Sign in to follow this  
General Duke

Puntland: reception for Cade...Pictures.

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan

Posted to the MOL October 28, 2006, 3:33 pm

 

1.jpg

Xaflad si weyn loo soo agaasimey ayaa Xalay (27.10.2006) ka dhacdey Hotelka Panarama ee Magaalada Bosaso, Xafladan ayaa ahayd mid loogu tala galay Ciid Fidriga isla markaana dib loogu dhigey Madaxweynaha imaanshihiisa.

 

3.jpg

 

Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad kor u dhaafaya 350 qof kuwaas oo isugu jirey Madaxda Dawlada, Isimada, Culimada, Ganacsatada, uruarada bulshada ardeyda iyo haweenka Puntland.

 

6.jpg

 

Ugu horeyn waxaa halkaas wacdi kooban ka soo jeediyey Sh. Fu'ad Maxamuud Xaaji Nuur intaas ka dib waxaa halkaas ka hadley Duqa Degmada Bosaso ahna gudoomiyaha golahadeegaanka Bosaso Khadar Cabdi Xaaji Mire khadar ayaa sheegey in loo qabtey xafladan munaasabdii ciida isla markaana dib loogu dhigey Madaxweynaha Puntland oo maanta kasoo degey Garoonka Caalamiga ah ee Bosaso Airport, intaas ka dib waxa uu ku soo dhaweeyay Gudoomiaha Gobolka Bari Dr. Muuse Geelle Faroole.

8.jpg

 

Gudoomiyaha Gobolka ayaa sheegey in dadka reer Puntland ay aad ugu faraxsan yihiin, sidoo kale waxa uu ka hadley aminga Gobolka, waxaana uu hadalkii ku soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyada Puntland Dr. Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab).

 

Ugu horeyntii wasiirku waxa uu mahadceliyey dhamaan ka so qaybgalayaashii xafladda waxaana uu sheegey in Puntland ay u sara kacdey sidii ay wax u qabsan lahayd oo lugeheeda ugu istaagi lahayd, muddo badan aya la yiri dhulkii ayaa la gatay sun ayaa lagu duugi waxaas waxa faafinaaya waa Puntland Cadawgeeda aan dooneyn in aan wax qabsano cadow gudaha ah iyo mid dibadda ahba ayuu yiri Wasiirku, Burburka Soomaaliya gaarey ayaa sababay in ay lawaayo dhamaan dokumiintiigii laga diyaarshey Kheyraadkeena sidaas ayaana kaliftey bal in marka hore aan baaritaan samayno ayuu yiri wasiirku, sidoo kale wasiirka ayaa ka hadley aminga loona baahan yahay in la xoojiyo, sabata oo ah ayuu yiri wasiirku waxaad moodaa in xaalka Soomaaliya maanta dib ugu laabanaayo bilowgii sanadihii sagaashaamdkii halkaas oo qabiilo ay ku duuleysey qabiilo kale.

9.jpg

 

Wasiirka maaliyadda ayaa hadalka ku soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee Macdanta iyo Batroolka Xassan Cismaan (Aloore) isaga oo isla markaasna uu u wakiishey madaxweynuhu in uu ka waramo safarkii ay ku kala baxsheen dalal ka mid ah carabta iyo Aaisyada fog.

 

Agaasimaha Guud ee Macdanta iyo Batroolka ayaa jeediyey khudbad aad u dheer isaga oo sheegey in mudaddii ay ku guda jireen safarkooda ay la kulmeen in ku dhaw 40 shirkadood kuwaas oo noocyo badan leh khudbadda agaasimaha oo taabanaysa dhinacyo badan taas oo ah:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Macdanta:

 

10.jpg

 

Waxa uu sheegey Xasan Aloore in ay hubaal tahay in Puntland ay leedahay macaadiin aad u tiro badan ayna ku ******** in badan oo ka mid ah baaritaanadii la sameeyay.

