Sign in to follow this  
General Duke

Dr Faroole's official trip to Ethiopia Djibouti: PICS

Recommended Posts

So why dont we get the situation stable instead of forever wasting time?

 

Yes I do agree we have allot to offer and could be a power house even surpass Kenya as the regions leading economy in no time.

 

But we do waste time, clans to religious clan movements and so on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Addis Ababa: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Madaxda Wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya.

13. marts 2009

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay Madaxda dawladda Itoobiya, oo ay ka wada hadleen waxyaabo badan.

 

Saraakiisha la socota Madaxweynaha Puntland ayaa usheegay AllPuntland in uu Madaxweyne Faroole la kulmay Wasiirka arimaha dibada ee dalka Itoobiya & Madax kale oo uu kala xaajooday xaalada xiriirka labada dhinac, ayagoo isla gaaray go'aamo muhiim ah oo ku aadan danaha labada dhinac.

 

Masuulkan wuxuu sheegay in uu Madaxweyne Faroole & wafdigiisu ay Xukuumada Addis Ababa kala hadleen xaaladaha amaanka, ganacsiga & Siyaasada, ayadoo dhinac walba uu soo bandhigay sida ay la tahay in wax looga qaban karo xaaladaha ka dhaxeeya Maamuladan.

 

Puntland & Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriiro dhinacyo badan leh, waxaana Maamulkii hore ee Puntland uu heshiisyo lagalay dawladda Itoobiya, kuwasoo ku aadanaa dhinacyada amaanka, Siyaasada & Dhaqaalaha.

 

Madaxda Puntland ayaa lafilayaa in ay maalinta beri ah galinka hore ay la kulmaan Raysalwasaaraha dawladda Itoobiya Meles Zanewi oo ay la yeelan doonaan kulamadooda ugu dambeeya, waxaana warar Hoose ay sheegayaan in ay ka wada hadlayaan xaaladaha amaanka, Siyaasada & dhaqaalaha.

 

Safarka Madaxda Puntland ay ku joogaan dalka Itoobiya ayaa soo dhamaan doono maalmaha nagu soo aadan, waxaana ka dib ay ukicitimayaan dalka Jamhuuriyada Jabuuti oo ay kala hadli doonaan xukuumada wadankaasi, xaaladaha Maamuladooda.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo la kulmey madaxda Ethiopia

14 Mar 14, 2009 - 5:39:12 AM

 

Cabdiraxman Farole & Sayoum Mesfin

Madaxweynaha DGPL iyo wafti uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa wadanka Ethiopia ayaa maanta magaalada Addis Ababa si gooni gooni ah xafiisyadooda ula kulmay Raísal Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi & Wasirrka arrimaha dibada Ethiopia Atto: Sayoum Mesfin.

 

Madaxweynaha Puntland iyo Raísal wasaraha Ethiopia ayaa kawada hadley arrimaha Somalia iyo sidii loo sii xoojin lahaa nabada gobolka iyo burcad badeedka Somaiyed ka qawleysata xeebaha dalka Somalia.

 

 

Madaxweynaha Puntland & wasiirka ganacsiga Ethiopia oo kulamya

'Ra'isal wasaaraha Ethiopia ayaa sheegey in beesha caalamka ka tageerto Puntland sidii wax looga qaban lahaa burcad badeedka Somalia iyaga oo hoosta ka xariiqey in holwgalka ciidameed ee beesha caalamku ka wada xeebaha Somalia waxyar ka qabaneyso sidii loo xakameyn lahaa kooxahaan.

 

Meles ayaa ka balan qaadey madaxa maamul goboleedka Puntland in dowladiisa ka tageereyso sidii beesha caalamka looga raaridi lahaa in howlgalka wadamada reer galbeedka ka wadaan xeebaha Somaliya ay qayb uga noqon laheyd MGPL

 

 

Madaxweynaha Puntland & Waftigiisa oo kulamo ku jira

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Sayoum Mesfin kulan balaaran oo maanta March 14,2009 uu la yeeshay waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa waxa lagaga hadley; dib u heshiisiinta Somalia iyo sidii loogu heli wadanka dagaaladu halakeyeen xal siyasadeed ee waara , burcad badedka Somalia, Tahriibta iyo sidii shacabka labada dal loogu sahli lahaa isu socodka ganacsiga taasoo saldhig ay u tahay ilaalinta nabad-galyada soohdimaha labada dal.

 

Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa ayaa wararka soo gaaraya warsidaha GO sheegayaan inuu horey kulamo kala duwan ula yeeshay madaxda wadanka Ethiopia sida afhayeenka Barlamanka Federaalka Ethiopia Amb.Tashome Toga, madaxa Booliska Federaalka Ethiopia Comm. Warkinih, Wasiirka ganacsiga & Warshadaha Hon. Girma Biru, Wasiirka Dalxiiska Ethiopia Mud. Dirir iyo safiirka Jarmalka u fadhiya Addis Ababa.

