Sign in to follow this  
General Duke

Qardho: VIP’s arrive for crowning ceremony of new KING

Recommended Posts

Che, adeer if you have no elders then thats you, we have elders and traditions and this is like the Monarchies of the Arab world, Japan, Europe all backward societies who do not progress.

 

LSK: I think he meant Balan Bale, Burtinles elders are already on their way to Qardho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

quote:Burtinle

You mean Galdogob?
LooooooooL No, I meant where ever Duke thinks I'm from. It changes everytime. I'm now from Balan Bale but Xiin is from Goldogob according Duke.

 

Tell me any progress these elders made?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^They have always worked for peace, they have been the backbone of the Puntland & Somaliland peace. Where ever the elders come together it is for the common good, because their title is heriditary and their birth right they do not have to justify it by attacking other clans or ammasing an army.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Goaamo Qexaya Amaanka Magaalada Qardho Xarunta Karkaar oo la soo saaray

 

Wararka naga Soo gaaraya Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa ku waramaya In amaanka magaaladaasi Si weyn loo Adkeeyay , shir ay isugu Yimaaden Gudiga Nabadgeliyada Gobolka Karkaar ayaa waxa looga Hadlay Sidii amanka loo adkeyn lahaa Ayadoo ay maanlinta Beri ah ay ku beegantahay Maalinta La caanashumayo Boqorka ******* laguna Caano shubayo Gudaha magaalada Qardho .

 

Shilkani oo ahaa mid Deg deg ah aya waxa hadalo ka soo jeediyay Masuuliyiinta Maamulka Gobolkaas Waxaana ka mid aha Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Yaasiin Siciid Xuseyn asagoo Halkaasi ak jeediyay Qudbad Dhinacyo badan taabaneysa, asagoo ka hadlay howlaha Amaanka gobolka iyo Munaasabada Caano shubka Boqorka ******* oo iyagu Birito oo ku beegan Maalin Qamiis ah 27-November-2008 ka Dhici Donta Magaalada Qardho .

 

Waxa uuna Barasabku halkaasi ka Aqriyay Qodobo amaan sugid ah oo ay soo saareen gudiga Nabad geliyada Gobolka Karkaar, Waxana Qodobadaasi ka mid ahaa cid aan Cidanka amaanka Ka tirsaneyn oo Hub ku dhx sidankartaa Gudaha Magaalada Qardho in aysan jirinin cidii lagu Arkona ay Talaabo ka qaadaan Cidanka Amaanka Gobolka loosaaray .

 

Dhanka kale Waxa Magaalada Qardho Lagu soo gaga Gabeeyay Galabta Siminaar Soconayay mudo 2Cisho ah Islamarkana lagu Baranayay Wacyo gelinta Cudurka HIV Aidis-ka Kaas oo ay iska Kaashadeen Hay’ada Save The Children iyo Wasaarada Caafimaadka DGPL .

 

Ma ahan Markii ugu horeysay oo Simi naaro ceynkan oo kale ah lagu Qabto Gudah amagalada Qardho islamarkaana ay Iska kaashadaan Hay’ada Save The children iyo Wasaarada Caafimadka DGPL.

 

Ugu dambeyntii Magaalada Qardho Xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa Lagu Wadaa Maalinta Beri ah in lagu Qabto Munasabada Caleema Saarka Boqorka ******* Boqor C/laahi Boqor Muuse Kingkon , Waxaa na Marka aad Dhex marto Gudaha Magaalada Dareemaysaa in Si aad ah loo adkeeyay amaanka Magaalada Ayadoona ay Magaalada joogaan Marti aad u farabadan Islamarkaana Doonaya in ay ka Qeyb galaan Munaasabada Caleema Saarka Boqorka ******* .

 

Max’ud C/laahi Faarax

SBCInternational- Qardho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuse Boqor Kingkong mala dhihi jirin miyaa?

 

Adi wiilkiisa ka hadleysaa u maleynaa. Ani aabihiis ka waday, dowladii shibilka ee '60s ku jiri jiray.

 

Kingkong waa ninkii kahor yiri markii Marxuum C/rashiid Cali Sharmaarke la dilay shir iskugu imaadeen madaxda SYL in jadaas tolkiisa kasoo shireyso maadaama qofka la dilay tolka ka dhashay yiri. Marxuum Ismaaciil Jimcaale jawaab fiican siiye la yiri waagaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA,

Waad u gaftay Muse Boqor, Alaha u naxariistee. He was pillar of stability in Somalia and particularly Mogadishu and many people believe, if he was not killed in 1991, the civil war could have been averted.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qardho: Xaflada Caleema-Saarka Boqorka Beesha ******* oo ka socota Duleedka Qardho.