 

11.jpg

 

Shidlaaka:

 

12.jpg

 

Dhinaca Shidaalka haddaan tixraaco diraaso uu sameeyay Bangiga Aduunka si loo dhiiri geliyo shirkadaha caalamka inay maalgashadaan Afrika dhinaca shidaalka , waxay heleen in Somaliya iyo Suudaan ay yihiin wadamada ugu badan ee uu ceegaago shidaalku, marka laga hadlaayo Soomaaliya shidaalka ugu badan waxa uu ku jiraa dhulkeena ayuu yiri Agaasimuhu.

 

Agaasimaha ayaa tusaale u soo qaatey dalka yaman, maadaama aysan inoo dhaxayn masaafo dheer waxaa laga heley shidaal muddo lagu kala iibsanaayey suuqyada caalamka kaas oo horumar gaarsiiyey dalka yaman waxayna sheegaan culimada xeel dheeerayaasha ah ayaa sheega in dhulku xiriir leeyahay Somaaliyana ay leedahay caalamadihii lagu yiqiiney goobaha uu shidlaaku dhex jiifo.

 

Sidoo kale agaasimaha tusaale u soo qaatey shirkadda weyn ee CONOCO oo muddo dheer shidaal ka baareysey Gobolada Puntland isla markaasna ay ku kharashgaraysey dhaqaale badan.

Hadaba nasiib daro maadaama aynaan lahayn khibradii iyo Aqoontii aan kula soo bixi lahayn kheyraadkeena ayey lagama maarmaan noqotey in aan raadsano shirkaddo lehawoodaas oo maalgashda kheyraadkaas si labada dhinacba uga faa'iideystaan ayuu yiri Agaasimuhu Xassan Alloore.

 

Xassan oo weli hadalkiisa sii wata ayaa yiri dedaalkii madaxweynaha Puntland Mudane Cadde Muuse uu waday in muddo ah ee ku saabsaneyd sidii looga fa'iideysan lahaa kheyraadkeena dabiiciga ah, ayaa sababay in ay indhaha ku hayaan Puntland shirkado badan oo quud daraynaya in ay maalgashadaan Puntland.

 

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegey in Shirkadda Rangne ee heshiiska Puntland kula gashey baarista iyo qodista shidaalka ay la gashey heshiis is faham ah shirkad weyn oo haysata qalabka qodista shidlaaka lana yiraahdo Canmex lagana lee yahay dalka Kanada, Isla markaasna Madaxweyha Puntland uu arintaas ansixiyey.

Shirkadda Canmex ayaa qodidoonta 4 ceel oo ku kala yaal Dooxoyinka Nugaal iyo Dharoor, heshiiskan ayaa qoraaya in ay ku waajibeyso Canmex in ay ku maalgeliso arintaan Aduun dhan 50 Milyan oo doolarka maraykanka ah.

 

Ugu danbeyntii waxaa soo xirey xafladii madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi, khudbada madaxweynaha ayaa waxaa ka dhexgalaayey sacab aad u badan waxaana ka soo qaybgalayaashii ay aad ula dheceen hadalka madaxweynaha.

 

Madaxweynaha ayaa sheegey in Waxa maanta Soomaali isu layneyso ay tahay Baahi taasna uu ku ogaadey khibradiisa isla markaasna uu ku dedaalayo sidii looga bixi lahaa Fakhriga iyo shaqola'aanta.

 

Madaxweynaha DGPL ayaa sheegey in la bilaabayo dhisamaha RUNWAY-ga Bosaso Airport Qolyihii inoo balan qaadey in ay dhisaan Airportiga waxa ay sheegeen in aan sugno muddo 9 bilood ah, waxaana ii muuqatey in ay tahay waqti badan maadaama muddo dheer aan sugeyney, inaga ayaa isku tashaney waanaa la bilaabayaa Garoonka qaybta diyaaraduhu ku soo degaan ( Run Way) Waxaana la dhagax dhigayaa 7.11.2006 waxaana kula soo sheshiiney shirkad ajnabi ah anaga oo bixineyna Aduun dhan 9 Milyan oo Doolar.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in uu jiro Heshiis ay la soo galeen Bangi ku yaala Malaysia oo ah kuwa maalgashiga si uu damaanad uga noqdo xoolaheena Nool ee sida macna darada lah loogu bahdilo suuqyada Carabta arintaasna ay dhawaan bilaamayso.

