Sign in to follow this  
General Duke

Former Parliment Speaker: Sharif Xasan

Recommended Posts

Shariif Xassan oo laga Xayuubiyey Xilkii Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo -(Taariikh kooban)-

Last Updated::2007-01-17 15:22:23

 

sharif_xasan_2007.jpg

 

Baydhabo:- Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta Xilkii ka qaaday Xildhibaan Shariif Xassan oo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Kalfadhigii maanta Baarlamaanka Somaliya yeeshay ayaa looga dooday Mooshin ay soo gudbiyeen 31 Xildhibaan oo codsaday in kalsoonida lagala noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Aadan.

 

Mooshinkan ayaa lagu xusay dhawr qodob oo uu jabiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kala ahaa:

 

1.- Inuu kasoo xaadiri waayey Kalfadhiga Baarlamaanka

 

2.- Inuu Guddoomiyaha Diiday 7 maalmood oo uu Golaha siiyey inuu kusoo galo Xarunta Baarlamaanka ee Baydhabo

 

3.- In Guddoomiyaha uu ka horyimid Qodobo uu horey u Ansixiyey Baarlamaanka uu asaguna guddoomiyey

 

4.- In Guddoomiyaha Baarlamaanka iskiis u qaato go'aanada Golaha ansixintiisa ka baxsan.

 

5.- In uu si Toos ah u Qaadacay Go'aano uu Baarlamaanka Ansixiyey oo sharciyeysan iyo qodobo kale.

 

Waxayaalaha kale oo loo heysto Guddoomiyaha ayey qaar kamid ah Xildhibaanada sheegeen in uu heshiis iskiis ulla galay Maxaakiimtii la burburiyey, ayagoo sheegay in wakhtigaasi uu Guddoomiyaha ka dhego adeegay inuu Baarlamaanka fasax ka qaato ama codkooda uu weydiiyo.

 

Golaha ayaa waxaa maanta fadhiyey 192 Xildhibaan, waxaana dood dheer kadib loo gudbay u codeynta kalsooni kala noqoshada iyo xil ka qaadista.

 

* 183 Xildhibaan ayaa u codeeyey in xilka laga xayuubiyo Guddoomiyaha

 

* 9 Xildhibaan ayaa Diiday in xilka laga dejiyo Shariif Xassan

 

Kalfadhiga oo uu Guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Md.Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku dhawaaqay go'aanka Baarlamaanka asagoo si rasmi ah u shaaciyey in Golaha uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka oo asagu hada dalka ka maqan.

 

Shariif Xassan ayaa hada ku maqan Yurub asagoo si weyn uga horyimid inuu soo galo dalka gudahiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kala Jabkii Baarlamaanka

 

Maaha markii ugu horeysay oo Guddoomiyaha lagu eedeeyo inuu sharciga garab maray, ayadoo si weyn loo xasuusto xiligii uu Baarlamaanka Somaliya dagaalka ku dhexmaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya taariikhdu markay ahayd 17 Maarso 2005 xiligaasi oo uu Guddoomiyaha Go'aamiyey ansixin buuq ka taagnaa oo la xariirtay in la keeno ciidamo shisheeye dalka Somaliya.

 

Rabshadaasi ka dhacday madashii kalfadhiga Baarlamaanka ee Hotel Grand Regency (Nairobi) oo soo jiitay indhaha caalamka, maadaama idaacadaha adduunkana laga siidaayey, ayaa waxaa si weyn uga qeyb qaatay feerkii iyo kursi tuurkii halkaasi ka dhacay Hogaamiye kooxeedka Muqdisho oo markaasi si weyn uga soo horjeeday in ciidamo dalka Somaliya la keeno.

 

Wakhtigaasi kadib ayuu Guddoomiyaha iyo taageerayaashiisa oo ku dhaw 100 xildhibaan ay usoo baxeen dhinaca magaalada Muqdishoayagoo markaa garab ka heysta Qabqablayaashii , dagaalka oo wakhtigaa kasoo horjeeday Dowlada.

