Sign in to follow this  
Kamaavi

DKMG oo Isku Heeysata : “Sagaaro Biyeey Cabtaa iyo Ma cabto

Recommended Posts

Kamaavi   

Murran weyn iyo qalalaase siyaasadeed ayaa hareeyey baarlamaanka DKMG ah iyadoo la’isku heysto xil ka qaadista afayeenka Sheekh Aadan Madoobe

24zhoi0.jpg

 

Murankani oo dad badani arkaan in waxa la’isku heysto ay yihiin “sagaaro biyeey cabtaa iyo ma cabto” ayaa waxa uu ka aloosan qodob ka mid ah xeer hoosaadka baarlamaanka oo cid kasta sida ay doonto u fasiran karto.

 

Xildhibaano aad u badan ayaa ku baaqaya xil ka qaadis lagu sameeyo gudoomiyaha iyagoo ku eedeeyey xil gudasho la’aan, waxayna cuskanayaan qodob axdigooda ka mid ah, xildhibaano kale ayaa iyagu si weyn uga soo horjeeda arrinkaasi.

 

Murankani oo hadda soo ifbaxay ayaa lagu soo waramayaa in uu ragaadiyey howlihii golahani aanan sharciyada heysan , isla markaasina aanan heysan kalsoonida shacabka.

 

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhowr jeeroo dhawaan uu qabsoomi waayay kullanka baarlamaanka ay ugu wacneyd murankani, iyadoo xildhibaano badan ay iska diideen in ay soo xaadiraan haddii Aadan Madoobe aanan meesha laga dirin.

 

Dhanka kale xildhibaanada DKMG ah waxaa heysata mushaar la’aan muddo billo ah, waxaana usii dheer amaan darro, iyadoo kala bar ay dalka dibada uga maqanyihiin.

 

Sh. Aadan Madoobe oo ka haray dowladii Cabdullaahi Yuusuf ee kursiga laga hoos bixiyey ayay haatan u muuqataa in gumucu uu haatan isagii ku fooraro, dhawaan waxaa shaki weyn dhaliyey ku xigeenadiisa oo si joogto ah saxaafada hadalo u siinayay, mid ka mid ah dad aan arrimahan wax ka weeydiiney ayaa qaba in ugu yaraan midkood gudoomiye ku xigeenada uu kasoo horjeedo Aadan madoobe, doonayana in xil ka qaadis lagu sameeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Sidaan maqlay this is not muran weyn but this Baydhabaawi guy(another xildhibaan from the same postcode as Adam Madobe) who iska dhaadhiciyey inuu jagada Aadan Madoobe la wareego ugu yaraan markii wakhtigiisu dhammaado. Then Sheekadii mooshin baan wadaa ee xilligii A/Y ayuu soo celinayaa. Soomaalidu waa inay ka gudubtaa kursigaan annagaa leh hebelna anigaa kaga habboon oo ka kacsanaya illeen ciddaa qayb u heshaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Waa niman mushaar la’aan ah, amaan darro u dheertahay, kala barna dalka dibada uga maqan.

 

Meeja waxay ku hayaan ayaa iska yar.

 

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

wa arin anu aad u so dhaweyneyno

Sabab yaa x.xunjuf?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this