Sign in to follow this  
Maaddeey

Sh.Xassan Daahir oo maanta jeediyay khudbad taabanaysa meelo badan

Recommended Posts

Maaddeey   

Sh.Xassan Daahir oo maanta jeediyay khudbad taabanaysa meelo badan

By Somalimirror on 30 Oct, 2009 8:46 PM in Main, Wararka

 

Gudoomiyaha Xizbul Islam, Sh.Xassan Daahir Aweyn oo maanta Salaadi Jimcada kadib Muxaadaro ku qabtay Masjidka Abu-Hurayra ayaa ka hadlay Arrimo farabadan oo ku saabsan Xaaladaha Siyaasadeed ee ka jira Dalka Gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

 

 

 

Sh.Xassan Daahir ayaa Gaashaanka u daruuray Warka ka soo baxay Afhayeenka Xisbiga ee uu ku sheegay inay soo dhaweynayaan wadahadalka ay ku baaqday Dowladda Liibiya taas oo uu ku tilmaamay War ku kooban Ra’yi Shaqsi isla markaana aan ka turjumayn Go’aamada Xisbiga wuxuuna yiri “ warkaas war nin waaye war jamaacana maaha mana ka soo fulin waa ra’yi shaqsi ku kooban, waana laga yabaa in sida uu u waday iyo sida loo qaatay ay kala gadisan yihiin”.

 

 

 

Sheekha ayaa Muxaadaradiisu waxay u badnayd dhinaca boorinta in lala dagaalamo Ciidamada AMISOM oo uu Dagaalkooda ku tilmaamay mid Waajib ah isla markaana qofkasta oo awooda looga baahanyahay sida Salaadda looga rabo oo kale isla markaana ka haritaankiisa lagu danbaabayo.

 

 

 

Sh.Xassan ayaa isweydiiyay waxa Dagaalka ka reebay Culumadda uu ku tilmaamay Ah-lu Saxwa & Towxiid wuxuuna ku fasiray in sababtu tahay Caadifo Qaloocan oo dad badan ku jirta daraadeed in ay Jihaadka uga fariisteen Caadifadaas oo uu ugu magac daray mid qabyaaladeed ee aan diinta sal ku lahayn wuxuuna yiri “waa ijmaac Culimada islaamku ku kulansan tahay in qofkii Gaalada Muslimiinta uga hiiliya oo kaashada uu islaam nimada ka baxayo, waa ijmaac weyn marka Caadifad miyaa lagu qaadi karaa mise fiqhi qaloocday, Caadifadda aan afka ku balaariyee waa Hawiyiisim iyo Iririisim, marka waxaas cilmigii ilaahay lagu dhuminayo sax maaha” Wuxuuna intaas ku daray in qofkii gaalada iyo cadowga la socda uusan koofiyad islaam ku ahaanayn.

 

 

 

Sh.Xassan ayaa diiday in dagaalka hadda socda uu yahay mid Fitno ah balse wuxuu ku tilmaamay mid waajib ah asaga oo sheegay in uu xaaraam yahay dagaalka dhex mara muslimiinta balse wuxuu ku tibaaxay in dagaal Muslimiinta dhex mara uusan keenayn in dagaalka Waajibka ah ee uu ku tilmaamay kan AMISOM iyo DKMG ah laga tanaasulo wuxuuna booriyay in dagaalkaas laga qayb qaato kan Xaaraanta ahna laga dheeraado.

 

 

 

Sh.Xassan ayaa khaladaadka ka dhaca saaxada ku sheegay in ay sabab u tahay culimadii oo aan ka qayb qaadanayn Dagaalka taasina ay sabab u noqotay dhalinyarada oo aan cilmi badan lahayn ay ka dhacaan khaladaad ayna culimadi ku tuhmaan in ay dhinac ka yihiin.

 

 

 

Sh.Xassan ayaa Xaaladda caalamka islaamka guud ahaan ku tilmaamay in uu marayo xilligii Tataarku ku soo duulay isla markaana uu qabsaday Casimaddii Islaamka ee Baqdaad, asaga oo barbar dhigay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, Afgaanistaan, Falastiin & Ciraaq.

 

 

 

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Sh.Xassan ayaa khaladaadka ka dhaca saaxada ku sheegay
in ay sabab u tahay culimadii oo aan ka qayb qaadanayn Dagaalka
taasina ay sabab u noqotay
dhalinyarada oo aan cilmi badan lahayn ay ka dhacaan khaladaad
ayna culimadi ku tuhmaan in ay dhinac ka yihiin.