 

Shariif Xassan ayaa xiligaa ku guuleysan waayey inuu maamul la sameeyo hogaamiye kooxeedkii Muqdisho oo dhexdooda cadaawad isu hayey, ayadoo ay ku adkaatay qorshihii isbaaro qaadida oo siyaasadiisa laf dhabarta uga dhigay, maadaama uu doonayey in ay dowlada timaado Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heshiiskii Cadan

 

caddan_heshiis_somaliya1.jpg

 

Taariikhdu markay ahayd 5tii bishii Janaayo 2006 ayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya iyo Madaxweyne C/laahi Yusuf Ahmed ay heshiis taariikhi ah kuwada saxiixeen magaalada Cadan ee dalka Yemen.

 

Heshiiskaasi ayaa ahaa kii soo afjaray kala qeyb sanaantii Baarlamaanka Soomaaliya uu ku jira.

 

Waxaana heshiiskaasi kadib ay hogaamiyaasha DFKMG wada go'aansadeen in Baarlamaanka Soomaliya la isugu keeno magaalada Baydhabo ayadoo laga soo wareegay magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho oo ay labada garab kala fadhiyeen.

 

Shariif Xassan ayaa heshiiskaasi u arkay mid aad u muhiimsan maadaama uu Baydhabo kasoo jeedo isla markaana ay guul u ahayd shacabka deegaankaasi in dowlada ay xarun ka dhigato halkaasi, xiligaasi oo ay magaalada Baydhabo ka jireen amni xumo iyo dhibaatooyinka dhinaca Bulshada.

 

Ayadoo taasi u dheertahay magaalada Muqdisho oo ay xaaladeedu markaasi cakirneyd isla markaana hogaamiye kooxeedkii uu Guddoomiyaha gacansaarka lalahaa oo si weyn isugu khilaafay maamul u sameynta gobalka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii 2aad ee Khartuum

 

shirka_khartuum2.jpg

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ay taariikhdu ahayd 5tii September 2006 wafdi uu hogaaminayo oo ka socda dhinaca Dowlada Somaliya ay heshiis qabyo ah magaalada Khartuum kula galeen wafdi ka socday Maxaakiimta Islaamiga ah.

 

Xiligaasi ayaa la hadal hayey khilaaf soo dhexgalay Shariif Xassan iyo Madaxweynaha Somaliya oo ku aadanaa sidii loo abaari lahaa heshiiska lala gelayo Maxaakiimta.

 

 

Balse Shariif Xassan Wafdigaasi wuu kamid noqday inkastoo uu ka gaabsaday saxiixida heshiiska oo uu dowlada dhinaceeda qalinka ugu duugay Wasiirka Dastuurka C/laahi Sh. Ismaaciil.

 

Wareegii Sadexaad ee shirka Khartuum oo la isugu tagay oo lagu waday inuu khartuum ka furmo 30kii bisha Oktober 2006 ayaa waxaa wafdigii dowlada uga qeyb geli lahaa laga saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayadoo uu wafdigaasi hogaamiyey Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee DFKMG.

 

Wareegii sadexaad ee shirkii Khartuum ayaan asagu hirgelin kadib markii ay labada dhinac isku dhaafi waayeen shuruudo ay ku xireen shirka dhinaca Maxaakiimta Islaamiga oo diiday in shirka ay wax ka guddoomiyaan ururka IGAD oo uu markaasi matalayey dalka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke brother that guy is not someone who deserves the title 'speaker of parliament', he is not very 'how should I say that', I'm lost for decent words here and I don't want to offend nor break the golden rules!

 

There are threads about him but I never contribute, I find it particularly amusing, when I have to look at him when he's smiling. His smile speaks volumes about what he is!

 

Nevertheless thanks Shariif for the many amusements You gave us! The guy is still going!

 

Everyone tried to 'bribe' him and he took everyone's money including Cali Abdalla Saalax, who gave him a bucket load to shut up and work with the government, remember the Aden Accord? Lol, but he still contintued with the amusement!

