasimihii ugu horeeyey ee la dilo waxase ka horeeyey Mahad Axmed Celimi, Siciid Tahliin Axmed iyo Asaga oo maanta si bareera loogu toogatey sidii kuwii hore oo kale.

 

Wixii Faahafaahin ah ee ka soo baxa Gadaal ayaan idinkaga soo shegi doonaa

 

INAA LILLAAHI WA INAA ILLAAHI Raajicuun

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this