27. november 2008

 

Qardho(AllPuntland)- Xaflad siweyn loo soo agaasimay ayaa ka socota degmada Qardho ee gobalka Karkaar duleedkeeda, waxaana Xafladan lugu caleema-saarayaa Boqorka Beesha ******* oo dhawaan xilkaasi lawareegay, waxaana Madasha joogta Masuuliyiin sare- sare oo uu hogaaminayo masuulka ugu sareeya dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Xaflad ayaa hada ka socota deegaan aan wax badan ka fogeyn Magaalada, waxaana aad loo adkeeyey amaanka goobtaasi, maadaama ay halkaasi joogaan Madaxweynayaal, Musharaxiin, Isimo & waxgarad kala duwan.

 

Hadalo kala duwan ayaa laga jeedinaya Munaasabada waqtigan, waxaana halkan jooga Wariyaal fara badan oo ka kala yimid gudaha & dibada Soomaaliya, waxa ayna si toos ah uga tabinayaan qaar ka mid ah Idaacadaha Soomaaliya hadalada kala duwan ee ka socota Munaasabadan.

 

Wariyaal ka tirsan AllPuntland ayaa joogta halkaan, waxaana ay daqiiqad-daqiiqad idinku soo gudbinayaan Wararka ku saabsan Xafladaan, waxaana lafilayaa in ay Munaasabadan ka hadlaan oo ay hadalo ka jeediyeen Isimo Puntland caan ka ah oo hada jooga hoolkan & Madaxda dawladda Puntland & Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, inkastoo aan si rasmi ah loo hubin in uu hadli doono Madaxweyne Yuusuf.

 

Xoghaymaha Xaflada oo aad umashquulsan ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan cida ka hadleysa Munaasabada, waxaana halkaasi iskugu tagay dad aad ufara badan waxa aana aan marnaba la saadaalin karin tirada dadka, waxaana laga yimid dibada & gudaha Soomaaliya, siiba gobalada Puntland waxaana qarsoomay dhul badan oo ay dadku qariyeen, waxaana si weyn amaanka uadkeynaya ciidamada amaanka ee Puntland & Ilaalada gaarka ah ee qaar ka mid ah Madaxda halkan joogta.

 

F. C. Geylan

AllPuntland, Qardho

Share this post


Link to post
Share on other sites

boqorka33aad_daarood-290x263.jpg

Munaasabada Caleemo Saarka Boqorka ******* oo ka bilaabatay Qardho

 

Horseed Media

Qardho, Puntland

 

Waxaa hada ka socota duleedka magaalada Qardho deegaanka Ceel Mur munaasabadii lagu caleemo saarayey Boqorka 33aad ee Beesha *******, Boqor Cabdullahi Boqor Muuse, ayadoo munaasbadan balaaran ay kasoo qeyb galeen dadweyne iyo marti sharaf aad u tiro badan.

 

Munaasabada ayaa hada si rasmi ah uga furmatay deegaanka Ceel Mur halkaasi oo ay ku sugan yihiin Suxufiyiinta Horseed Media oo si toos ah halkaasi saaka uga soo daadihinayey qaban qaabada munaasabada iyo waliba habka ay u socoto.

 

Waxaana qadaro kahor halkaasi hadalo kasoo jeediyey guddoomiyaha Qaban qaabada xaflada Caleemo Saarka Md.Cismaan Xaaji Nuur oo ka hadlay habka ay munaasabada u dhaceyso iyo waliba nidaamka la marayo asagoo ka codsaday kumanaanka kasoo qeyb galayaasha ah in amniga iyo nidaamka la dhawro.

 

Waxaa madasha ku sugan Issimada dhamaan Beelaha ******* kuwa dega Puntland iyo waliba kuwa kale ee ka yimid Koonfurta Soomaaliya ayadoo dhamaan issimadu ay si weyn uga soo qeyb galeen, waxaana sidoo kale mada ku sugan Marti sharaf iyo Odey dhaqameedyada beelaha kale ee martida ah, ayadoo madashana ay ka dhex muuqdaan siyaasiyiin, nabadoono, aqoonyahano, iyo bulshada inteeda kale ayadoo aan munaasabdan loo kala harin.

 

Waxaana hada la sugayaa in ay madasha soo gaaraan Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed, Madaxweynaha Puntland Cadde Musse iyo waliba mas’uuliyiin kale oo badan oo hada kusoo jeeda dhinaca madasha ay ka dhaceyso Caleemo saarka ee deegaanka Ceel Mur.

 

Dhawaan waxaad Horseed Media idiinku soo gudbin doonaa Sawirada, Filimka iyo waliba qoraalada ku saabsan habka ay munaasabada u dhacday, haduu eebo idmo. Waxaad inta ay idaacada Hawada ku jirto si toos ah uga dhageysan doontaa warbixinada ku saabsan munaasabadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqorka ******* oo Daqiiqado kahor Lagu Caleemasaaray goobta Ceelmur

 

 

Boqor C/laahi Boqor Muuse oo Daqiiqado kahor Lagu Caleemasaaray Goobta Ceelmur ee galbeedka magaalada Qardhoe Xarunta Gobolka Karkaar .

