Sign in to follow this  
Emperor

Alshabaab release POWs: Is this a grand design strategy to win over the people?

Recommended Posts

Emperor   

Alshabaab oo Maxaabiis Siidaayay

 

By Somalimirror on 12 May, 2009 10:47 PM in Main, Wararka

 

Al-shabaabDhaqdhaqaa qa Alshabaab ayaa maqribnimadii siidaayay Maxaabiis ay ka qabteen Stadium Muqdisho iyo Xarunta Xisbiga kadib dagaaladii ka todobaadkan ka soconayay Magaalada Muqdisho.

 

Ilaa 15 askari oo ka kala tisrasanaa MMI ee ku biiray DKMG ah iyo Ciidamadii hore ee Dawladda isla markaana lagu qabtay Dagaaladii Muqdisho ka soconayay dhawrka bari ahayd ee la soo dhaafay ayay siidaayeen Xoogagga Alshabaab waxaana arrintaas Xaqiijiyay Sh.Cali Maxamuud Raage Fidow oo ah Wakiilka Alshabaab u qaabilsan Gobollada Dhexe.

 

 

 

Sh.Cali Maxamuud Raage Fidow oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “ Markii aan aragnay in raggaan intooda badan ay ahaayeen qaar la soo siray sida ayagu ay sheegi doonaan, qaarkodna ay ahaayeen qaar hunguri iyo waxyar oo maciishad ah ay qaday, anagu waxaan u dagaalamaynayna ay ahayd in dadkan la badbaadiyo aakhira iyo aduunba, markii aan ka helnay damaano iyo in aysan dib ugu laabanayn waxa ay ku jireen eheladoodii waxaan go’aansanay in aan siidayno oo aan ilaahay SW u barino in uu hanuuniyo, iyaga iyo kuwa kaleba ee maanta wali safka cadawga ka dagaalamaya waxaan kula dardaarmayaa in aysan ku qasbinin xoogaa yar oo hungiri ah oo ka soo daahay in ay u bareeraan naftooda oo ay halaag ku ridaan

 

Maxaabiistan oo saxaafadda loo soo bandhigay ayaa laftoodu waxay cadeeyee in ay ka mid ahaayeen ciidamadii Dawladda eek u sugnaa Staduim Muqdisho iyo xarunta xisbiga waxayna sheegeen in ay isdhiibeen kadib markii ay halkaa ku go’doomeen waxaana sidoo kale ka mid ahaa dadkaa goobta ka hadlay dad ehelo u ahaa Maxaabiista ay maanta siidaayeen Ururka Alshabaab.

 

Majirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan arrimahaan oo ka soo yeeray Dhinaca DKMG ah.

 

Dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka soconayay Magaalada Muqdisho ayaa DKMG ah iyo Taageerayaasheeda waxaa lagala wareegay baro muhiim ah oo ay horay ugu sugnaayeen waxaana jira ciidamo iyo hub u soo wareegay dhinaca Xoogagga Xisbul Islaam iyo Alshabaab ee ka soo horjeeda DKMG ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Xarakada Alshabaab oo maanta sii daayey Maxaabiis ay ku soo qabteen Dagaalkii 5ta Maalmood ay Magaalada Muqdisho kula galeen Ciidamada Dowladda.

 

 

Muqdisho,12,May,2009 ,Talaado,(Hillaac.ne t) Ururuka Al Shabaab ayaa galabta sii daayay Maxaabiis kor u dhaafaysa 15-Maxbuus kuwaasi oo ay sheegeen in ay kula dagaallameen Gudaha Magaalada Muqdisho, Maxaabiistan ay maanta sii daayeen Xarakada Ururka Al Shabaab oo sida Saraakiisha Alshabaab ay sheegeen isugu jira Ciidamadii hore ee Dowladda KMG iyo kuwii dhawaan ku biiray ayaa waxay sheegeen in ay ku qabteen dagaaladii mudada 5-ta Maalin ka socday qeybo ka mid ah Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Goobta Maxaabiistaasi ay maanta ku sii deynayeen Xarakada Ururka Al Shabaab ayaa waxaa Saxaafadda kula hadlay Sheekh Cali Max’uud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ah Madaxa Gobollada dhexe ee Ururka Al Shabaab, Waxana uu sheegay in Raggani ay sii deyntoodu ka dambaysay kadib markii ay damaanad qaadeen Ehelladooda.

 

Cali Xasan Axmed oo ka mid ahaa Askartii Ururka Al Shabaab ay sii daayeen oo isna Saxaafadda la hadlaya ayaa sheegay in 5-maalin oo kaliya uu ka mid yahay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, Waxana uu sheegay in Markii hore uu ahaa nin wax ka dhisa Guryaha Ninkan ayaa qirtay in uu ka tirsanaa Raggii ka Dagaallmayey Stdium Muqdisho.