 

Isku soo duubo xafladdii Caawa (27.10.2006) ee ka dhacdey Hotel Panarama ayaa ahayd mid dadweynuhu aad ugu riyaaqeen akhbaarta ka timi safarkii uu madaxweynuhu dalka dibadiisa ugu baxay isla markaasna uu xooga ku saarayey sidii dalku fakhriga uga bixi lahaa.

 

Faafin:Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BOOSAASO : Cadde Muuse "Waxaa nala ku yiri dib u dhiga baaritaanka macdanta iyo soo saarista khayraadkiina muddo 20 sano ah oo waxaad doontaan qaata"

Posted to the Web Oct 29, 14:36

 

 

Boosaaso:-Cadde Muuse Xirsi M/waynaha DG Puntland oo khudbad dheer oo uu jeediyay habeen hore taa soo uu kaga warbixiyay safarkiisa dibada ee la xiriira dadaalka uu ugu jiro in la soo saaro Macdanta iyo Khayraadka dalka ayuu sheegay in lagu yiri baaritaanka iyo soo saarista khayraadka dalkiina dib u dhiga oo joojiya muddo 20 sano ah waxaad qaadataan wax kasta oo aad u baahan tihiin.

 

 

Cadde ma carabaabin cidda u soo jeedisay in ay dib u dhigaan baaritaanka macdanta iyo waxa badalkeeda loogu badalayo taa soo maamulkiisu uu wayn u doonayo in lala soo baxo khayraadka dalka ku jira oo laga faa’iidaysto.

 

 

M/waynuhu wuxuu sheegay in isaga iyo wafdigiisa uu la kulmay in ka badan 40 shirkadood ku waa soo ay ka wadahadleen in baaritaan iyo soo saarisba lagu sameeyo Macdanta iyo Shidaalka ku jira Puntland , wuxuuna ku cel-celiyay in dhammaan Shirkadahaas oo dhan uusan wax dhaqaale ah haba yaraatee uusan ka qaadan.

 

 

"Nin aad baryayso in uu kuu soo saaro Macdan iyo Shidaal miyaa lacag waydiisan kartaa ? , waa maya jawaabtu , anagu wax lacag ah oo aan ka qaadanay habayaraatee ma jirto mana doonayno in aan ka qaadano markaan dalka soo galay $ 100 baa jeebkayga ku jiray dayn baan kaga soo dhoofnay dalka Emaradka".

 

 

Hadalkan uu M/waynuhu ku sheegay in loo soo jeediyay in dib loo dhigo baaritaanka Khayraadka dalka muddo 20 sano ah ayaa loo macnayn karaa in uu M/wwaynuhu uu dhiiri galinayo in shacabka Puntland ay taageero degdeg ah u fidiyaan maamulkiisa si loo soo saaro Macdanta iyo Shidaalka dalka ku kaydsan oo looga faa’iidaysto mustaqbalka dhow.

 

 

Cadde Muuse ayaa aaminsan in baahiyaha dhaqaale ee dalka ka jira in looga bixi-karo oo kaliya iyadoo lala soo baxo khayraadka dalka ku dihin ,anigu waan ogaaday dadkan wax ka dhaxeeya oo dhibaata ah ma jirto , laakiin waxaa isku diraya buuqa iyo qabiilka kicinaya waa baahida dalka ka jirta oo kaliya iyadana waxaan uga bixi karnaa in aan la soo baxno khayraadka dalkeena ku jira si aan uga faa’iidaysano , anigu waan doonayaa in aan qasri ku noolaado oo aan lacag helo sida aan ku soo arkay meelihii aan takay dadkaygana saas baan la doonayaa ayuu yiri.

