Sign in to follow this  
Paragon

What is happening in Bosaaso?

Recommended Posts

Paragon   

War deg dega: Wadada Laamiga ah ee isku xirta Magaalada Bosaso iyo Al xamdulilah oo Maanta Duhurkii la joojiyey Gawaaridii isagakala gooshi jirtey Wadadaasi

 

Bosaaso:-Wada dheer ee isku xirta Maagaalada Bosaso ayaa waxaa isa soo dhoobay Ciidamo ku hubaysan Hubka Noocyadiisa kula duwan ku waasi oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag waxaana ay Ciidankaasi Maanta Bandow lixaadle ku soo rogeen Gadiidka Xamuulka Qaada ee ka baxa Magaalada Bosaso waxaana ay xakamayn ka sareen safarkoodii ay ugu baxayeen Gobolada kale.

 

 

Ciidankan ayaa waxaa uu fariisino ka dhigtay Tuulada Laag oo ku dhawaad 30 km u jirta magaalada Bosaso iyo Magaalada Ceeldoofaar waxaana ay ciidankaasi ku hubaysan yihiin hub aad u culus oo noocyadiisa kala duwan

 

 

Ciidankana oo ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa waxaa ay iminka kusugan yihiin inta u dhexaysa Kontoroolka Carmooyin iyo Alxamdulilah duleedkeeda halka lugu magcaabo kala dhacda ilaa iyo laag oo ah wejiga 1aad ee laga soo galao Magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

 

Ciidanka Maamulka Puntland oo ku hubaysan 4 gaari oo cabdi bileyaala ayaa galabta Dib uga soo Noqday Ciidankaasi ka dib markii ay arkeen awooda uu leeyahay ciidankaasi iyagoo dib uga soo noqday.

 

 

Ciidankan ayaa waxaa ay amar ku bixiyeen in Maamulka Puntland uu mudo 24sacadood gudeheeda ku sii daayo dadka guryohooda lugu soo weeraray ee sharcidarada lugu haysta hadii kale talaabada ku haboon ay ka qaadayaan iyagoo gebi ahaanba diidey inay wax waan waan ah la galaan Ciidanka Puntland,

 

 

Dhinaca kale waxa ka jira Gudaha Magaalada Bosaso gawaari si aan caadi ahayn u raran oo dib ula soo Noqday rarkoodii ka dib markii ciidankaasi ay bondow iyo xaalad degdega ay ku soo rageen wada Gadiid ku mare ee laamiga ah.

 

 

Magaalada Bosaso ee xarunta G/Bari ayaa Caawa xaaladeedu cirka isku shareertay iyadoo cabsi wayn laga qabo cidiankaasi degay Tuulooyinka Laag iyo Ceeldoofaar.

 

 

Maxamed Axmed ciise

 

 

 

===

 

 

Ciidamo aad tiro badan ayaa u soo ruqaansaday dhinaca magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

 

Bosaaso:- Ciidamo aad u xoog badan oo ah Ciidamo ka amar qaada Maamulka Maakhir ee dhawaanahanba ku sugaan magaalooyinka Ceer-daahir iyo Laag ayaa waxay u soo ruqaan sadeen dhinaca Kaanta Rool magaalada Bosaaso,iyagoo waliba soo ceshay gaadiid badan oo Bosaaso ka boqoolay,kuwaas dib ugu soo laabtay magaalada Bosaaso.

 

 

Ciidamadaas ayaa la sheegay inay wadaan Hub aad u Culus iyagoo hadheeyay dhamaan Jiida hore ee magaalooyinka Laag iyo Ceel-daahir, waxana ay wacad ku mareen inay weerar Buuxa ku soo qaadayaan magaalada Bosaaso,halkaas oo ah meesha ay Jeelasheeda Buux dhaafiyiin Dhalinyaro Warsangali oo aan waxaba Galabsan.

