Sign in to follow this  
me

Shabelle reporting?

Recommended Posts

me   

Yuusuf.jpg

 

Nice picture. and then read the story.

 

Muqdisho 25 April .2008. (Sh.M.Network)-Madaxweynaha DFKMS C/laahi Yuusuf Axmed ayaa dadkii ciidamada Ethiopia ay ku dileen aga gaarka Masjidka Alhidaaya iyo gudihiisa ku eedeeyay in iyagu Masuul ka ahaayeen in la dilo.

 

Madaxweyanaha DFKM C/laahi Yuusuf axmed oo Idaacada voa wareysi siiyay ayaa waxa uu sheegay in dadka ku dhintay dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ay muteesteen in la dilo sida uu hadalka u dhigtay’ maxaa yeelay buu yiri iyagoo u ogolaaday in xaafadaha diriskooda ah ay ka dagaalamaan kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Ethiopia iyo siyaasada DFKM.

 

Dagaladii dhawaan ka dhacay Magalada muqdisho ayna ku dhinteen in ka badan 80 Ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan 11 qof oo lagu gowracay Masjidka Alhidaaya ee Magalada Muqdisho ayaa madax weynaha waxa uu sheegay in dilkooda ay sabab u ahayeen in Ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFKM lagala dagaalamo xaafadhooda.

 

Madaxweynaha DFKM ayaa waxaa kaloo uu sheegay in ciidamada DFKM iyo Ciidamada Ethiopia kuwa la dagaalamaya ay yihiin wax uu ku sheegay in ay yihiin kooxo arga gixiso ah.

 

Hadalka Madxweynaha ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dhamaan hay’adaha xuquuqul insaanka iyo Jaamacada carabta,QM ay cambaareen dusha kaga tureen xasuuqii ciidamada Ethiopia ay ka gaysteen gudaha masjidka Al hidaaya iyo Nawaaxigiisa,waxaana sidoo kale ay ku suu beegmaysaa xili Hay’adaha Samafalka iyo Beesha caalamka ugu baaqayaan in gar gaar lala soo gaaro 1000, kun oo qof oo ka barakacay dagaaladii dhawaan ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Now look at how garowe reports this story

 

From Garoweonline.com

 

Interviews

Madaxweynaha DF oo diidey xasuuqa Masaajidka

By

Apr 24, 2008 - 9:16:08 PM

 

 

DHAGEYSO

 

Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf oo Idaacada VOA wareysi siiyey ayaa ku tilmaamey xasuuqa la sheegey in uu ka dhacay masaajid ku yaala Muqdisho aysan waxba ka jirin isaga oo tilmaamey in dowlada is-daafceyso.

 

Madaxweynaha oo ka jawaabayey dagaalada Muqdisho ayaa yiri " Adeer Somalia habeen iyo maalin waa la xiriiraa xogogaal baan u ahay waxaa la sheegayaa wax jira ma aha, eegeey dagaalka socda waxaa wada dad argagixisa ah oo la baxay Shabaab iyo Qacida iyo magacyada noocaas ah, dadkaas hadey dagaalka iska daayaan cidina inta raadsato lama dagaasheen, iyagaa dagaalka bilaabey, iyagaa weerarey ciidamada Ethiopia, ciidamada Ethiopia-yana anaga u yeeraney oo keensaney xoog kuma tagin Somalia, sidey doonaan-na ma yeelaan waan wada shaqeynaa, hadee waa is-daafaceynaa dalka iyo dowlada-ba, kii markaa balaayo sameynaya haduu xabado ka soo tuuro masaajid oo ka dhigto dhufeys ee waayahay isagiina waa lala dirirayaa oo xabad ninkii kugu soo rida waa iska daafaceysaa adna xabad ayaa ku rideysaa lakiin wax intii masaajid loogu galey oo la laayey habayaraatee ma jiraan."

 

Cabdulahi Yusuf oo la waydiiyey hadii difaacooda uu la galo masaajid in ay galayaan ayaa yiri " Iyagoo hubeysan hadey intey masajid galaan oo na soo xabadeyan waa ugu galeynaa masajidka dhexdiisa ku leyn-maynee, intaan ka soo saarno oo Maxakamad geyno ayaan ley-neynaa, waa in Maxkamad xukuntaa marka hore."

 

Mr.Yusuf oo la waydiiyey inta wadanka uu ka soo maqnaa xaalada Somalia ka sii dartey ayaa sheegey in aysan waxba ka jirin balse nimanku ogyihiin in uu tageero waydiisaneyso Yurub iyo America, mucaardkanu u jeedaan in caalamka dareensiiyaan in dowlada waxba awood laheyn isaga oo hoosta ka xariiqey in propoganda uga dan leeyihiin laakiin aysan awood laheyn.

 

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyo kulamadii uu la qaatey Mareykanka ayaa tibaxey in wadahadaladu ahayeen kuwa diirada lagu saarayay nabad galyada, siyasada, dib u soo nooleynta hay'adihii dowlada iyo dib-u-heshisiinta.

 

Cabdulahi Yusuf oo wax laga waydiiyey dib-u-heshiisiinta cida ay la hadlayaan ayaa yiri "Mucaaradka kuwii Asmara,kuwa dalka gudahiisa jooga, Diasporadiina balaayo ayaa idinka buuxda idinka laftigiina, wixii Soomliya oo mucarad ahaa ama power doon ah ama wax tabanayey, waxaan kawada hadleynaa sii sharaftii dalka loo soo celin lahaa, burburka-na looga soo kaban lahaa."

 

Madaxweyne Cabdulahi la waydiiyey in Mareykanka culeys ku saarey in usan la hadlin mucaardka qaarkiis ayaa sheegey in xukuumada Wasihington leedahay caqli ku filan balse ninkii argagixiso ah isagu diidi doono wadahadalka balse uusan ka hordhaceyn.

 

Cabdulahi Yusuf oo waxlaga waydiiyey in nooca mucaradka ay la hadlayaan ayaa yiri " Ama qunyar ha ku socdee ama xowli ha ku socdee ninkii nabad raba waan la hadleyna anagu."

 

DHAGEYSO

 

Garowe Online+VOA

 

 

http://www.garoweonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

That is why shabaab and their media supports lost all credibility. Dilka xaqdaradda ah iyo beenta waa isugu mid. Malaha waxay maqleen "al-xarbu khidca"= War is deception.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this