Sign in to follow this  
Xudeedi

Graduates of Camud Groomed to Become Teachers in Haylaan Receive Massive Reception

Recommended Posts

Xudeedi   

Camud2.jpg

 

Waxaa Degmada Xingalool ee gobolka Haylaan soo gaadhay dufcadii ugu horreysey oo ka mid ah tiro macalimiin ah oo kasoo qalin jabiyey jaamacada Camuud University ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal kuwaas oo kadib laba sano oo ay ku jireen waxbarasho iyo dadaal dheer dib usoo guryo noqdey.

 

Macalimiintan soo gaadhey Degmada Xingalool ayaa dhiganayey jaamacada Camuud kulliyada tababarka macalimiinta (Fuculty Of Education) muddo laba sano ah, iyagoo haddana kasoo qaatey shahaadada (Diploma Of Teacher Training), waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey dufcadan maclimiinta ah oo tiradoodu gaadheyso saddex macalin Degmada Xingalool.

 

Wali waxaa la filayaa iney maalmaha soo socda yimaadaan macalimiin kale, waxayna dadweynaha deegaanku farxad weyn ka muujiyeen wiilashoodii oo kadib muddo laba sano ah oo ay waxbarasho ku maqnaayeen maanta yimi iyaga oo diyaar u ah iney dadkooda uga faaiideeyaan wixii ay soo barteen

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Camud3.jpg

 

Macalin Maxamuud Cali Shire oo ka mid ah macalimiinta soo qalinjabisey oo ay noo suura gashey inaanu wareysano ayaa nooga warbixiyey safarkoodii jaamacada camuud iyo mudadii labada sano ahayd ee ay la lagdamayeen waxbarashada jaamacada, waxaanu sheegey in dadaal dheer kadib ay kusoo guuleysteen iyaga oo kaalmaha hore u galay ardeydii ay la dhiganayeen kulliyada waxbarashada.

 

Macalin Maxamud ayaanu weydiiney iney jireen ardey kale oo ka socotey mandiqadda oo iyagu jaamacada Camuud wax ka baraney waxa uuna noo sheegey iney halkaas la joogeey ardey kor u dhaafeysa 20 ardey kuwaas oo ka kala socdey gobollada Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka bari kuwaas oo kala dhigta sagaalka kulliyadood ee ay ka kooban tahay jaamacada Camuud, waxaana qaar ka mid ahiba iminka ay ka muuqdaan sawiradan qalin jabinta ardeyda.

 

Jaaliyada Reer Xingalool ee qurba joogta ah ayaa iyagu dadaal weyn ku bixiyey horumarinta Degmada Xingalool waxayna deegaanka ka wadaan mashaariic horumarineed oo badan iyaga oo si gaar ah isugu taagey bixinta kharashka waxbarasho iyo masruufka macalimiintan labadii sano ee ay joogeen magaalada, Borama, waxaana si gaar ah ugu mahadiyey kaalintaa libaax ee jaaliyada qurba joogta ahi ay buuxiyeen dhamaan waxgaradka degmada Xingalool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Camud5.jpg

 

Macalimiintan ayaa la filayaa dhowaan iney ka shaqo bilaabaan dugsiga sare ee Xingalool Secondary School oo hore ay wax uga dhigi jireen macalimiin reer Boorama ah balse maanta ay iyagu buuxiyeen booskii macalimiintaas waana markii ugu horreysey oo dhamaan macalimiinta dugsiga sare ay wada noqdeen dad u dhashey degmada Xingalool.

 

Isku soo duuboo waxaa si farxad iyo reyn reyni ku jirto ugu soo dhoweeyey magaalada isimada, culimada iyo waxgaradka degmada iyaga oo shirar ay la qaateena is wareysi iyo xog warran ba ku kala bogtey waxaana dhowaan la filayaa in loo qabto macalimiintan xaflad soo dhoweyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Congrats to the new graduates..

 

Why every graduation pics, I see JB. It was just last year when I saw him in Hargaysa grad cermony and now Camud..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this