 

Xafladii Aadka U Balaarneyd Ee maanta Loogu tala Galay Caleemasaarka Boqorka ******* oo ay ka soo qeybgaleen Masuuliyinkaladuwan oo ka kala socday Dowlada FKMG ah oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowlada Dhexe Ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hagaaminayo iyo sidookale Madaxweynaha DGPL Gen Maxamuud Muuse Xirsi Cade iyo Xubno ka tirsan DGPL, Isimo ,Cuqaal ,Waxgaradkaladuwan iyo Dad Weyne Aad u Farabadan oo aan la tira Koobi karin oo Dal iyo dibadba uga yimi sidii ay uga Qeyb qaadan lahaayeen Caleemasaarka Boqorka ******* .

 

Hadaba Mudo yar oo ay ka Soo wareegatay Daqiiqado Un ayaa waxaa Halkaasi Lagu Caleemasaaray Boqorka Cusub ee Boqortooyada ******* Boqor C/laahi Boqor Muuse, ayado halkaasi loogu Duceeyay islamarkaana laga soo jeediyay Qudbado aad u muhiim ah oo ku aadan Hambalyada Boqorka Cusub Ee Boqor C/laahi Boqor Muuse.

 

waxaana Halkaasi Dadkii ka Hadlay Islamarkaana Qudbadaha Aadka u mihinsan ka soo jeediyay ka mid ahaa Madaxweynaha Somaliya Mudane C/laahi yuusuf Axmed asagoo siweyn ugu Hambalyeeyay Boqorka Cusub Ee La Caleemasaaray iyo Dhamaan Uamada Soomaaliyed Gaar ahaan Boqortooyada ******* .

 

Waxaana Halkaas Ka hadlay Qar ka Mid ah Fanaaninta Islimada, Abwaan Baarleex oo ka mid ah Abwaaniinta ku Xeel dher hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed o halkaasi Hadalo kasoo jeediyay ayaa waxaa uu Amaan Iyo Baraarujin Ugu soo jeediyay Boqorka Boqortooyada Beelaha ******* Asagoo adeegsanaya Suugaanta Hidaha iyo Dhaqanka Ay u leeyihiin Umada Soomaaliyeed .

 

Isku soo wada Duub oo Xafladii Munaasabada Calemasaara Boqorka ******* oo haatan aan sirasmi ah la soo gabagabeyn Sida uu sheegay Xiriiriyaha Xafladaas Balse waxad kaga Bogan Doontaan Waxii ku soo kordha Wararkayaga Dambe.

 

SBCInternational Studio Ceelmur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqorka ******* oo la caleemo saaray

 

Waxaa qadar yar kahor lagu caleemo saaray Deegaanka Ceel Mur Boqorka 33aad ee Beesha ******* Boqor Cabdullahi Boqor Muuse, waxaana daqiiqado kahor si rasmi ah u dhacday qeybta caleemo saarka ee munaasabada.

 

Waxaa khudbado halkaasi kasoo jeediyey nabadoono iyo waxgarad ka shaqeenayey munaasabada, ayadoo Boqor Cabdullahi caleemo saarkiisa u dhacay hab si weyn loo soo agaasimay.

 

Mid kamid Aqal soomaaliyada laga dhisay meesha ay ka dhaceyso caleemo saarka, ayadoo Boqorka madaxiisa la saaray caleemo taasi oo astaan u ahayd caleemo saarka.

 

Waxaa madasha ku sugan Issimada Beelaha ******* iyo kuwa kale ee martida ah, ayadoo ay ku sugan yihiin meesha Issimada gobalada Bari, Sanaag, Karkaar, Sool, Cayn, Nugaal, Muddug ayadoo sidoo kale ay goobta ku sugan yihiin issimada ka yimid dhinaca Gedo iyo Jubooyinka, iyo beelaha kale ee koonfureed oo ay nabadoono ka socda ku sugan yihiin goobta.

 

Waxaa goobta uu caleemo saarka ka dhacay jooga Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed, Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse oo ayagu labada dhinac ka fadhiyey Boqorka markii la caleemo saarayey, waxaana sidoo kale goobta ku sugan mas’uuliyiinta Puntland intooda badan iyo waliba musharaxiin badan oo kamid ah kuwa u taagan doorashooyinka Puntland.

 

Munaasabada ayaa hada loo gudbay Tukashada salaada Duhur ayadoo lagu wado kadib salaada duhur in ay halkaasi ka bilowdaan sugaano iyo waliba Khudbadaha mas’uuliyiinta goobtaasi ku sugan.

 

Goobta uu caleemo saarka ka dhacayo ayaa ah mid aad loo soo buux dhaafiyey isla markaana ay ku sugan yihiin kumanaan kun oo dad ah ayadoo la waayey meel ay dadku kala maraan, waxaa kamid ah xiliyadii aadka halkaasi looga dareemay xamaasada markii uu halkaasi yimid saaka Boqorka oo gaarigii uu saarnaa ay galbinayeen Fardo lasoo gaashaamay, ayadoo hada si rasmi ah u dhacday caleemo saarka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this