 

 

Hor jooga yaasha Ciidamada Beesha warsangali ee ku sugan Jiid hore ayaa LaasqorayNet- u sheegay inay 24- Saac gudahoos ku soo galayaan Gudaha magaalada Bosaaso ee ay ka jiraan Gobood fala Dadka rayidka loo gaysanayo,waxayna intaas ku dareen in Malayshiyaadka Cade Muuse ay la galayaan Dagaal daba dheeraad oo ay in badan ka sheekeeyaan.

 

 

War si duur xul ah u soo gaadhay LaasqorayNet- ayaa sheegay inay jiraan Ciidamo kale oo ku soo dhawaaday Jaanka kuwaas oo doonaya inay gacan buuxda ku qabtaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso.

 

 

Waxaana jira warar lagu kalsoon yahay oo ka imanaya magaalada Ceerigaabo oo tibaaxaya in ciidamo hubeysani ay kasoo bexeen magaalada iyagoo soo marey magaalada Carmale ee iyana ku taala galbeedka Gobolka Sanaag oo ay ciidamo kale iska soo raacayaan.

 

 

Badhan ayaa waxaa lagu diyaarshey ciidamo hor leh oo sugaya iney dhaqaaqaa, waxaana goor aanu la xiriirney magaalada Badhan naloo xaqiijiyey iney ciidamadaasi saanadoodii milateri u dhantahay.

 

 

Dhanka magaalada Bosaaso ayaa waxa ka socda qax iyo barakac kuwaas oo dad badani ay ka qaxeen xaafadahoodii iyagoo walaac xoogan ka muujiyay dagaal ka qarxa gudaha magaalada Bosaaso, xaafada ah ugu badan ee laga qaxay ayaa waxa ka mida xaafada Raf iyo Raaxo ee laba maalmood ka hor uu dagaal ku dhex maray Dhalinyaro ee Beesha Cade Muuse.

 

 

Wararka qaar ayaa sheegay inay Ciidamo ka soo baxeen Magaalada Garoowe ee xarunta u ah Maamulka Cade Muuse ku waas oo ku soo fooli halka ay ku sugan yihiin Ciidanka Maakhir.

 

 

Isku soo duuboo xaalada ayaa u muuqta mid aad u cakiran iyadoo Maamulka Cade Muusena ku qanac san yahay inay Dagaal la galaan Beesha warsangali.

 

 

LaasqorayNET

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

""Whoever amongst you sees anything objectionable, let him change it with his hand, if he is not able, then with his tongue, and if he is not even able to do so, then with his heart, and the latter is the weakest form of faith." Hadith Saxiix.

 

Bosaaso (and Puntland in general) is reaping what it sowed in Somalia. A clan fiefdom that chose to support the invading army of Ethiopia against their own brothers and sisters. Fear not, the other clan fiefdom, though not as overtly involved in their support, will also get what's coming to them.

 

Of course, the administrations are responsible for this calamity and the public, wherever they are, are misguided into their demise.

 

Repeat after me: either we all have peace and prosperity or non of us will.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Castro, horta good to see you again sxb.

 

Marka labaad, waa runtaa. One reaps that which he sows. Balse I am hoping Cade would get deposed peacefully. No need for more bloodshed. I think his support for the Amxaaro and his corruption have caught up with them at last.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Castro:

 

Repeat after me: either we all have peace and prosperity or non of us will.

True!!

 

 

I think Mr Me must be enjoying this today....Loooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Boosaaso Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Ayaa Hadan Qarka Usaaran In Dagaal Culus uu Kadhoco

 

Bosaaso(Badhanonline.com)Wararka naga soogaaraaya magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa sheegaaya in halkaas ay ilaa shalay ka aloos naydi xaalad aan waxa xasilooni ah salka ku lahayni kadib marka ninka mamulka puntland usareeya ee cade muuse uu armar kubixiyey in willal gurigooda hurda b10 lagu garaaco arint ayaa dadka ku noqotay mid aan caadi ahayni oo sharciyada mamulada kaweyni laguna macneeyey arin aarsasho ah