 

 

Madaxweynaha Puntland & safaarada Jarmalka

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda kulamo la yeeshan diplomasiyiinta wadamada reer galbeedka ah ee ku sugan Addis Ababa, sarakiisha midowga africa iyo qaar ka tirsan hayádaha samafalka caalimiga ee saldhiga ku leh Ethiopia.

 

Sarkaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in Arbacada kasoo dhoofi doonaan magaalada Addis Ababa.

 

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa la filayaa in booqasho rasmi ah ku tagi doonaan wadanka Jabuti halkaas oo ay booqasho rasmi ah ka haystaan Madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Geele.

 

Garowe Online, Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Adis Ababa, Mar 14 - Puntland iyo Ethiopia oo iska kaashanaya la dagaalanka tahriibka, iyo M/weyne Faroole iyo waftigiisa oo shirar la yeeshay madaxda dalka Ethiopia. [Akhris ...]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Addis Ababa: Madaxweynaha Puntland & Raysalwasaaraha Itoobiya oo wada hadalo qaatay.

15. marts 2009

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Itoobiya ayaa la kulmay Raysalwasaaraha dawladda Itoobiya Meles Zanewi, sida ay shaacisay Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA.

 

Madaxweynaha Puntland & Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa wada hadaladoodan waxa ay qaateen saacado badan, waxa ayna labadan hogaamiye ka wada hadleen arimaha amaanka xuduuda labada dhinac, Siyaasada & dhaqaalaha Puntland, ayagoo isla gaaray heshiis ugu dambeyntii shirkan.

 

Raysalwasaaraha martida loo yahay ee Itoobiya Meles Zanewi ayaa usheegay Madaxweyne Faroole in ay dawladda Itoobiya xiriir wanaagsan la leedahay dawladda Puntland, isla markaasna ay bulshada Puntland & Itoobiya ka dhaxeeyeen iyo dano gaar ah oo aysan la-laheyn dhinacyada kale ee Soomaalida.

 

Meles wuxuu sheegay in ay xukuumadiisu diyaar utahay in ay dawladda Puntland gacan ka siiso dhinacyada amaanka iyo Siyaasada xuduuda, isagoo sheegay in loo baahan yahay in ay Puntland ka shaqeyso danaha labada dhinac ka dhaxeeya.

 

Zanewi ayaa soo dhaweeyey isbadalkii hogaanka Puntland ku yimid, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay Soomaalida kale in ay ku daydaan Puntland ayna sameystaan maamul gobaleedyo awoodoodu muuqato oo ay iska qaadayaan dagaalada.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa isna dhiniciisa ku soo qaaday wada hadaladan waxyaabaha uu damacsan yahay maamulkiisu iyo xiriirka labada dhinac, isagoo sheegay in ay soo dhaweynayaan in laga wada shaqeeyo amaanka xuduuda lana ilaaliyo danaha hoose ee ka dhaxeeya Puntland & Itoobiya.

 

Madaxweyne Faroole ayaa usheegay wakaalada wararka ee ENA in ay wada hadaladii ay la yeesheen Madaxda dawladda Itoobiya ay waji wanaagsan ku soo dhamaadeen, isla markaasna ay Puntland iyo Itoobiya xiriirkoodu soo jiray, markan uu sidiisii uu ahaan doono.

 

Ka hor intiisan Madaxweynaha Puntland C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud (Faroole) la kulmin Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuu la kulmay Wasiirka arimaha dibada ee dawladda Itoobiya oo ay waxyaabo badan ilsa soo qaadeen oo ku aadan danaha labada dhinac.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mesfin oo casumey waftigii MG.Puntland

15 Mar 15, 2009 - 9:31:50 AM

 

Madaxweynaha Puntland & Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia oo ku sugan goobta casumaada

Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Sayoum Mesfin oo ay weheliyaan Wasiirka dalxiiska, wasiiru dowlaha Beeraha, Wasiiru dowlaha arrimaha dibada iyo xubno kale ayaa maanta March 15,2009 qado sharaf ugu fidiyey waftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Puntland halka la yiraahdo Kuriftu [Debrazet] oo 45KM u jirta magaalada Addis Ababa.

 

Qado sharaftaan ayaa timid kadib markii waftiga ka socda Puntland kulamadii ay la lahaayeen madaxda dowlada Ethiopia ugu dhamaadeen muddo ka yar asbuuc.

 

Kuriftu, Dabrazet oo ah halka lagu casumey waftiga Puntland

Martiqaadkaan oo ahaa mid aad loo soo agaasimey ayaa ka dhacey goob ayaa madaxda labada dhinac isku dhaafsadeen fikrado ka dhashay kulamadii horey u dhexmarey labada dhinac.

 

Wafiga Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in maalmaha soo socda u soo dhoofaan wadanka Jabuti halkaas oo sidoo kale ay ka ahystaanmartiqaad rasmi ah.

 

 

Waftiga Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa

Madaxweynaha Farole oo horey booqasho ugu fidyey gobolada Puntland ayaa waqtigan kulamo la qaadanaya wadamada dariska la ah Somalia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

casumaad2.jpg

roses r red, poppys r 2, but ill do anything 2 b with you

 

 

PS

How did it feel being that close to the man who ousted Adeer Yey? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this