Sign in to follow this  
Somalina

Mudane Sh. Ahmed oo xariga ka jaray taawar laga hago ships

Recommended Posts

Somalina   

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa maanta xarigga ka jaray towar casri ah oo laga hago maraakiibta kaasoo laga hirgaliyay dekadda weyn ee Muqdisho.

Madaxweyne Shariif ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay munaasabadaasi, sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in dekadda Muqdisho loo dhiso qalab casri ah oo maraakiibta u sahlaya iney si fudud ku aqoonsadaan dekadda Muqdisho.

 

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Sh. Aadan Max’ed Nuur Sh. Aadan Madoobe, ayaa sheegay in taawarkaan laga hago maraakiibta ay maalgalisay dowladda Japan, iyadoo ay hirgalisay hay’adda WFP.

Sh. Aadan Madoobe, ayaa sheegay in qalabkaan casriga ah ee lagu xiray dekadda Muqdisho uu muhiimad gaar ah u leeyahay socodsiinta iyo horumarinta howlaha dekadda Muqdishu. Wakiilka WFP Somalia Stivano Proti, ayaa sheegay in WFP ay ku guuleysatay hirgalinta taawarkaan, wuxuuna sheegay in tani ay billow wanaagsan u tahay howlo badan oo ay WFP dooneyso in ay la qabato dowladda KMG ah.

img_0148.jpg

Muuqaalka Taawarka cusub ee laga hagayo maraakiibta ku soo xirata dekada Muqdisho.

 

img_0105.jpg

img_0124.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by NinaNC:

^JB asagaa mirqaansanba oo u maleeyey wasiirada khatka lacagtiisa lagu leeyahay iney sawirka ku jiiran
smile.gif

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dhismaha Maxjarka dekadda Muqdisho oo meel wanaagsan mareysa

 

Wednesday, 27 October 2010 09:51

ssss.jpg

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa sheegay in meel gebagebo ah uu marayo dhismaha Maxjar laga hirgelinayo deegaanka Jasiira ee Duleedka Muqdisho.

 

Iimaan Maxamed Cali Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo saaka u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in meel gabagba ah uu marayo dhismaha Maxjar dhawaan laga hirgaliyay deegaanka jaziira ee duleedka magaalada Muqidsho si looga faa’idaysto xoolaha nool ee Soomaaliya laga dhoofiyo kadib markii ganacsato Soomaaliyeed ay ku fakareen in Maxjar xoolaha lagu xanaaneeyo laga hirgaliyo koofurta Soomaaliya.

 

Waxaana uu tilmaamay gudoomiyuhu in waqti dhaw ay bulshada ka faa’idaysan doonto waxqabadka Maxjarka gaar ahaan xoolaha nool ee laga dhoofiyo Soomaaliya lana geeyo qaar ka mid ah wadamada Khaliijka.

 

24 kii julay ee sanadkan ayeey aheyd markii la dhagax dhigay dhismaha Maxjarka oo laga hirgelnayo deegaanka jaziira ee duuleedka Muqdisho waxana munaasbadii dhagax dhigga ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya.

 

RM

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaaji sheekadaada kala bax wadaadkeena amiirul mu'miniinka sheikh shariif Sh axmed qaraar ba idinka haaysta ee ilaahay ka baqa haku danbaabina wadaadka culimadda lama caaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this