Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Shankaroon supporter We might as well crown Riyaale king

Recommended Posts

6159.jpg“Ku-dhaca intaa le,eg … haddii aan halkaa lagu qaban, waxaad ogaataan berrina inuu Boqor idinku noqonayo,” Cabdillaahi Darawal

February 7th, 2009

 

Hargaysa (Somaliland.org) - Garabka Dimuquraadiyad doonka ah ee xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hoteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa ay ku sheegeen in aanay ka tanaasulayn Mawqifkoodii ahaa inay u sharraxan yihiin jagooyika Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee Xisbiga UDUB.

 

Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo hadal ka jeediyay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay dhawaan furanayaan xarun cusub oo ay ku qabsadaan hawl maalmeedkooda oo aanay marnaba ka tanaasulayn xaqa ay u leeyihiin inay xisbiga UDUB dhexdiisa ka tartamaan.

 

Cabdillaahi Darawal waxa uu shacbiga reer Somaliland iyo ciddii caqli leh ee danaynaysa dalka, ugu baaqay inay eegaan cawaaqib-xumida ka iman karta tallaabooyinka foosha xun ee ay ku dhiiranayaan Madaxwayne Riyaale iyo kooxdiisu, kuwaasi oo uu ku tilmaamay niman wakhtigoodii dhamaaday oo sharci darro ku jooga.

 

“Ku-dhaca iyo dhiirrannaanta intaa le’eg ee uu ku beddelay Xeerkii Xisbiga, Reer Somaliland-now haddii aad ka dhiidhiyi-waydaan oo arrinkaa halkiisa lagu qabanwaayo, waxaad ogaataan in uu berri boqor idinku noqonayo, dastuurkana la badalayo,” ayuu yidhi Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi “Xaaladda maanta dalku marayo waa heerkii ay maraysay sannadkii 1980-kii, haddii aan la badbaadina khatar buu galayaa.”

 

Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) waxa uu tilmaamay in tallaabada Madaxweyne Rayaalle ku maroorsaday talada Xisbiga UDUB, kuna bedellay xeerka xisbiga in ay tahay mid uu ku doonayo sidii uu weligii kursiga uga fadhiyi lahaa.

 

“Tallaabadan ta xigtaa waa distoorka oo uu bedelo oo uu yidhaahdoi waligay kursiga ka degi maayo” ayuu yidhi Cabdillaahi Darawal.

 

Mudane Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) ugu danbayntii waxa uu ugu baaqay beesha caalamka, deeq bixiyayaasha iyo wadamada daneeya Somaliland inay soo faro geliyaan arrintan iyo khilaafka Xisbiga UDUB ee ka dhashay shirweynihi 2aad ee Xisbiga UDUB.

 

Axmed Maxamed Saleebaan (Ilka-case), Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Envy, bitter or little bit of both. Two thread dedicated to Hargeisa. wow I feel special.

 

somaliland before any other 'land' was established, was there when Ina Yey was crowned, and still there when Ina Yey vacated. How solid is shankaroon? very solid indeed. When Ina Yey was humiliated and defeated, It was this duke who said the clear winner was somaliland. I'm also aware that state of puntland is considering having multi party system and guurti, somethings that Somaliland has done ages ago. YOu need to catch up, and stop being so bitter.

 

Somalilandneey allow ku daa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

LOL for those who appriciate the goodness of the somali language, they understand the name shankaroon carries far more weight then simple 'feminine' name.

 

ps. wayfarer, it's sharkaroon! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

6159.jpg
“Ku-dhaca intaa le,eg … haddii aan halkaa lagu qaban, waxaad ogaataan berrina inuu Boqor idinku noqonayo,”
Cabdillaahi Darawal

February 7th, 2009

 

Hargaysa (Somaliland.org) - Garabka Dimuquraadiyad doonka ah ee xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hoteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa ay ku sheegeen in aanay ka tanaasulayn Mawqifkoodii ahaa inay u sharraxan yihiin jagooyika Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee Xisbiga UDUB.

 

Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo hadal ka jeediyay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay dhawaan furanayaan xarun cusub oo ay ku qabsadaan hawl maalmeedkooda oo aanay marnaba ka tanaasulayn xaqa ay u leeyihiin inay xisbiga UDUB dhexdiisa ka tartamaan.

 

Cabdillaahi Darawal waxa uu shacbiga reer Somaliland iyo ciddii caqli leh ee danaynaysa dalka, ugu baaqay inay eegaan cawaaqib-xumida ka iman karta tallaabooyinka foosha xun ee ay ku dhiiranayaan Madaxwayne Riyaale iyo kooxdiisu, kuwaasi oo uu ku tilmaamay niman wakhtigoodii dhamaaday oo sharci darro ku jooga.

 

“Ku-dhaca iyo dhiirrannaanta intaa le’eg ee uu ku beddelay Xeerkii Xisbiga, Reer Somaliland-now haddii aad ka dhiidhiyi-waydaan oo arrinkaa halkiisa lagu qabanwaayo, waxaad ogaataan in uu berri boqor idinku noqonayo, dastuurkana la badalayo,” ayuu yidhi Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi “Xaaladda maanta dalku marayo waa heerkii ay maraysay sannadkii 1980-kii, haddii aan la badbaadina khatar buu galayaa.”

 

Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) waxa uu tilmaamay in tallaabada Madaxweyne Rayaalle ku maroorsaday talada Xisbiga UDUB, kuna bedellay xeerka xisbiga in ay tahay mid uu ku doonayo sidii uu weligii kursiga uga fadhiyi lahaa.

 

“Tallaabadan ta xigtaa waa distoorka oo uu bedelo oo uu yidhaahdoi waligay kursiga ka degi maayo” ayuu yidhi Cabdillaahi Darawal.

 

Mudane Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) ugu danbayntii waxa uu ugu baaqay beesha caalamka, deeq bixiyayaasha iyo wadamada daneeya Somaliland inay soo faro geliyaan arrintan iyo khilaafka Xisbiga UDUB ee ka dhashay shirweynihi 2aad ee Xisbiga UDUB.

 

Axmed Maxamed Saleebaan (Ilka-case), Hargeysa.

Free-lancer General Duke,

Copy and Paste is easy, but we want to know what your opinion on this is? So, care to jot it down. smile.gif

 

Particularly, what do you exactly think is going on in Somaliland today? ileen qof walba wax ayaa laga qoraa... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magca saxda ahi saaxiibayaal waa Afarkaroon. Somaliland waa ku shan, sidaas daraadeet shan kama roonaan karto.

 

Balse afar ka roon, sax way ka roontahay. Labo waa la gumaystayaal, midi waa jahwareersan tahay, midina dhulkeedii ayay gaalo ka kireysay xoogaaga ka soo baxana macaysh ka dhigteen. Halka kale Afarkaroon waa isku filnaatay. Dimoqoraatiyo iyo madaxbanaani ayay dheer tahay afarta kale. Bashbash iyo barwaaqo...............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this