 

A ciyaalasuuq more interested in becoming a 'celebraty', then doing his job will he remembered for and ofcourse that telling 'smile'!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heshiiskii Maxakamada

 

aweys_shariif_Xassan_muqdisho.jpg

 

 

Taariikhdu markay ahayd 11kii bishii November 2006 ayuu Shariif Xassan markale ka goostay si lama filaan ah dhinaca Dowlada, asagoo kadib u baxay magaalada Muqdisho oo ay wakhtigaa gacanta ku hayeen Maxaakiimta Islaamiga.

 

Xiligaasi ayuu Shariif Xassan ku gacan seeray talooyin ay usoo jeediyeen Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka oo ka codsaday Guddoomiyaha inuu kala tashado wixii heshiis ah oo uu la galayo Maxaakiimta, arrintaasi oo uu ku gacan seedhay Shariif Xassan oo markaasi aaminsanaa in markale uu Baarlamaanka usoo rari doono magaalada Muqdisho.

 

Xiligaasi ayey Dowlada Federaalka ahayd mid loogu magacdaray Dowlada Fadhiidka ah, isla markaana ku koobneyd magaalada Baydhabo, halka Maxaakiimta Islaamiga ah ay si dar darleh ulla wareegeen gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, ayagoo markaasi khal khal iyo hanjabaad u jeedinayey Dowlada fadhiday Baydhabo iyo waliba maamulada kale ee dalka ka jira.

 

 

Heshiiskii 2aad ee Cadan

 

 

Kadib markii uu Shariif Xassan heshiiska kula galay Maxaakiimta Magaalada Muqdisho ayuu u ambabaxay dalka Yemen oo uu markale ka codsaday in la dhex dhexaadiyo asaga, maxaakiimta iyo DFKMG.

 

Arrintaasi ayaa socon weyday kadib markii uu Madaxweynaha Somaliya diiday inuu tago dalka Yemen si uu ulla shiro Shariif Xassan iyo Shariif Axmed oo markaa ka socday Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho.

 

Taariikhdu markay ahayd 16kii bishii December 2006, ayey magaalada Cadan shir jaraa'iid kuwada qabteen labada shariif iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Yemen.

 

Labo todobaad kadib waxaa qarxay dagaalkii dhexmaray Dowlada iyo Maxaakiimta, ayadoo si lama filaan ah 10 maalmood kadib Maxaakiimta looga qabsaday xaruntoodii Muqdisho.

 

Burburkaasi ku yimid Maxaakiimta ayaa waxaa garab socday burbur si gaar ah ugu yimid siyaasadii Shariif Xassan ayadoo magaaladii Muqdisho oo uu islahaa u wareeg mar 2aad sidii waagii uu heshiiska la galay hogaamiye kooxeedka, ayay gacanta ku dhigtay Dowlada Federaalka oo gacan militari ka heshay Dowlada Itoobiya.

 

 

La dagaalanka Itoobiya

Shariif Xassan ayaa intaasi kadib wuxuu ka dhoofay magaalada Cadan, asagoo siimaray Dubair, wuxuuna dib ugu noqday magaalada Nairobi, asagoo ka gaabsaday inuu u gudbo magaalada Baydhabo.

 

Shariif ayaa codsaday in marka hore uu la kulmo Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed, arrintaasi oo uu ku gacan seedhay Madaxweynaha oo asaguna dhinaciisa codsaday in shariifka uu Baydhabo soo galo.

 

Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Geedi oo booqday Nairobi ayaa ka gaabsaday inuu la kulmo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo markaa diyaar u ahaa in uu la xaajeysto Dowladii uu kasoo gadooday.

 

Todobaadkaasi ayuu Shariif Xassan ku baaqay in dagaal lala galo ciidamada Itoobiya ee gacanta siinaya DFKMG, asagoo sheegay inuusan dalka degi doonin inta ay itoobiyaanka joogaan.

 

 

Shirkii Jaraa'iid iyo Nairobi

Markii ay Taariikhdu ahayd 5tii bishan Janaayo 2007 ayuu Guddoomiyaha markale shir jaraa'iid ku qabtay magaalada Nairobi asagoo ay wehliyaan 25 xildhibaan.