 

Maxaabiista ay maanta sii daayeen Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay ku wareejiyeen Ehelladooda kuwaasi oo Saxaafadda u sheegay in ay ku faraxsanyihiin sii deynta Wiilasha Owlaaddooda ah.

 

Waa markii ugu horeysay ee Xarakada Al Shabaab ay Gacanta ku dhigaan Ciidamo ka tirsan Askarta Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay sii daayaan.

hillaac on May 12 2009 18:53:59 · Print

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^LOol, I won't be suprise if they told us the POW released is Indha'ade lool

 

But that's media and PR for you, live with it adeer, Sheikch hotel is losing, has no strategy and outmanouvered...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Calling a novice for what he is, is not crime Xiinow... Your caravan leader has made many mistakes, and still is going it about the wrong way, I hope he comes out of this but all the sign's lead that he's heading for the road to extintion

 

He's failed before it even began, its simple as that Saaxib...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Talow nimanka la siiddaayey waa qabiilma

Qabiil adiga iyo gun'ta adiga kula mid eh oo kaliya boo saameeyaa, abti. Umada Soomaliyeed oo kale Kitaab'kee Ebbe bay hal gacan kuwada qabsadeen ayakoo ku amar falaayo: "Wactasimoo bi xablilaahi jameecan walaa tafaraqoo". Miyaadan uu jeedin gutooyinka Mujaahideen'ta oo ka soo wada qul'qulaayo min kuli faj'in cameeq, min Burco ilaa Bosaaso ilaa Buulo Barde ilaa Badhan ilaa Bardheere ilaa Baidoa(running out of cities that start with B)

 

Ilko-cadeys iyo qosol-gareer kaama saarayso maanta oo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Adiga ma indhahaa dhukay-dhagood kaaga cibmey, gabankoow? Warka akhri baan ku iri oo dhuux nuxurkiisa, waa haddaad garaad leedahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabab guys are learning diplomacy fast and quick, just few days ago Shongole was critisizing Abumansur for releasing POWs in Bay and bakool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Xiinow, No hardly that was a mistake, he was headless novice who jumped on the opportunity without clear plans.

 

However, what I am talking about are grand mistakes. Your caraven leader is the President of the state and has lost control of all things government institutions, specially the police and the military forces. He can't distinct his enemies from his friends, in other words those plotting to kill him and those willing to work with him and for him are indistinguishable to him. He's failed to gather intillegence of the number and capablity of his foes as well as the power and the confidence he has on his own forces. He let others divide the TFG forces and have control over them along clan and ideological lines such as Qaybdiid, Abduqadir Ali Omar, Gobaanle, Mukhtaar dheere etcetera. In the wake of the five day war, this fact proved that Sheikh hotel never had any control over the forces he pays but those men do... He made peace with an armed warlord such Indha'ade and trusted him, how would you make peace with armed man and specially when its sicko like that warlord, the most foolish person wouldn't do that, If Indha'ade wants postion offer him, any postion but on the condition you disarm him or bring his troops under your control, if he's not up for that then consider him enemy. In the war-zone of Mogadishu, one must understand all this and your caravan leader must have lost in touch with reality when he let all this take place under his watch...

 

The other major mistake your caravan leader and his government are still making is the fact that they lost this war badly quite early in the game and whilst Alshabaab and Hizbul Islam are getting reinforcements from all over the country and gearing up for their final over-take of the city, and knowing that Sheikh Hotels last lifeline are AMISON and the rest of the international community. However, the way this war was reported has costed him and he's been oblivius to it, overwhelming majority of the western media and newspapers report that Islamist's battling out in Mogadishu, do you think anyone cares about two Islamic groups butchering each other, Saaxib the world doesn't care about the democratic elected government of Pakistan battling with Taliban for months let alone Islamists, istead he should have rectified and made it clear that it is the legitimate Somali government that's under attack by suide maniacs in his press releases, balse calaacal ayuu kabixi, wax wayn baa ka khaldan adeer...

 

All in all Shariif Ahmed have to have a vision and plan, act and take control, be causious and learn how to play the political games and put in his dictionary that pre-emptive strike is necessary at times, he has to be taugh and ruthless... but it seems waa too late now, although if he does his homework properly, gathers enough intilligence and acts quickly he can turn the clock back to head anti-clockwise...

 

Markaa, Xiinow ninkaanu waa kudaayay sidee kusocoto, ciyaal xaafadda ayuu noqday, wuxuu kabixi waayay aniga Cullumadaanba ku go'aa Nooh, Sheikh Cumar Imaan saaxiibkeey waaye wax manayeelaayo, Inda'ade waa iskaseenaa nooh dhib malahan isaga iyo C/qadir Ali Cumar ma aragtay qabiidkoo uu u egyahay lee isagaa kadhaxbaxaaya nimankaan ciidanka isaga lee udhiiba nooh, Looool Filin Hindi maa lajilaayaana :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this