 

 

Axmed C/salaam

Garoowe , Puntlandpost.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DGPL ayaa sheegey in la bilaabayo dhisamaha RUNWAY-ga Bosaso Airport Qolyihii inoo balan qaadey in ay dhisaan Airportiga waxa ay sheegeen in aan sugno muddo 9 bilood ah, waxaana ii muuqatey in ay tahay waqti badan maadaama muddo dheer aan sugeyney, inaga ayaa isku tashaney waanaa la bilaabayaa Garoonka qaybta diyaaraduhu ku soo degaan ( Run Way) Waxaana la dhagax dhigayaa 7.11.2006 waxaana kula soo sheshiiney shirkad ajnabi ah anaga oo bixineyna Aduun dhan 9 Milyan oo Doolar.

Great!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Impressive!!!! Unlike the other cities in Somalia, Puntland had to build everything from scratch and without the help of Siad's Gov't. There was nothing there when the war broke out, but now driving into Bosassoo from Garowe it was amazing to see the difference in growth on a month to month basis; all the restaurants with colourful lights. The city is just exploding with business. I love going there!!!!!!

We just need more educated people from abroad to come back and help.

Share this post


Link to post
Share on other sites

meesha dad badaniba ma iyagaa joogaa ,,, waa waxoogaa casho loogu yeedhay uune ,,, muxuu banaanka uga qudbadayn waayay oo uu dadka oo dhan u hor istaagi waayay ,,,,,,,, that would be good u guess

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Caamir:

Nimankan maxay cuneen. Waaweynaa?

Waa niman 24ka saacadood cuno hilib geel is wata macal jeenigiisa sakaarkiisa, cududiisaba etc, hilibka geela kalluun bey ku lifaaqaan inta badan si labada dheecaan ama dhadhan isu haleelaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

""Nin aad baryayso in uu kuu soo saaro Macdan iyo Shidaal miyaa lacag waydiisan kartaa ? , waa maya jawaabtu , anagu wax lacag ah oo aan ka qaadanay habayaraatee ma jirto mana doonayno in aan ka qaadano markaan dalka soo galay $ 100 baa jeebkayga ku jiray dayn baan kaga soo dhoofnay dalka Emaradka"."

 

What a load of tosh. Walaahi dadka soomaliya jooga indho fur ayey ubaahan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i remember when i was in Qardho, i was amazed how women are selling the camel meat ,,, Ohh my God ,,, a really big big women aan i iri geelay ku naaxeen with a big knife and selling this camel mean ,,,,

 

Waan baqday oo lafahaygaan la cararayba ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

remember when i was in Qardho, i was amazed how women are selling the camel meat ,,, Ohh my God ,,, a really big big women aan i iri geelay ku naaxeen with a big knife and selling this camel mean ,,,,

 

Waan baqday oo lafahaygaan la cararayba ,,,,

:D

 

Sophist, you have a point mate.

I am still waiting on the airport, its taking too long to finish off.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Wow, we got so many arm chair politicians here, giving their 2 cents. Well that's the nature of politics I guess. My question is, don't you think it is really tough to build an airport when you know a major war is inevitable? Sooner or later there will be a fight for Gaalkayo. Bigger then the one before! So where do you spend your money? Defense or on infrastructure?

I agree an airport should have been one of the first things built when Puntland was formed, but unfortunately it was put off time and time again. That's why it was one of the first things this admin pledged to build.

 

The new website the gov't is building should prove how much has been accomplished.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

I absolutely agree; constructive criticism is good. Let's look at what’s going on in Somaliland and the tension there; we are not seeing the same things happening in Puntland. I think our admin is doing a fine job keeping the people happy, and when I mean the admin, I mean the entire government is taking responsibility.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this