Sign in to follow this  
ansaar17

3 uganda soldiers injured in mortar attack

Recommended Posts

ansaar17   

Wararka

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Ciidamada Uganda oo la kulmey dagaal iyo Madaafiic

6 Mar 6, 2007 - 5:59:37 AM

 

 

 

 

 

ciidamada Uganda uu ku hubeysan hubka nabad ilaalinta

Iska horimaad qasaaro weyn geystay ayaa maanta duhurnimadii ka bilowday agagaarka xaafada Shiirkole ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhex maray ciidamada Ethiopian-ka iyo kooxo hubeysan.

 

Ciidamada Ethiopian-ka ayaa la sheegay inay duhurnimadii maanta kasoo baxeen Wasaarada Gaashaandhiga oo muddo ay degnaayeen iyagoo baaritaano ka bilaabay xaafada Shiirkole oo u dhow wasaarada Gaashaandhiga.

 

 

Ciidamada uganda oo qaadnaya Salaan

Kooxdan hubeysan ayaa iyagana la sheegay inay kamid yihiin dadweynaha xaafadaasi kuwaasoo kasoo horjeestay baaritaana ay ciidamada Ethiopian-ka xaafadooda ku sameynayaan.

 

Dagaalka ayaa iminka qaboobay, iyadoo ciidamada Ethiopian-ka ay dib ugu laabtaan Wasaarada Gaashaandhiga waloow kooxda hubeysan ay u dhawaadeen Wasaarada Gaashaandhiga isla markaana dhowr hoobiye ku rideen.

 

 

Ciidamada Uganda oo ka so dagaya diyaaradii sidey

Qasaaro ayaa iska horimaadkaasi ka dhashay waxaana ku dhintay labo ruux halka tiro aad u fara badan oo dadweyna rayidka u badan uu dhaawac soo gaaray.

 

Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa kusoo dhacay madaafiic badankood la sheegay inay adegsanayeen ciidamada Ethiopian-ka.

 

 

Ma jirto cid labada dhinac kala dhex gashay waxaana hada istaagay dagaalka waloow marar qaar xabado goos goos ah la maqlayo.

 

Madfiic lagu weereray garoonka Muqdisho xilli ciidan ka soo dagayo

 

 

Madaafiic xoogan ayaa lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, xili halkaasi ay kasoo degayeen ciidamada dalka Uganda ee qeybta ka ah ciidamada Midowga Afrika oo ku soo fool leh Somalia.

 

 

 

Madafiicdan ayaa la ogeyn halka laga soo tuuray iyadoo qasaaro ay geysteen, waxana lagu qiyaasay madaafiicdaasi garoonka kusoo dhacday inay gaarayeen 8 Madfac.

 

 

 

Goobjooge ku sugnaa xiligaasi garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inuu arkayay saddex Askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda oo dhaawac soo gaaray isla markaana lagu qaadayay gaari garoonka yaalay.

 

 

 

Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in marka ay madaafiicda soo dhacayeen garoonka ay ka socotay khudbado lagu soo dhaweynayay ciidamada Uganda.

 

 

 

Ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Ethiopia ayaa durbadiiba bilaabay inay Madaafiic jawaab celin ah ku ridaan goobaha ay is leeyihiin hoobiyaasha ayaa laga soo tuuray.

 

 

 

Xaalada Muqdisho ayaa kacsan waxaana gabi ahaanba istaagay isku socodka gaadiidka, dadweyne aad u fara badan ayaa bilaabay inay qaxaan iyadoo dadka oo dhan ay walaacsan yihiin.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

 

source: Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

A person who doesn't have his OWN opinion and has been preprogramed is hard to talk with.

 

what do you have to say about this,

 

garowe.com posted it, and they are from your clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

thats why i said there was no point in talking with people like you, brainwashed.

 

Better off not wasting my time arguing with dead enders.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You have failed big time dude, not you of course but the clan millitia you support. The AU troops are here and what will a few mortars missing targets as usual do to them, these are soldiers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You have failed big time dude, not you of course but the clan millitia you support. The AU troops are here and what will a few mortars missing targets as usual do to them, these are soldiers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this