Aweys could have said this "hadaan nahay hogaanka Xisbul Islaam, khaladaad badan ayaan galnay"

 

laakin in uu khaladaadka dhallinyarada dusha ka saaro isaguna barii' ka noqdo ama uu yiraahdo waxaa sabab u ah culimadii oon taageerin dagaalka ama ka qeebqaadanin.

 

 

PS: Culimada maxey u diidey iney ka qeeb qaadato dagaalka?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

In uu khaladaadka dhallinyarada dusha ka saaro isaguna barii' ka noqdo ama uu yiraahdo waxaa sabab u ah culimadii oon taageerin dagaalka ama ka qeebqaadanin.

 

 

PS: Culimada maxey u diidey iney ka qeeb qaadato dagaalka?

Xisbiga has lost their last bit of credibilaty.

 

Nuune, to your suprise, Hassan's brother, Sh Axmed used to say "Walaalkey waligiis wuu Diin Jecla laakin wuu aqli xumaa".

 

I mean what's the damage that these guys can incure from 'wada hadal'? Unless Sheeqa is affraid of AL shabab since they threatened to behead anyone and anything remotly assosicated with 'Dowlada'. LoL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Originally posted by Sabriye & co.:

Nuune, to your suprise, Hassan's brother, Sh Axmed used to say "Walaalkey waligiis wuu Diin Jecla laakin wuu aqli xumaa".

 

Sabriyoow, bal warkaas hubi!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xiin, su'aashaa Maaddeey ayaan u wadey, dhaxdaad ka daftey sidii galeyr :D

 

 

Maaddeey, sxb waata Aweys yiri culimadu wey diideen iney dagaalka galaan, Culimada maxey u diidey iney ka qeeb qaadato dagaalka?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maadeey, yep, i've qouted a realiable source i know personally. Even if you'd rather dismiss that. Anaa hadaba ku leh, SHiiqaaga wuu diin jecel yahay, Laakin wee ku foorartaa.

 

Lets take a step back from today's incidents and you'll quickly realise.. the pattern in the following sequence:

 

1.Al itixaad< shaati qarxay.

2.Al ictisaam< lagu caasiyay Sh Bashiir & co.

2.Maxaakiim< laga booday.

4.Xisbigana sidaan u dambeeysay.

 

Maaddeey, ii talin meysid, ku talin maayo, wada tashan meyno, kala tagi meynee, tabtaas bee noo ahaaneysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Maaddeey:

quote:Originally posted by Sabriye & co.:

Nuune, to your suprise, Hassan's brother, Sh Axmed used to say "Walaalkey waligiis wuu Diin Jecla laakin wuu aqli xumaa".

 

Sabriyoow, bal warkaas hubi!
Maaddeey waxbo ha ka yaabin. Not so long ago when Sh Axmed returned from Xamar, we went to ask him about the situation. He told us that wiilkii uu dhaley Sh Xasan uu ugu hanjabey in uu dili doo waayoo waa murtad diinta ka baxey because he was trying to mediate between Xisbiga & Dawladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Nuunne, su'aashaas sheekhu waa ka jawaabayeka akhri Post-ga:

 

"Sh.Xassan ayaa isweydiiyay waxa Dagaalka ka reebay Culumadda uu ku tilmaamay Ah-lu Saxwa & Towxiid wuxuuna ku fasiray in sababtu tahay Caadifo Qaloocan oo dad badan ku jirta daraadeed in ay Jihaadka uga fariisteen Caadifadaas oo uu ugu magac daray mid qabyaaladeed ee aan diinta sal ku lahayn..."

Share this post


Link to post
Share on other sites

They need to find this fool a 17 year girl in Guriceel, that might calm him down.

 

Xasan Dahir has failed. Sharif Hotel has failed, all the roadblock merchants from Mogadishu have failed, its the end game, these people can talk all they like Somalia has moved on.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Sabriye,

 

3 Somali ah oo BBC isla dhegeystay haddii mid kale weydiiyo waxay ay sheegtay BBC-du, 3 war oo kala duwan ayay u sheegaan!, warkaas Sheekh Axmed aad ka soo weriday waa Baciid Jiddan!, ereyga aan kugu heystana waa : waa caqli xumaa!, ninna walaalki ka weyn saas ma yiraahdo, wax kale waa laga yaabaa inuu yiri, haddiise ay run tahay inuu yiri, waxaa loo bandhigayaa waaqica: Sheekh Xassan Madax adayg & wax kale ha lagu sheego laakiin caqli xumo! abadan!.