 

Wuxuun ku dhawaaqay markaasi in lala dagaalamo Ciidamada itoobiya iyo kuwa dowlada maadaama uu sheegay in dalka la qabsaday, waa suu hadalka u dhigayee.

 

Arrintan ayaa keentay in Dowlada Kenya ay xabsiga u taxaabto Xildhibaano badan 6tii bishan Janaayo.

 

Dowlada Kenya ayaa ka codsatay xildhibaanadaasi in ay isaga baxaan dalka muddo 74 saac ah.

 

Culeyskaasi la saaray Taageerayaasha Shariif Xassan iyo xiriir la'aanta u dhaxeysay Guddoomiyaha iyo Dowlada, ayuu markale Xildhibaan Shariif Xassan isku dayey inuu soo jiito taageerada Dowladaha Kenya iyo Somaliya.

 

7dii bishan Janaayo 2007 ayuu Guddoomiyaha Shariif Xassan war uu Nairobi kasoo saaray uu ku sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah ay isdhiibaan oo ay Dowlada hubkooda ku wareejiyaan.

 

Warkaasi ayaan wax isbedal ah ku keenin xiriirkii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Guddoomiyaha.

 

 

Safarkii Jabuuti

Shariif Xassan iyo xildhibaano gaaraya 11 ayaa boorsoonyinkooda ka qaatay magaalada Nairobi ayagoo 13kii bishan Janaayo 2007 gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

 

Shariif Xassan iyo xubno kale ayaa halkaasi ugasii gudbay dalka Beljim ee magaalada Brussels xarunta Midowga Yurub oo 15kii/Jan/07 isniintii lasoo dhaafay kula kulmay Mr.Lousi Michel madaxa horumarinta ee ururka Midowga Yurub.

 

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 17kii Janaayo 2007 ayuu Baarlamaanka Somaliya xilka ka xayuubiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka kadib markii ay 183 xildhibaan kalsoonida kala noqdeen.

 

Hussein Farah Keynaan

keynaan@horseednet.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

As the word international is being thrown around, here is the herald..

 

In Baidoa, the inland city where the transitional Parliament still meets, lawmakers ousted the speaker of the Parliament, Sharif Hassan Sheikh Adan, on Wednesday.

 

Adan, an illiterate livestock trader,
was recently one of the most powerful men in Somalia. But he fell out of favor with Yusuf and Prime Minister Ali Mohammed Gedi after he tried to strike a peace deal between the Islamists and the transitional government. He also demanded that Ethiopian troops leave Somalia.

 

Members of Parliament accused him of being a traitor and voted 183 to 9 to remove him. A replacement has yet to be named.

 

Adan rejected the vote, telling a Somali radio station Wednesday, "The country is illegally occupied by Ethiopia and the MPs were probably forced to vote against me."

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yall scared of him, eh? Getting anything and everything this man for ur own sick reasons..

 

Let me tell u though, History will tell and show that this man is the hero of every somali person that is really cares for somali unlike others who only support their favorite warlord because of sharing the same qabiil with him.. I have no relationship with shariif hassan or sheiikh Ahamed but they are my heros for being independent minded and care about every somali no matter of qabiil difference...

 

I hope this man don't leave the political game because he got my vote on what ever he do.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

Originally posted by Fresh2Death:

Yall scared of him, eh? Getting anything and everything this man for ur own sick reasons..

 

Let me tell u though, History will tell and show that this man is the hero of every somali person that is really cares for somali unlike others who only support their favorite warlord because of sharing the same qabiil with him.. I have no relationship with shariif hassan or sheiikh Ahamed but they are my heros for being independent minded and care about every somali no matter of qabiil difference...

 

I hope this man don't leave the political game because he got my vote on what ever he do.

My sentiments exactly. He is principled. He tells the truth about this so called government being controlled by the Ethiopians.

He speaks what everyone knows. He speak his mind and I support him. I hope he becomes the voice of a new party and challenge this puppet goverment and use the good ties he has in Europe to further this. I will be watching him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this