arinta magaalada boosaaso ayaa waxa ay umuuqataa mid faraha kabexeysa kadib markii in kabadan 2 maamlmood ciidan beeleedyo wax iska caabinta wada lagu hurgoogey magaalada laag waxana wararkii ugudameyey ay hadan sheegayaan in xaaladu ay udhowday dagaal culus oo boosaaso kabilowda magaalada boosaaso kadib markii odayaal dhaqmeedka beesha dubaysi ee warsangeli ay ku gacan sayreen kuwa kale ee majeeteen waxana arintan lacadeyey in uu masuulka usareeya yahay madaxweynaha puntland Gen maxammuud muuse xirsi sida uu noo xaqiijiyey mid ka mid ah odayaal dhaqamedka degaankaas oo usagu kagaab saday in magiciisa lashaaciyo waxa uuna intaas kudaray in ku rajo weyni yahay in magaalada boosaaso ay saacadaha soosocda ay gacanta ugelidoonta ciidamada beesha dubaysi oo haatan lagu horjoogo meel aan magaalada kadheeraan waa sida uu hadalka uyiriye

 

wararka hadan kusoo dhacaya warqabadka shabkada warbaahinta ee badhanonline.com ayaa tibaaxaaya in uu dhaqdhaqaaq xoogani kajiro magaalada boosaaso kaas oo aan ilaa iyo hadan lacadeyni waxa uu salka kuhayo balse lasheegay in ay diyaar garow xoogan galeen ciisamo beeleedyada puntland oo iyagu halkaas indhoweydi foodada kawadey waxa wararku intaas kudarayaan in ciidamo beeleedyada puntland ay hadan magaalada dhexdeeda si laga dereemaayo diyaar garow iyo argagax kuyimi oo ay magaalada dhexdeeda marnarayaan.

 

War wixii intaa dheer kala soco wararkeena dame ee Badhanonline.com

 

updated on 20-10-07

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Military build up continues between Maakhir and Puntland in Bosaaso after bloody fighting on last two days.

 

Military tension is rising between newly formed state of Maakhir and the Puntland State in Eastern coastal city of Bosaaso, which is the commercial capital of Puntland.

 

The tension started after Puntland militia attacked house in Bosaaso which some loyal Maakhirian were staying, that attacked led to bloody gun battle that lasted for two days in the Puntland militia used heavy artillery to destroy the building and finally succeeded to capture the armed men.

 

The armed men hailed from Maakhir and that led the involvement of Maakhir Authority and demanded their immediate release.

 

According to reports in Garowe, the Puntland Authority refuses to release the men and branded them as terrorist, and member of Islamcic courts Union ICU militias, which many people in the region saw it as misleading information.

 

That led to military build up in and around Bosaso as Maakhir Authority sent enforcement from Erigavo, Dhahar and Galgala, and the situation is getting very tense.

 

Latest reports are indicating that the Maakhirian enforcement had indeed reached outskirt of Bosaaso and captured small town called Laag, just 20 KM off Bosaaso and they have refused to let in or out any vehicle from or to Bosaaso.

 

 

According to some trusted reports from Dhahar is indicating that a meeting between the elders and Maakhir authority took place in which it has been discussed about the possible war with Puntland.

 

 

This is first time such high tension rose between Maakhir State and Puntland since the declaration of Maakhir.

 

 

Bosaaso is flash point as both authority lay claim on this booming town in Eastern Somalia and home for large Southern Somalis immigrant.

 

 

The main culprit of the deteriorating security situation in Bosaaso is responsible by the incompetent Adde Muse, president of Puntland who ordered the arrest of prominent Businessman from Maakhir in Bosaaso.

 

LaasqorayNET

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's looking really serious. Maakhir has blocked the main highway to Bosaso and send thousands of soldiers to Laag, which is maybe an hour or two away from Bosaso along the highway.

 

Unless someone backs down there's going to be war.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

LOL@MILITARY BUILD UP.

 

 

Remember these guys are wearing dacas and sandles+ macawis and AKs...does the equal military...oh please.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

define military? even pple fighting with spears, had military power! anyway, Rabi ha fududeeyo dhibkan ka tagan Bosaaso iyo agagaarkeeda!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this