 

Arrinta weyn ee ah: Muxuu u dagaalamayaa, horta maxaa dawladdii hore lagu heystay?, waa isla iyadii oo dagaal oogayaalkeedii & qowleysatadeedii wadata, oo lagu kordhiyey, dibad jireyaal dhibsaday: CAANAHA HORAY U SOO QABO, ILMAHA LA SII JOOG & CASHADA NOOGU TUUR.. & Wadaaddo, diyaarad fuulka & gaalo la kulanka horumar u arka, Lift-iga & Escelator-ka markey saaranyihiinna 'WA YAKHLUQU MAA LAA TACLAMUUN'ku soo dhacdo!.

 

Ethiopian-kii shalay lala diriraayey hadda waa soo galaan Waddanka, kamana hadlaan! why?. Waxaa ka daran Baarlamanka waa kii u yeertay Gaalo oo dhan bimaa fiihim Ethiopia! haye?, wixii shalay Xaaraam ka ahaa qayrkood maxaa iyaga Xalaal uga dhigay?. Laa Adrii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA Adeer I wonder when age became an insult, and when Yemen became a bad country, however in all truth Yusuf has been the most successful leader in the past 20 years, those you support I.e. Thief Sakin and Sharif Hotel are less successful than warlords QAynyare, Sudi Yalaxoe and co.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddey, if I disagree with one of my older brothers, I could express my distaste with their views either in a subtle way or in a blunt way.

 

In either case, your example does ring a bell and it’s true people can perceive things differently and so lets call it ‘none and void’ just for arguments sake.(waxee aheed qof si qaldan wax u fahmay ama u qaatay ama u fasirtay).

 

Suaashaadii…jawaabteeda.

 

Dowladda, hada jirto waxee uga duwan tahay too hore,

1. waxee balan qaaday in ee shareecada Islaamka dalka ku xukumeyso.

2. waxee ku baaqday in wada hadal wax walba lagu dhameeyo

3. waxee ka shaqeesay oo qeyb ka aheed bixitaankii Itoobia heshiiskii lagu saarayna saxiixday.

4. waxee ka shaqeesay in Soomali ciidamo baddaheeda ilaasha yeelato.

5. waxee har I habeen si dii la rabay ugu shaqeen la’dahay .. wax ma garad takfiiri ah oo hooyadiis qalaayo hadii ee dowlada u sabciso.

 

Tii hore uu madaxweyne ka ahaa Col. Gabre (kudos to channel 4).

 

1. Wax shareeco islaam la yirah maba ogoleen.

2. Wada hadal waligeed kumeysan baaqin oo Xoog amxaaro aye kaga kalsooneed soomali oo heshiisa.

3. Waxee ka xumeed in Ciidamada Itoobia dalka Somalia ka baxaan.

 

Aan usoo laabto dowladda manta jirta.

 

Balamahii dowladda islaamiga ah waxaa hor istaagay walaale wa adiga iyo inta kula fikirka ah oo diidan in shareecada dalka lagu xumo.

 

Waxaad ogtahay, in Mudane Madaxweyne Sh Shariif Sh Axmed la gaaleysiiyay oo takfiir lagu sameeyay asagoo dhulka soomaaliya xitaa ba soo gaarin.

 

Culumadii waa weyneed oo ahlu fiqiga aheed wee diideen takfiirka noocas oo kale ah.

 

Markii sh Umal yimid Muqdisho waad ogeed, Sh Shariif waxuu yiri wax walba diyaar baan la’ahay oo ciidankaan shiisheeye waxba ma soo kordhinayaan aan dhibaato ka aheen ee nimankaan “waa idin gowraceena” la soo taagan bal ka soo dhameeya wada hadal.

 

Waxaad la socotaa in Sh Umal naftirkiisa la yiri “ adna ma gaaala ku soo dirtay shiiqow?”

 

Until today we are witnessing the same loonatic takfiiris calling Sh Axmed madoobe (who I disagree with anyway) a “gaal”.

 

AMNISOM DHIBTAADA EE GEYSTAAN, WAXAA LOO HEYSTAA NIMANKA DALKA KU HAYO OO DIIDAY IN LA SAARO OO DAGAAL(hoobiye la iska tuuro) KA DOORTAY WADA HADAL.

 

In Conclusion poltically speaking this Government is nothing like the previous Mambo jambo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

And the Xabashi octogenarian stooge, spending his forced retirement days in the deserts of Yemen, was the most successful of them all. How remarkable!

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this